OPINION

Diridhabe & Maqaalkisi “Maxad Ka Taqaana Xaaska Madaxweynaha (Huda Barkhad)

DIRI DHABE IYO MAQAALKIISII “MAXAAD KA TAQAANAA XAASKA MADAX WEYNAHA (HUDA BARKHAD)”
 
    Anigoo ah SOMALILANDER, dhex ka ah siyaasada xisbiyada, jecela inay SOMALILAND gaadho horumar, barwaaqo iyo nabad….Allaha weyn (SWT) ku guuleeyo geedi socodka iyo helida ictraaf buuxa… Waxaan degenahay magaalada Sacramento, CA. wadanka USA…. UGU Horeyn waxaan idinkula dar daarmayaa cabsida Alle, xishood iyo xilkasnimo in la muujiyo. Ta labaad, maanta waxaan halkan ku cadaynayaa inaan qoraaga DIRI DHABE ku hadli karin, magaca weriye nimo ama suxufinimo ninba siduu u yaqaano. Runtii markaan arko sawirka iyo maqaalada DIRI DHABE waxaan si naxdin leh u xasuus taa maqaalo uu waa hore qoray oo xajiin iyo xumeyn badan lahaa oo ay ka mid ahaayeen maqaal uu ciwaankiisu ahaa : “MAXAAD KA TAQAANAA XAASKA MADAX WEYNAHA (HUDA BARKHAD)”. Maqaal kaas oo ku soo baxay shebekada Somaliland.org sanadkii 2006/2007.
 
            Inakoo wada og inay xaaraan tahay in aad shaqsi si xun wax uga sheegto, siiba inaad ka sheegto waxaaan jirin oo lagaga fogaado naxariista Alle (Subxaanahu wa tacalaa). Hadana waxaa dhaqanka Somaliyeed iyo ka muslimiintaba xaaraan ka ah inaad qof dumar ah wax ka sheegto shaqsi nimadeeda. DIRI DHABE intuu intaas oo xeerkii, milgihii iyo dhaqankii suubanaa ee SOMAALIYEED iyo MUSLINIMO soo dhaafay oo uu intaas oo layd cas ah soo dhaafay “CROSSED ALL THE RED LIGHTS”, ayuu si badheedh ah wax uga sheegay wax xaaraan ka ah saxaafada oo ku saabsan Marwo Huda Barkhad oo ah Marwada Madaxweynaha Somaliland. Ma jecli inaan halkan ku soo qoro weedhihiisii oo waxay dadkii maqaalkaas akhriyey, siiba reerka iyo CARUURATA madax weynaha ku noqonaysaa meel ka dhac. Mar labaad ma jecli inaan ka hadlo, aan se soo koobee waxuu ka hadlay oo wax ka sheegay samaynta iyo muuqaalka Marwo Huda Barkhad.
 
          Inkastoo dhamaan maqaaladiisu ay xiligaa cay iyo meel ka dhac ku wada ahaayeen kuna wada socdeen Dahir Riyale iyo Xaaskiisa Marwo Huda. Waxaa jirey qaar kale oo uu wax ugu dhimaayo beelaha dega gobolada SOMALILAND. Waxa la wada xasuustaa maqaal uu ku sheegay in Beesha Arab ay dagaal la galeen beel kale oo Hargaisa degta…Maalinkaas waxa lasyku qabtay waxay ahayd dhul degaan ah oo ay qof dumar ah iyo rag isku dhaceen….Laakiin Diridhabe u bedelay laba qabiil oo is diley….Waan xasuustaa….War kaas wuxuu uga jeeday isku dir iyo iska horkeen beelaha walaalaha ah ee Hargaisa wada dega.
 
            Maxaa igu kelifey maqaalkan?  Dadka reer Somaliland waa dad walaalo ah, waa dad aan meela kale tegeyn, waa dad xidid iyo qaraabo wado ah… Waxaan jeclahay inay iska qabtaan qofka labo wajiilaha ah ee maalinba meel u socda…Waxaan jeclahay inay iska qabtaan qofka kala dilaaya…Waxaan jeclahay inay meel uga soo wada jeestaan cadow gooda. Waxaan idiin sheegayaa DIRIDHABE shalay wuxuu caayaayey reer iyo dad gaar ah (Dahir Riyaale iyo reer kiisa), maantana wuxuu u fuulay waa Siilaanyo iyo reerkiisa…..Ilaaahay baan idinku dhaarshee ninkaasi ma ka la dil ayuu wadaa mise…wax wanaaji oo waa suxufi u qalma inaynu akhrino maqaaladiisa…..Berina waad arki doontaan haduu wax ka soo qori waayo xaaska Ahmed Siilaanyo. Car u wada jooga…
 
          Waa inaynu ogaana in xilku meerto yahay oo isbedelka laftiisa uu caafimaad ku ku jiro. Anigu waxaan degenahay USA oo maanta taageesanahay “BARAK OBAMA”, sanadakii hore waxaan taageersanaaa “BUSH”. Markaa siyaasadu waa caadi ee waxaa xun cayda…Allaha weyn ayaa mahad leh hadii aynu maanta gaadhney heer lasysa soo dooranaayo oo waa in aynu Allaha weyn u mahad celinaa… Waa inaynu ilaashanaa danteena qaran, oo aad ku doorataa xisbigani muxuu qabtay?

1) MUXUU KU BALAN QAADAY INUU QABANAYO?
2) MUXUUSE KU GUULAYSTEY AMA KU GUUL DARAYSTAY?
3) WAX HORUMAR AH OO LA TAABAN KARO MA GAADHSIIYEY DALKA  
            IYO DADKA…MUDADII UU XILKA HAYEY?
4)  SHAQOOYIN MA ABUURAY?
5)  WADOOYIN MA DHISAY?
6)  CAAFIMAADKA KOR MA U QAADAY?
7)  DEKEDII BERBERA HORE MA U MARIYEY?
8)  XOOLIHII NOOLAA HORE MA U MARIYEY?
9)  MUSUQ MAASUQII MA LA DAGAAMAY?
10) WAXBARSHO KOR MA U QADAY?
11) GOBOLADII DALKU WAX HORU MAR AH MA GAADHEEN?
12) GOBOLKEE IYO DEGMADEE….?
13) ICTRAAF MA KEENAY?

      Waa su’aalahaa iyo kuwo kaloo badan kuwa madaxda lagu kala doortaa, ee qabiil iyo shaqsi nacaybsi looma xagliyo, lagumana doorto…..Waa waxa horumarka ay ku gaadheen wadamada reer galbeedka ahi…Waa ta keentay inaynu ka guuro dhulkeenii HOOYO oo u hayaano USA iyo Europe….Waayo waxaa maqan in la isla xisaabtamo…oo su’aalahaa lays waydiiyo….
 
GUUBAABO: Waxaan ka codsanyaa saxaafada madaxa banaan inay joojiyaan wax ka qorista iyo soo bandhigida maqaalada DIRI DHABE….Waayo waxay kala dilayaan dadka iyo umada walaalaha ah ee reer Somaliland….Waxaanan u hanbal yaynayaa SOMALILAND.org oo beri hore shaqadii ka eridey, markii ay aragtay caydii qaawanayd ee uu kula kufay Marwo HUDA BARKHAD…
 
Waad mahad san tihiin,
  Xabiib Adan Cabdi
 
xabiib12345@hotmail.com
 
 
 
 
 
 
 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra