Reer Kulmiyow, ma runtaynu qarxinaa mise beenbaynu ku rafanaa
Inkastoo Kulmiye badi isku raacsan yahay in Jagada musharaxnimada Madaxwaynaha ee xisbiga,sida qoraallo hore lagu sheegay, Axmed Siilaanyo loogu celiyo sababo badan awgood, waxaa wali dood adagi ka jirtaa jagada M/Xigeenka. Waxaa jagadan hore u soo doontay ama damac ka hayay musharaxiin badan oo ka soo kala jeeda Gobolada Gebiley, Maroodi Jeex iyo Awdal, walina doodan meel layslama dhigin.
Waxaa jira laba figradood oo saldhig u ah doodda xulashada musharaxa madaxwaye ku xigeenka Kulmiye.Waxyna kala yihiin: Figradda hore oo odhanaysa waa in aan musharaxa madaxwaynaha iyo ku xigeenkuba aanay kasoo wada jeedin Beelaha dhexe ee ku xigeenku noqdaa beelaha darafyada. Iyo figradda kale oo leh mar haddii aan hab-beeleed wax lagu qaybsanayn oo cod wax lagu kala helayo waxaa mar walba qasab ah in sidii ay xisbiga ugu badinayso ee uu codad badan ku heli karo la yeelo.
Si haddaba xaqiiqada dhabta ah ee meesha taal loo fahmo waxaan si cad u qeexayaa labadaa arimood tii ay ugu badinayso Kulmiye ee uu guusha ku heli karo. Isla markaan waxaan jeclaan lahaa in taageeryaasha iyo hogaanka xisbiguba arintan talada ku darsadaan oo aynu runta isku sheegno.
Haddii aan soo qaato qaaciidadan odhanaysa darfyada, waa arin fiican oo markii hab beeleedka wax lagu qaybsanaayey inoo shaqaysay. Wali sida ka muuqata qaabdhismeedka hoggaanka sare ee xisbiga waynu ku shaqaynaynaa. Halkase weli aan la fahmin ama muranku ka jiraa waa ilaa intee in leeg ayaa loo baahan yahay in nidaamkan kawada muuqashada la isticmaalo. Maxaase keenaya beesha reer Awdal oo Madaxweyne u sharaxan yahay in labadii xisbi ee kalena (Kulmiye&Ucid) ay M/Xigeeno u sharaxnaadan. Haddiise ay waajib muqadas ah tahay in xisbi waliba musharaxiintiisa ay ku jirto Beelaha darafyadu maxaa xisbi qudhi uga dhigi waayey Musharaxiintiisa cid ka soo jeeda Sool & Sanaag Bari. Ta kale, hore ayuu xisbiga Kulmiye u soo sharaxay Reer Awdal, isla markaan waatii cod lagu waayey, sababtun ay ahayd ama ay reer Awdal halhays ka dhigeen (Adigoo shilin heli kara maxaa summuni ku baday). Yaan maqaalkan loo qaadan in aan reer Awdal wax u diidanahay, xaashaa lilaah, waxaan aaminsanahy in cid kast oo xayndaabka S/land ka tirsani xaq u leedahay in loo doorto jagooyinka sare ee dalka .
Mar haday sidaas tahay waa in reer Awdal iyo reeraha kaleba aqbalaan oo runta waa- jahaan in siday xisbiga ugu badinayso la yeelo taas oo ah in la qaato figradda labaad ee ah in la eego sida xisbigu ku heli karo cod lagu hantiyi karo guusha madaxwaynanimada ee raagtay. Waxaanan anigu aaminsanahay, dad fara badan oo reer Soomaliland ahina ay aaminsan yihiin in Musharax ka soo jeeda Gobolka Gabiley iyo maroodijeex qaybtiisa Koonfur-galbeed ilaa Woqooyi-galbeed uu xisbiga u soo hoyn karo guusha la doonayo.
Weliba markaan arinka saro ee aan muhmalka ka saaro Musharax ka soo jeeda gobolka Gebiley ayay libtu ku jirtaa sababo ay ka mid yihiin:
1. Musharax ka soo jeeda reer Gebiley wuxuu hanan karaa oo xisbiga u keeni karaa dhamaan codadka Gobolkiisa oo dhan taas oo aan garan karo codka halkaas laga heli karo.
2. Waxa kale oo uu keeni karaa musharaxa reer Gebiley dhamaan codadka gobolka Maroodijeex qaybtiisa Koonfur-Galbeed iyo Woqooyi-Galbeed, taas oo aan iyana garan karo codadka halkaas laga heli karo marka aan eegno codadkii ka soo baxay labadaa gobol doorashooyinkii hore.
3. Waxa kale oo uu keeni kara ama ku midoobi kara Musharaxa reer Gebiley badi ama 70% cod bixiyeyaasha gobolada waawayn ee dalka sidas Togdheer, Saaxil iyo Sanaag. Iyo gobolada cususb ee hadda la bixiyay badankooda sida Hawd iyo Oodwayne.
4. Ugu danbayntii oo aan ahayn dhamaadkii, wuxuu musharaxaasi keeni karaa marka laga tago tirada codbixiyeyaash, dhaqaale aad u buuran oo xisbigu ku hawl geli karo waqtiga Kaambaynka.
Ta kale, Kulmiye ha xasuusto wixii ka horeeyey doorashadii Marxuum Cigaal ee 1993 Markii ragii waqtigaa joogey ee SNM ka tirsanaa ku heshiin waayeen xukunkii dalka ee ay u kala baxeen Khaakh , Shiish iyo khuukh iwm, waa kuwii markay badhkood ama badidoodba xaqiiqsadeen in aanay ayagu dalka ka saari karin kadartii ama dallcaddii adkayd ee waqtigaas, waa kuwii Cigaal oo Imaaraadka iska jooga u yeedhay ee yidhi waar anagu kari weynaye kaalay dawladnimda dhaqaaji.
Raggii berigaa cigaal u yeedhidiisa ka qayb galay oo immikana badhkood Kulmiye ku jiraan maxaa u diidey in ay sidii berigaas oo kale yeelaan oo qaataan go’aan geesinimo leh si loogu guuleyst doorashda, islamarkaana cod iyo dhaqaaleba loogu helo xisbiga ay u raadin waayeen qofka ku haboon kaalintaa musharax M/Xigeen xisbiga.
Maahmaah ayaa odhanaysa (Wixii indho arkayaan ayaa ilko gooyaan). Way jiraan rag xul ah oo waa la heli karaa oo waad garanaysaan ee ha la raadiyo cidda ku haboon jagadaas M/xigeen ee laga heli karo reer Gebiley, taas ayaan libta kulmiye ee doorashadan ku jirtaa. Mid kalena xasuuso Kulmiyow, reer Gebiley may garan waayin sida reeraha kaleba inay xoog, xeelad iyo indho iska tuur wax ku doonaan. Hase yeeshee dhaqankooda ayaan sidaas ahayn oo waa dad samir badan oo xishooda oo danta guud ka hor mariya danaha kale oo dhan. Markalena Kulmiyow xasuusnow, Gebiley waa halkii laga aasaasay ee lga bineeyey xisbiga. Markaa haddii gobolkii aad u magacaabi lahayd Gabiley Kulmiyow lagaaga horeeyey, waa inaanad maanta kala masuugin Musharax M/xigeenka.
Wa bilaahi tawfiiq
Maxamud Nour (Xariif)

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Cali Kayse Kabadhe
Ibrahim S. Yusuf-Bulay
Mohamed Yasin H. Dualeh
Shueib A.Yousuf
Abdi Mohamed Ali
Abdiaziz A Musa
Abdiaziz A Musa
Musa Adan (Muse Qodaal)
Sayid Maxamed Yuusuf
Mohamed Yonis Awale
Laanta Norway, Kulmiye
Maxamed Baashe X. Xasan
Guddida Fulinta UK
Axmed Xirsi Madar
Cabdale Farah Sigad
Ahmed Dahir Elmi
By Sagal Say Wallahi
Ahmedweli Goth
Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK
Ahmedweli Sh. Omer
Mohamed A. Awale
MORE OPINIONS ›
TAHNIYAD »
Hambalyo Meher: Aways Adam Cisman & Muna Muxumed Ismaaciil
Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE
HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur