Jawaab: Kulmiye waa inuu Shirkiisa ku qabsado Hargaysa.
Jawaab: Kulmiye waa inuu Shirkiisa ku qabsado Hargaysa.
Dhawaan ayaa nin magiciisa ku sheegay Engr. Omar Yousuf ayaa waxa uu kusoo qoray qoraal ciwaankiisu ahaa “Kulmiye waa inuu Shirkiisa ku qabsado Hargaysa” kaasoo lagu soo daabacay website-yada Somaliland qaar kamida hadaba, markaan u fiirsaday u jeedada qoraalkaas ka danbaysa waxaan ka dhadhansaday inuu ninkaasi yahay Ganacsade reer Hargaysa ah ee aanu ahayn Engineer sida u sheegtay kaasoo kasii werweraya busaarada kusoo fool leh magaalada Hargaysa hadii shirkaa u sheegay ee xisbiga Kulmiye ka qabsoomo caasimada Gobolka Togdheer ee Burco.
Had iyo jeer waxa dhacda marka shirar noocan oo kale ah lagu qabto Hargaysa inay magaaladu camiranto isla markaana faa’iido dheeraadi kasoo gasho dadka magaaladaas degan, gaar ahaan ganacsatada sida kuwa hudheelada laseexdo leh oo buuxsama, meelaha laga cunteeyo oo laysku jiidho, maqaaxiyaha shaaha lagacabo oo cidhiidh gala iwm.
Hadaba saaxiibkay maqaalka kor ku xusan soo qoray waxaan ku boorin lahaa inaanu ujeedadiisa siyaasad ka dhigin ee uu badheedho warkiisana cadaysto maxaa yeelay; sida uu isaguba u doonayo inay magaaladiisu u camiranto ayaanu hadaanu nahay reer burco u jecel nahay inay magaaladayadu markeeda shirar noocan oo kale ah lagu qabto xaqna way u leedahay maxaa yeelay, burco waa hooyadii Somaliland la’aanteedna Hargaysi ma jirteen ee sidaa ogsoonoow.
Takale, Afrika aduunyada waxa ka reebay ayaa waxa kamida in wax walba laysugu geeyo caasimada haday noqoto awooda dawlada, ganacisga, warshadaha, shacbiga, waxbarashada, iwm. taana wadan laguma noqon karo ee ogsoonoow saaxiib cida qudha ee taa fahmi kartaana waa xisbiga Kulmiye oo ay u badan yihiin aqoon yahankii reer Somaliland meelay joogaanba maanta. Waana ta ku dhalisay in Burco shirka lageeyo ee aan Hargaysa uun layska tubnaan sida xoolaha wadanka intiisa kalena layska ilaawo.
Cali Maxamuud Case (London)




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday