Faysal Cali waraabe ma shirka beesha Bariga Burco ku qabsanayso Garadag uun baa muuqday
Faysal Cali waraabe ma shirka beesha Bariga Burco ku qabsanayso Garadag uun baa muuqday maxuu u arki waayay shirkaraka is daba jooga ah ee Beelaha kale Hargaysa ku qabsanayaan.
“Shansho Adhiba Shirixaa danbaa shuxa abiidkiise
Shahwo oday ka qaaliban abitiga shaashadiis xumiye”
Somalidu waxay tidhaah daa ninba meesha bugtaa isagay balbashaa, Faisal Cali Waraabe oo iska dhigaya nin wadani ah, ayaa afka gacanta iska geliyay oo waxii calooshiisa ku jiray haysan kari wayay, isaga oo sida la sheegay ka qaybgelaya dood lagu qabtay magalada hargaysa oo loogu magac daray is dhexgalka dhalin yarada. Hadaladiisi waxa ka mid ahaa sida tan “Imika inagoo 17-sano xor ahayn, 6-sanana dimuqraadi ahayn ayaa maanta aynu ognahay in Burco laga shirayo, oo reero ku shirayaan oo laleeyahah Shir qabiil baa laga dhigayaa gar adag, markaa misaadaasan dawladnimo ku noqonaynaa Illaah baan idiinku dhaariyee, waxaynu is garab wadnaa shir Qabiil iyo Kongarayskii Xisbigii KULMIYE oo is barbar socda, isma qaban karaane, waa in aynu ama Shirka KULMIYE dhisnaa ama waa inaynu ka Habar Jeclo mid uun dhisnaa laakiin wixii waxaynu dawlad ku noqon karno maaha, dawladd iyo qabiilna isma dhex galiyaan, markaa haday reer Somaliland nahay yaynaan been isku sheegin ee ama dawlad aynu noqono oo qaran wax dhisanaya noqono oo is aamino ama beelo wada degan oo Xamar sugaya aynu noqono.”
Sidoo kale waxa uu Faysal sheegay inaan Madaxtinimada iyo mansibka madaxweyne aanu ahayn mid Hagbadda oo marba reer ku doodo in markoodi la gaadhay oo loo wareejiyo, ama inta ay ku andacoodaan in ilaa inankoodu Madaxweyne noqonayo ay mucaarid ahaanayaan, balse waxa uu tilmaamay inay ku haboon tahay in ninkii lagu aamino ee marba loo garto loo daayo, isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi “Umad qaran dhisata oo is aaminsan waa inaynu noqono hadaynaan is aaminayn oo ninkasta leeyaha ilaa uu inankaygu Madaxweyne noqonayo Somaliland u daacad noqon maayo taas waxba ku dhisan mayno, waa inaynu Somaliland marba qofka aynu nidhaahno wuu u qalmaa oo wuu wadi karayaa aynu siinaa, laakiin hadaynu nidhaahno waar Reero ayaynu nahaye ha wareegto bahashu, Hagbad maaha Bashu, sidaana dawladnimo lagu dhisan maayo.”
Faysal waxa uu sida uu hadalka udhigay ku an dacooday in aynu beelo ka gudubinay oo dimuqraadiyad qadanay waxa jirta maahmaah Eglish ah oo macnaheedu yahay “hadii aad tidhaah do dhakhtar baan ahay lakin aad tahay tuug, dhakhtar ma tihide tuug baad tahay” beentuna runta waxba kama bedesho. Intii somaliland lala soo noqday ilaa maanta waxaynu nahay beelo been isu sheegaya oo sheeganaya in ay duqradiyad qateen oo beel nimadii ka gudbeen. Markhaatiga ugu danbeeyay ee taas laga dhandhansan karo waxa uu ahaa tii riiga, dhalin yaradii gadooday reer bay ka socodeen markii danbana madaxaynuhu beel nimo ayuu ula hadlay oo uu ula xaajooday, waxa isla weegaa gudihiisa magalada hargaysa ka dhacay shir beesha isixaaq Care ku qabsatay magalada hargaysa, isla weegaa waxa baaq soo saaray beesha sacad muse oo madaxwaynaha ka doonayasay gobol lagu magacaabo Almis, Bixintii gobolada madawaynuhu waxay ku salaysnayd gobolo. Faysal waxan ku xasuusinayaa maalintii lagu yidhi soo magacaw xubin tii doorashada xisbiga UCID waxad soo magacowday inaderkaa, ma beel baad ku socotay mise dumqraadiyad. 17 sano ee aad soo sheegtay waxaynu ahayn beelo waxii dhacayna beel uun bay ku salaysnaayeen xasuuso hadalkii ina cigaal yidhi beesha subeer awal baa is oo dooratay,xasuuso tii riyaale kaahin “isaaqow intaa dhimanayseen baanu dhalanaynay” xasuuso hadalkii Cawil “Habar jecelo ayaa keentay siyaad barre iyo maxamed cabdalle xasan”. Run hadii la doonayo Habar jeclo waa reerka qudha ee aan somaliland marna hoos uga degin lama hayo nin Beeshaa ka soo jeeda oo mar qudha afkiisa qabiil ka yidhi. Hadaba faysalow waa maxay sababta aad waxaas oo dhan u arki waydayb beesha Habar jeclo shirkeeda tusay.
Faysalow Nacaybka aad u qabto Habar jecelo waxba ku yeeli maysid waxaadse tustay xumaanta aad reerkaa casiimka ah ee meel walba dega ee xisbi walba ku jira aad u hayso. Hadaba waxan kuu sheegayaa Shirkaasi beeshu wuu dhacayaa hadii ilahay ka dhigo sidaad adba sheegtay Garadag buuka dhacayaa Adiga iyo Riyaale iyo nin kale toona joojin maayo. Waxan kugula talin lahaayuun Idhahaaga fur oo marka aad Habar jeclo aragto qof wax arka uun ha noqon, Mida kale xisibiga Kulmiye iyo Habar jeclo dusha hayska saarin, Kulmiye waa xisbi qaran it has nothing to do with habar jeclo.
Ugud anbayn waxan ku lee yahay Faysalow gocor nimada ka waynow di kuuma hadhine.
“Shansho Adhiba Shirixaa danbaa shuxa abiidkiise
Shahwo oday ka qaaliban abitiga shaashadiis xumiye”
Abdihakin hersi




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday