OPINION

Doorashada musharrixiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee Kulmiye siday u dhici doontaa?

Doorashada musharrixiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee Kulmiye siday u dhici doontaa?

 
Doorashooyinka la filayo in ay dhawaan ka dhacaan dalka Somaliland, ayaa ku beegan dabayaaqada sannadkan iyo bilowga sannadka soo socda, doorashooyinkaasi oo kala ah, midda degaannada degmooyinka iyo gobollada, iyo ta lagu dooran doono Madaxweynaha iyo M/ku xigeenka shanta sano ee soo socota. Waxana sidii caadiga ahayd u tartami doona musharrixiinta ay soo xulaan saddexda xisbi qaran ee kala ah, Kulmiye, Udub iyo Ucid. Iyadoo ay guud ahaanba saddexda xisbi wadaan u diyaargarow xoog badan, oo ay kala jiidanayaan shacabka, ayaa waxa maalmahan si weyn loo hadal hayaa xisbiga Kulmiye iyo musharrixiinta la filayo in golihiisa dhexe ay u soo xulo shakhsiyaadka u tartami doona jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka dawladda Somaliland hoggaamin doona shanta sano ee socota.
 
Haddaba su’aashu waxa ay ka taagan tahay, sida siyaasiyiinta Kulmiye u cayaari doonaan shaxda xulitaanka, ee Kulmiye ku guulaysan lahaa. Innagoo haddaba faaladan u qaadaa dhigi doonna sida ololuhu u socdo, sidan ayaanan u dhigaynaa faalladeenna.
 
Guud mar.
 
Shirka KULMIYE ee la sheegay in uu 29/07/08 ka dhacayo Burco, haddii uu run yahay, aad ayaan u soo dhaweynayaa. In shirka lagu qabto Burco amma lagu qabto Hargeysa amma lagu qabto Boorama-na wax farqiya ma samaynayso. Waxase macno samaynaysa nuxurka ka soo baxda shirkaasi, oo raad weyn ku yeelan doona mustaqbalka dalka iyo dadka reer Somaliland iyo weliba xisbiga Kulmiye laftiisaba.
Hab u dhaqanka xisbiga iyo istaraatiijiyaddiisa oo aad looga fekeraana, waa mid lagama maarmaan u ah turxaan bixinta xisbiga, taasi oo ku wajahan xaaladda uu hadda taagan yahay.
 
Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa jirta in xubnaha isku soo sharraxay hoggaanka ugu sarreeya ee Kulmiye, sida Madaxweynaha iyo M/xigeenkuna ay si aad ah ugu kala geddisan yihiin ujeeddada ay isku soo sharrexeen, haddii ay gobollada bari ka yimaaddeen iyo haddii ay gobollada galbeed ka yimaaddeenba. Kala duwanaanshahaasi oo ku salaysan, aqoonta musharraxa, akhlaaqda amma shakhsiyadda musharraxa iyo dhaqanka amma taariikhda musharraxa. Go’aanka shirka lagu gaadho kaddib, ayaanay habboon tahay in aan si qoto dheer uga sheekayno una falanqayno musharrixiinta madasha iman doonta.
 
Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, oo aan habboonayn in xilligan wax laga sheegaana, waxa ay shirka hortii u baahan yihiin SIMINNAAR lagu sii darso habka ugu caddaalad badan ee hawshan loo gudan karo. Waxa kale oo loo baahan yahay in shirku uu sameeyo hoggaan aqoon sare leh oo waraysi iyo imtixaannaba ka qaada musharrixiinta. Taasi waxa ay meesha ka saaraysaa, tuhunka waxana ay keenaysaa kalsooni iyo caddaalad.
 
Waa kuma ka la dooranayaa?
 
Shakhsiga aan dooranaynaa waa in uu leeyahay sifooyinkan

Musharruxu waa in uu yahay qof aqoon sare leh. Siyaasadda Somalilandna ka iibin kara caalamka.
 
Musharruxu waa in uu leeyahay waayo aragnimo maamul, oo caaddaalad lagu yaqaan.
Waa in musharraxu uu xisbiga ku soo kordhin karaa shacab.
 
Waa in uu Musharruxu maskaxiyan caafimaad qabaa, oo uu sumcad fiicanna ku leeyahay shacabka.
 
Musharruxu waa in aanu dambiile noqon. Akhlaaq iyo dulqaadna leeyahay.

Maamulka wanaagsani waxa uu u baahan yahay shakhsiyaad karti leh isla markaana aqoonteeda leh.
 
Waxanse la yaabay dadka ku sheekeeya, maamulka Somaliland uma baahna dad aqoon leh, waxase uuu baahan yahay dad yaqaanna qabyaaladda iyo khayaamada lagu hago shacabka iwm.
 
Run ahaantii ma habboona in aan si gaar u magacaabo shakhsiga aan anigu dooran lahaa, laakiin haddana aan bal soo ban dhigo ka aan sida weyn u xiiseeyo falsafadihiisa iyo fikirkiisa sababtana aan raaciyo.
 
Madaxweynaha waxa aan sannadkan u hibaynayaa halgamaaga weyn, Mudane Ahmed Mahamed Siiraanyo, oo aan u arko siyaasi waayo arag ah, aqoon sare leh, dalkana ku hagi kara siyaasad dhex dhexaad ah, waana siyaasiga ugu shacabka badan dalka Somaliland. Madaxweyne ku xigeenkana waxan u dooran lahaa, Prof. Ismail Muumin Aar oo aan u arko aqoon yahan luxdan, si fiicanna ay u wada shaqayn karaan Ahmed Siiraanyo.
 
Aqoontiisa iyo kartidiisa ka sokow waxa uu taageero ka haystaa shacabka reer Hargeysa, Gebilay, Burco iyo Borama. Waana shakhsi karti u leh in uu ummadda Somaliland ku wada nool, ka dhex abuuro wanaag taariikhda gala oo aan hore u dhicin…. Waa wiil ku faana in uu yahay dhal iyo dhasheed. Waxa kale oo aan ogahay in xoog u qarsooni jiro, kaasi oo bannaanka u soo bixi doona marka uu musharraxnimada u soo boxo. Xooggaasi oo shacab leh, shakhsiyaad karti badan leh, siyaasiyiin caalami ah leh. Awdal iyo jiidaha galbeedkana waxa laga dareemi doonaa neecow midnimo, gobannimo iyo waddanka Somaliland oo ay jacaylaadaan.
 
Ahmedweli.
 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra