OPINION

Ha la sameeyo wixii rag yeeli jiray.

Ha la sameeyo wixii rag yeeli jiray.

 

Maalinba tay dawladdu keentaa tii kale ka daran!!.

 

Waxa aan muddo ku maqnaa Somaliland oo aan dhowaan ka soo laabtay, hadaba anoon hadalka badinayn maxaan ku soo arkay Somaliland.

 

Waxaan ku soo arkay,

 

Maamul xumo baahsan, musuq maasaq, shaqo la’aan baahsan siiba gobolada bariga, lacago aabohood qarniyo hore haligmay oo lagu isticmaalayo dalka meelo ka mid ah dhaqaalahana dalkana la degey waa hadii ragga maamul isku sheegga hayaa ay inaba garanayaan waxa aan ka hadlayo-e, gobo badan oo aan haba yaraatee wax dayac tir ah lagu samayn dagaalkii 88 –kii ka dib oo weli rasaastii ku taalo nadaafad darona u dheertahay.

 

Qaad xad dhaaf ah oo saamayn weyn ku yeeshay dumarka iyo caruurta.

 

Biyo l’aan, miyigu ha ugu darnaadee oo aan wax kutalagal ceelal laga qodona ha ahaatee aanay cidina u maqnayn, wadooyinka oo dayaca badani ka muuqdo sida xashiish badan, ciid aan laga gurin, laydh la’aan, jajab iwm.

 

Kumaan darin inta sare waxyaalaha ay ka mid yihiin ascaarta maciishadda oo kacsan oo aduun weynahaba aynu kala mid nahay laakiin ay inoo dheertahay dawladda oo cashuur xad dhaaf oo meel ay ku baxdo aan la qoon saarta.

 

Runtii wax badan oo wanaag ah oo la qabtay waan soo arkay badibana shacabku qabsaday.

 

Hadaba waxaan is weydiiyey tolow ma tamar darro ayay dawladda ka tahay mise iska yeel yeel, waxaanaan meel dhigay in ay bes ka tahay dawladda talada haysa ayna haboontahay in inta goori goor tahay la sameeyo wixii rag yeeli jiray intaan meel dheer laga doonin Somaliland-ta aynu higsanayno.

 

Tusaale waxa kaaga filan sanadkii imisa jeer baad maqashaan shacab rasaas lala dhacay oo hadhowna guddi loo saaray oo ay dawladdu dembiga dusha u ridato, imisa jeer oo hore ayaa loo debciyey xadhiga oo uu ina Rayaale soo dhaafay meel lagala xishooday in dhiig loo daadiyo.

 

Maanta oo uu dalkii rahmay oo uu carab miidhan oo uu bacad waalay keenay ama xoolo ha yidhaahdo ha dhoofiyo ama raashin ha keeno sidii WFP –na ha u shaqeeyo ama dhul intaas oo KM ah ha loo xidho si uu ugu tunto carabku.

 

Berina Bangi baan furanayaa buu odhan doonaa si uu xawaaladaha ula dagaalamo.

 

Tolow waxaan is weydiiyaa shaqaalihii adhilayaasha iyo tijaartu ay shaqaalayn jireen dawladdu ma u haysaa shaqo ay ku daboolaan caloosha ubadkooda ee madhan – ilaahay bay leeyihiin.

 

Waxaan leeyahay intay goori goor tahay Ha la sameeyo wixii rag yeeli jiray.

 

 

 

 

Mohamed Hussein Roble

 

roble4@gmail.com

 

 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra