Ayaxa Ku Habsaday Somaliland!!!
Asalamu calaykum wa raxmatulaahi wa barakatuhu
DHamaanba ummadda reer Somaliland meel kastoo ay jooganba waxan ku salamayaa salanta islaamka.
Waxaan shacbi weynaha Somaliland uga tacsiyadeynayaa aafada & jaahwarerka dhaqan dhaqale ee ku habsatay sida sixir bararka, shaqo la,aanta cunaqabataynta,faqriga,,boobka &dhaca qaawan ee kaga yimi xukuumadii ay dorteen ee Dahir Riyale Kaahin.
Waxa intaas dheer inay weliba xukuumadu caadaysatay xadhiga cabudhinta & dilka badhedhka ah e muwadinka Somalilanderka ah.
Waxaan shaki ku jirin oo maanta ummadda reer Somaliland ogtahay in Riyaale ay taladiisu noqotay inuu hantidii &dhaqalihii dalka si toos ah u uruursado, arrintaasna waxa u daliil ah:
A)Haamihii shidaalka -Sidaynu wada ognahay haamaha shidaalke Berbera waxay gadhayaan guud ahaan 28 haamood,dhamaana wadankii la isku odhan jirey Somaliya & qaybo kale oo geeska ah aya loogu talo galay inay ku kaydsadan shidaalka Muqdisho,Kismaanyo,Boosaso midna ma laha haamo kayd shidal.
-Dakhliga ka soo bixi kara waynu qiyasi karnaa waxana qasab ahayd in shidaalka ugu jaban laga helo Somaliland.
-Waxay kaloo ahayd in ganacsatada Somaliland isticmaalan si shaqale badan loo helo.
Waxaynu ognahay in Madaxweyne Riyale kula shuraakoobay niman rer Jabuuti ah oo sita magac been ah (Total) taasina ay surto gal ka dhigtay inay qabsadan shidaalki& ganacsigiisiiba.
-Heshiiskaas xaaraanta ah ma jirto cid wax ka og wuxuu yahay qiimaha lagu heshiiyey,mana jirto haba yaraatee shilin ka gaadha ummadda.
_Waxa kaloo jira in qiimaha shidaalka ay Somaliland ka soo qaadato Boosaaso oo foostoyin shidaalka lagu keeno,.Halkii carriga Soomalidu degto & geeskaba inagu ahan ahayn kuwii laga soo iibsan lahaa shidaalka.
-Waxaynu kaloo ognahay in ganacsatadii muwadinka ahayd laga xakameeyey inay keenaan shidaal waayo ma hayaan meel ay ku shubaan,sidaas darteed waxay sheegayan warar lagu kalsoonyahay inay Daahir Riyaale ka soo galaan haamaha shidaalku lacag lagu qiyasay 12,000,000$(laba iyo toban milyan)sanadkii.
-Waxay kaloo warar kale iftiiminayan in lacagtasi toos ugu dhacdo accountkisa Jabuuti waa mr Riyaalee.
B) Xayiraada & xoolaha nool-Waxaynu ognahay in tiir dhexaadka dhaqaalaha Somaliland ku fadhiyo dhoofinta xoolaha nool.
-Hadaba si uu Madaxweyne Riyaale uga helo lacag u gaar ah neef kastoo ka dhoofa dekedda Berbera lacag taas oo loo layaqan(farqiyad) wuxuu heshiis gaar ah la galay ganacsadaha carbeed ee (ALJAABIRI)
-Heshiiskaas oo nuxurkisu ahaa inaan neef kale laga dhoofin Berbera,oo loo xidho inuu ka ganacsado xolaha nool ganacsade Aljabiri,isla markaasna uu siisto neefka xoolaha ah e Somalilanderka ah qiimo aad u jaban 30$ iyo wax la jira.
-Waynu wada ognahay sirta heshiskaas ku jirtaa inuu yahay neef kastaoo ninkas carbeed ka dhoofiyo Berbera in Riyale ku leyahay 10-15$.Markuu dhoofiyo 1,000,000(hal milyan) oo neefba Riyale wuxu helayaa 15000,000(shan&toban milyan).
-Waxa soo cadeyey dedaal badana ka galay gudida iibgeeynta xoolaha somaliland iyagoo weliba si cad u daah furay sida xoolaha & ummadda rer Somalilandba u dulmanyihiin iyadoo qiimaha neefka nool ee xoolaha ihi ka joogo sayladaha suuqa xoolaha. qiime kan lagula heshiyey ALJABIRI aad uga sareya.
-Gudidaasi waxay mudanyihiin in gebi ahanba ummadda reer Somaliland is dabataagto si ay meesha uga baxdo cuna qabataynta &kootada cid gaar ah loo siiyey xoolaha nool ee Somaliland.
C)Bixinta qandaraasyada shidaalka &macdanta.:Waxaynu wada ognahay in Riyaale bixiyey qandaraasyo badan siiyeyna shakhsiyaad & shirkado ajaanib ah,waxaanu mid walba ka qaatay lacag aad u badan,mana jirto shilin ku dhaca khasnadda dawlada.
DHammaan lacagtaasna madaxweynaha& wasiirkiisa macdanta si toos ah u meeleeya ,marka arrimahaas o dhan la isu minguuriyana waxa inoo cad inuu Riyale ummada ka shaqaysanayo si badhedh oo cadna u dhacayo hantidii ummadda.
Ugu danbayn dal dadkisaa ilaashada waxan u soo jeedinaya ummadda rer Somaliland Riyale wuu ku badhi furay dadki soo doortay inay baraarugan una soo jestaan illaasashada xaqooda&, dalkoda.
Wa bilaahi Tawfiiq .
Axmed Xasan Cali(like)




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday