Tartankii Musharaxiinta Kulmiye oo bilaabmay
Tartankii Musharaxiinta Kulmiye oo bilaabmay : yaa tartamaya, yaa wax doonaya, yayse dadku doonayaan
Tartankii jagooyinka madaxwaynanimada iyo madaxwayne-ku-xigeenka ee Xisbiga Kulmiye ayaa bilaabmay iyadoo shirkii Golaha Dhexena loo qorsheeyay inuu Burca ka dhaca 29 Bishan July. Somalidu waxay ku maahmaahdaa xalaal dharaar baa la qashaa, tartanka Kulmiye waa mid furan oo lawada arkayo. Waxa lagu kale baxayaa waa cod ee maaha muruq. Yaa tratamaya, yaa wax doonaya, yayse dadku doonayaa.
Jagada musharaxnimada madaxwayna ee xisbiga Kulmiye waxaa suura gal aha in laba nin ku tartamaan oo kale ah Axmed Siilaanyo iyo Maxamed Cumar Xaashi. Ahmed Xuseen Ciise oo hore u shaaciyay inuu damac ka hayo madaxwaynanimada, waxaa la rumaysan yahay inuu ka noqday , wuxuuna hadda kuba dhawyahay UDUB oo mansab wasiirnimo khaarijiga ah uu ka dalbaday. In kastoo isaga iyo Cismaan Hinda isku haystaan UDUB. Haseyeeshee marka laga qiyaas qaato shirwaynihii labaad ee xisbiga iyo sida dadku codkooda u bixiyeen, waxay dadka ku dhwdhaw arrimaha xisbigu saadaalinayaan in Axmed Siilaanyo uu si fudud ugu guulaysan karo musharaxnimada madaxwaynaha. Arrimo badan ayaana sabab u ah, waxase ugu wayn iyadoo xubnaha galaha dhexe badidoodu u arkaa inaan xisbiga maanta diyaar u ahayn isbedel hogaamiye iyo iyadoo codbixiyayaasha gobolka Hargaysa, Gabiley iyo Burco ay intooda badan taageersan yihiin Axmed Siilaanyo.
Su’aasha hadhay waxa weeye yaa soo raacaya Axmed Siilaanyo. Ragga lafilayo inay badka isku soo tuuraan jagada musharaxa madaxwayne ku xigeenka waxaa ugu hireeyay raxan ka soo jeeda gobolka Awdal ah oo ay ka mid yihiin Abdiraxman Aw Cali, Ismaaciil Aare iyo Cabdirahman Saylici. Furasadoodu ma xuba , laakiin midkoodna ma haysto taageero ka badan inta ka kale haysto. Cabdiraxman Aw Cali waxaa wata koox u hogaamiyo Maxamed Kaahin iyo ina Cumar Xaashi, haseyeeshee kumay guulaysan inay u helaan taageero ku fulin inuu ku guulaysto. Ismaaciil Aare taageerayaal ka badan koox yar oo reer Awdal ah ma wato, umana eka nin heli kara jagadan imika. Saylicise wuxuu leeyahay taageerayaal aan ka yarayn inta uu haysto Cabdiraxman Aw Cali. Haddii ay seddexdooduba iswada sharxaan, waxaa aad u fudadaanaysa in qofka kale oo isla soo taagaa ka heli karo. Rajadoodu waxay ku xidhan tahay iyagoo kala hadha oo qof qudha soo sharaxa oo taageera. Haddii ay yeeli waayaanse waa loo baqaa kooxdan.
Musharaxa kale ee culus waa Muuse Biixi. In kastoo Muuse imika yahay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga, una badan tahay inuu la wareegi doono guddoomiyanimada xisbiga markuu Silaanyo noqdo musharaxa madaxwaynaha, haddana waxaa dad badani doonayaan inuu isku soo taago jagada musharax madaxwayne ku xigeenka. Haddii uu sidaa yeelana, Muuse wuxuu u dhawyahay inuu ka guulaysan karo kooxdan hore. Waana nin taageeri badan ka heli kara xisbiga, inkastooy jiraan dad ka soo horjeedaa. Haseyeeshee haddii musharax ka soo jeeda Gobolka Gabiley uu ku soo baxa, Muuse isagana waa loo yaabaa.
Waxaa kaloo jira rag aan hadda tartanka madaxwayne ku xigeenka ku jirin una diyaar ahayn inay ka qaybgalaan oo laakiin dad badan iyo siyaasiyiin miisaan wayn ku leh xisbigu ay jeclaan lahaayeen inay isa soo taageen loona badaniyao inay si dhib yar ku heli karaan musharxnimada jagadan madaxwayne ku xigeenka . Waxaa ka mid ah raggaasi Dr Axmed Xuseen Ciise waa haddii uu ka soo hadhow UDUB, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar iyo Dr. Cabdi Aw Daahir. Ugu danbaynti, waa la arki doonaa halkay arrintani sal dhigato.
Yusuf Daahir Geelle
Burco




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday