OPINION

Maamulka Saaxil maxay isu hortaageen dhismaha dugsiga

Maamulka Saaxil maxay isu hortaageen dhismaha dugsiga

 

Sidaynu wada ogsoonahay gobolka saaxil gaar ahaan degmada berbera waxa ka jira dib u dhac wayn oo kaabayaasha arrimaha bulshada ah. Hadaynu tusaale u soo qaadano dhinaca waxbarashada, degmada berbera waxa ka jira baahi xoog leh oo u baahan in shicib iyo dawladba loo guntado sidii wax looga qaban lahaa , mushkiladan xalinteeda waxa kaalin mugleh ka qaadan kara dadka gobolka u dhashay gaar ahaan qurba jooga. Hadaba waxa wax ilaahay loogu mahad naqo ah in muwaadin reer Somaliland ahi uu dareemay baahida waxbarasho ee gobolka isla markaana ku fikiray una guntaday sidii uu dugsi uga dhisi lahaa degmada berbera, dugsigan oo sida muwaadinkaasi sheegay loogu talo galay in ay wax ku bartaan hablaha Somaliland, kana kooban jiif, cunto iyo waxbarasho (boarding campus), waxa muuqata in dugsigani uu kaalin laxaadleh ka qaadan karo kobcinta iyo horumarinta waxbarashada gobolka iyo guud ahaan dalka oo dhan, waxaana muhiim ah in fikirkan oo kale la dhiiri galiyo laguna garab galo taakulayn iyo taban taaboba ka midho-dhalinta yagleelka dugsigaas.

 

 

Haddaba annagoo ka mid ah aqoonyahanka iyo dhalinyarada gobolka Saaxil ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibeddiisa waxaanu ku taageeraynaa ,ku hanbalyaynaynaa kuna garabtaaganahay muwaadin Cali M.I. Cigaal fikirkan horumarka ah ee uu ku talaabsaday, waxaanu aad uga xun nahay in dhismihii dugsigaasi aanu sidii la rabay uga fulin maamulka gobolka iyo degmada berbera, oo inta kaga aaddani ahayd bixinta dhulkaas. Dhulkaas oo markii hore la siiyey muwaadinka balse haddana dib loogala noqday, taasina waxay niyad jab-weyn ku keenaysaa dadka u heelan maalgashiga waddankooda.

 

Sidaa darteed waxaan ugu baaqaynaa kana codsanaynaa maamulka gobolka iyo degmada berbera in aanay muwaadinkaas kaga noqon dhulkii ay hore u siiyeen, si uu u hirgalo dhismaha dugsigaasi.

  1. Dr. C/raxiim C/lahi                    (M.D)
  2. Khadar  Axmed  Jaamac           (M.B.A)
  3. Yuusuf   Cali   Warsame           (L.L.B)
  4. Axmed    Xasan   Liibaan
  5. Mustafe     C/raxman  Dalmar
  6. Eng.Cumar  C/laahi
  7. Cabdalle  Ismaaciil     (B.B.A)
  8.  Eng. Maxamed   Cismaan
  9. Axmed      C/laahi       Ducaale (B.B.A)
  10.  Muna       Axmed    Guuleed   
  11. Sh.Ismacil  Cali        Yaxye
  12. Xasan         Muuse   Siciid       (B.B.A)
  13. Xasan          Maxamed   Daad
  14. C/kariim     Axmed   Xasan
  15. Saynab       xuseen   Gaaxnuug
  16. C/casiis       Maxamed  Cali
  17. Axmed       Cali    Jaamac
  18. Dr.Cumar  Yuusuf  Beegsi

By Mohamed osman


TOP

135 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008