Talo Xumada Siyaasada Beesha Maxamed Case Waxay
Talo Xumada Siyaasada Beesha Maxamed Case Waxay Keeni Kartaa DilDilaac kuYimaada Midnimadii Beelaha Samaroon.
Beesha Maxamed Case oo ka mid ah beelaha Samaroon ayaa bilihii u dambeeyay muujiyay dareeno siyaasadeed oo ay ku docfaruurayaan midnimadii beelaha Samaroon.
beeshan oo tirsanaysay sanadihii ugu dambeeyay cadaalad daro ka jirto gobolka iyo xukuumada Daahir Riyaale hogaaminayo.beesha oo ka mid ah beelaha waa wayn ee dega gobolka ayaa hadana ka dhex muuqan siyaasada Somaliland tani markii somaliland la soo noqotay qornimada. arintan oo ay dadka qaar ku tilmaameed beesha maxamed case oo rajo ka qabtay bal in ay mar uun soo noqoto rajadii Somali wayn, siyaasada ahaan aad u taageeri jirtay dadka aamisan fikirada Somali wayn.
Beesha Maxamed Case oo ka mid ahaa beelaha Samaroon ee ilaa hada badankoodu riyo u haysta jiritaanka Somaliland. sobabaha ay beeshu iskaga dhex arki waydo masraxa siyaasada ayaa sobobtu tahay beesha oo siyaasiyiinteedu u badan yihiin kuwa ku nool dibada isla markaana taageero aad u wayn siin jiray dowladihii kala dandambeeyay ee loo soo dhisay somalida koonfureed, siyaasada beesha oo ay inta badan hogaamiyaan siyaasiyiinta ay ka mid yihiin labada nin ee walaalaha Samatarada, Col.shimbir, Dr.Abdilaahi xaashi, Dr.Abdirahmaan Jamac Hadi ,Xuseen Ceelaabe(wasiirkii arimaha dibada dowlada ku meel gaadh ah) .
siyaasiyiintani waxay dhaxalsiiyeen meesha maxamed case inay haba yareetee beeshu waxba kala socon geedi socodka siyaasadeed ee Somaliland ku jirto.
waxaanay beeshu mar qudha iska dhex wayday saaxada siyaasada Somaliland, tani waxay dhaxalsiisay in beeshu tirsato in lagu hayo dulmi iyo cadaalad daro wayn. waxaanay cadowgooda koobaad u arkaan beelaha walaalohood ee Makaahiil. waxaa la odhan karaa way jireen khilaafaad yar yar oo ka soo bilowday oo markaa u dhexeeyay maamulaha Jaamacada iyo Ahmed Abiib .
Sobabihii ugu horeeyay ee dhaliyay khilaafaadka waxaa ka mid ahayd markii Ahmed Xaashi oo ka mid ahaa howlwadeenada Jaamacada Camuud ay is qabtaan gudoomiyaha jaamacada camuud. prof. Saleebaan oo ah hormoodka jaamacada.
Arinta oo ugu dambayntii keentay inuu meesha ka baxo Ahmed Xaashi oo isaga tagay xilkaasi, ayaa beeshu waxay u aragtay inay Ahmed Xaashi meesha looga saaray arin qabiil ah ,
basle ayna runtu sidaa ahayn. khilaafku wuxuu ka dhashay qaybta Labka(shaybaadhka)caafimaadka oo la keenay cusbitaalka sida gaar ah loo leeyahay ee Alaale oo ay dhakhaatiirtu rabeen inay ardayda ku qaataan wixii operation ah ama qaliin ah casharada iyo wixii praticalka lagu siiyo cusbitaalkan dhexdiisa sidaasi daraadeedna haboontahay in labka loo soo raro cusbitaalkaasi.
arintaaasi oo diidmo ka muujiyay Ahmed Xaashi iskana hortaagay in laabka laga raro xarunta jaamacada , halkaasi uu ka dhashay khilaafka isaga iga iyo Saleebaan.
Ddka qaar ayaa u arkay in Ahmed sobobta uu u furay jaamacada Eelo ay ahayd inuu maamulka jaamacada camuud tusi karo inuu karti u leeyahay inuu furo jaamac.
basle taasi ma noqon karto wax xumaana , furitaanka jaamacada waan ku amaanaynaa dadkii ka dambeeyay furitaanka jaamacada Eelo,
a guul u soo hoyaytan guud ahaan Somaliland gaar ahaan dadka reer Awdal ,waana sharaf iyo geesinimo ay waligood reer Awdal dadka kale kaga duwanaayeen mar ka laga hadlyo xaga aqoonta.
Mrka laga hadlayo arinta siyaasadeed ee murugsan iyo kaalinta beesha maxamed case ka gali karto arinta ayaa qaar ku tilmaamaan ficilada meesha inay xin moooynee wax sidaasi u buuran ahayn cabsina laga qabin inay ku guulaysan karaan waayo inta ay aaminsanyihiin midnimo Smaliyeed.
waxan oo dhan waxay dadka qaar ku tilmaameen maahmaahda caanka ay ay maxamed casuhu leeyihiiin.oo tiraahda:
(maxamed case xin laga waayay waa madax dhiig laga waayay)
beeshu waxay bilowday gude iyo dibadba inay meel uga soo wada jeestaan horumarkooda ka shaqeeyaan,
sida dib lagu sameeyo dhamaan goobaha waxbarashada ee ku yaala deegaanada ay degaan meeshu.
go, aanada beeshu gaadhayna waxaa ka mid ahaa.
1. inay gacanta ku dhigaan dhamaan dhalaaha laga ururiyo qurba jooga reer awdal.
2.inay la helo siyaasiyiin meesha ah oo ka qayb qaaata siyaasada Somaliland
3. inay la helo gobol ay beeshu iskeed leedahay oo ay degto.
4.inay beeshu siyaasadii hore ee Somaliwayn ay bedesho kuna bedasho tan Somaliland.
5. in la sameeyo dhulbadhaasi lagu durkho bustaanada beelaha daris la ah.
haddii aan soo qaato qodobkan afraad, beeshu waxay isku raacday inay taageerto siyaasada Somaliland waxaanay taageero buuxda siisay xisbiga kulmiye iyadoo musharax madaxwayneku xigeena u sharaxatay nin la yidhaahdo Abdirahman Saylici.
saylici oo ka mid ahaa golaha deegaanka borame ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu ku biiray xisbiga kulmiye iskuna soo sharaxay madaxwaynu ku xigeen.
habada markaad tixraacdo CVga saylici waxaaad arkaysaa inay saylici noqon karin nin matalin karin masiirka dadka reer Awdal marka la eego aqoontiisa.
Dad badan ayaa kula taliyay inuusaylici ku soo laabto golihiisii deegaanka .dhawaan ayay ahayd markii saylici gacanta looga galiyay lacag dhan 85,000 dollar. oo loogu
talo galay dadkii masiibada duufaanadu ku habsadeen,saylici oo si toosa ugu gudbiyay lacagtan gudoomiyaha xisbiga kulmiye, isagoo la sheegay inuu ku iibsaday gudoomiyahay afraad ee gudida fulinta , taasi oo ay aad ula yaabeen dadkii uu malatayay saylici ee lacagaha laga soo ururiyay. una qaadan waayay waxa uu ku kacay saylici.maahan markii ugu horaysay ee taageerayaasha saylici ku kacaan khiyaamada oo kale sidoo kale waxaa iyagu jirtay urur la magac baxay AACNA oo ay ku midoobeen qurba jooga meelaha maxamed case ayna soo direen daawooyin waxa laga qabanayo dadkii roobabku dhibaatada u gaysteen.
ururkan oo sheegay inay daawooyinkan u wadaan gobolada somaliland ayaan waxay gacanta kaga rideen gudoomiyaha xisbiga kulmiye. ka dibna loo qaaday gobolada burco iyo hargaysa halka laga iloobay dadkeenii masiibadu ku dhacday?
ururka noocaasi ah qurbajoogow ma mid danaha samaroon wadaa mise waa mid loo sameeyay dane siyaasadeed oo gaar ah?
waxaan saaka ku arkay shabadaka qaar in wali ururkii wada dhaqaale urursi kale oo dadka ugu baaqayaan kalfadhi ururkaasiyeelanayo. waa yaab talow maxay la shir iman. dawooyinkii burcaan ugu deeqnay , qaarna waxay wali naga xanimanyihiin hoolka daawooyinka ee hargaysa xukuumada ayaa naga xanibtay iyo hadal la nooca.
dhinaca kale ururka oo adeegsanayo siyaabo dadka ay ku qalqalgalinayaa oo ay dadka u tusaan in ay lacaga ku dirayaan wadaado iyo dhakhaatiir caan ah oo gobolka wax ka ah basle ay dhamaantood ay yihiin beesha marka laga reebo wadaad ka habar carfaan. mar lala xhidhiidhay gudoomiyaha gobolka bal inay jiraan dad loo xilsaaray dhibaatada ka dhacday gobolka oo lacaga dibada lagu soo hagaajinayo ayuu gudoomihu ku jawaabay wax aan arintaa kala socdaa ma jirto wax igala soo xidhiidhayna ma jirto.hadaba akhristow ma iswaydiisay halka lacagtaasi ku dambaysay.
websiteyada ka qayb qaata propugandada waxaa ka mid ah:
qaar ka mid ah warfidiyeenada ay ka midyihiin sayliipress, lughayanews, boramenews, salalnews, sayliciblog, hiildanpress.
dhamaan websiteyadan waxay si xishood dari iyo damiir la, aan u soo daabacaan waxyaabo laga xidhoodo oo aanu qof damiir lihi aakhriy karin waxaanan kula talinayaa mulkiilayaasha website inay dadka ka dhaaafaan dhibta ,
waxaana cusub mudan sidoo kale wariyaasha uga soo waramo sida ninka la yidhaahdo abokor caafi oo hada jeer soo dira warar dad gaara lagu xaqirayo hadalka qaarn uu ka dhigayo kuwa leh deegaano aanay degi ku sheegaya isoo ka been abuuray hada ka horna salaadiin iyo cuqaal isagoo soo diray arin aanu hubsashadeeda eegin .
dhamaan wariyaasha sida qayro masuulka ah u soo gudbinaya warka ay ku caayayaan beelaha qaar waa inay ka waan toobaan .
waxaad arkaysaa siyaasiyiim ka tirsan xisbiyada qaran oo kale markay ay soo booqdaan iyagoo warka aan ku soo darin haba yareetee dadkaaasi gobolka soo booqday ama ay ka tahay ku xuman cad.
Maxaad ka Taqaana Xidhiidhka Beesha Maxamed Case iyo Dowalada Jabuuti ka dhexeeya?
waxaa jecelahay inaan umada reer somaliland u cadeeyo in jiritaanka somaliland tahay muqadis haboon tahayna in meel looga soo wada jeesto.
labo dal oo jaar ah waa ka dhaxaynkaraa xidhiidh ganacsi, mid difaac wixii wax u dhimaya xidhiidhkooda , iskaashiga arimaha nabadgalyo xumada.
Dadka dalalkaasi si nabad ah way isku dhex marikaraan. hadaba marka la eego xidhiidhka dowlada jabuuti iyo dowlada Somaliland xidhiidhka ka dhexeeya maaha mid aan rabnay sidii loo baahnaa ,
marka la eego dowlada jamhuuriyada somaliland waa dad aan wali aqoonsi heli oo rajo ku nool ah.
waxaana loo baahan yahay si ay rajada aan qabno meesha uga bixin in la iska kaashado adkaynta amaanka labada dal.
waxaan la soconaa geelaha jabuuti inuu ku sifoobay nacayka iyo hantaaqa dadka reer somalilnad kana dhex abuuro cadaawad iyo dagaalo , waxaan la soconaa in beelo ka mid ah dadka gobolka ay isku dheceen dhowr jeer oo uu ku lug lahaa ina geele tusaaale ahaan markii uu socoday shirkii carta wuxuu isku dayay inuu khalkhal gali nabada magalada borame isoo soo galiyay lacago aad u fara badan.
Taasi oo ay ula jeedadiisu ahayd inuu xasilooni daro ka abuuro degmada. salaadiin iyo odayaal ka mid ah meesha maxmed case.
dhawaan ayay ahayd markii suldaan ibraahim jaamac samater uu difaacayay madaxwayne geele , ka dib markii ay jaraaiidka haatuf qoray eedaymo ka dhan ah oo ay ka mid ahaayeen inuu ka dambeeyay dilkii nin looyar ah oo frences ah. taasi waxaa dheer waaxaan dhawaan safar deg deg a ku yimid Ahmed ismail Samater oo kula dheer oo aan saxaafada loo soo badhingin isaga ina geele ku dhexmaray madaxtooyada dalka jabuuti.
Ahmed Ismail Samatar oo ka mid ah dadka faro ku tiriska ah ee ka soo horjeeda aqoonsiga somaliland. Ahmed wuxuu hada ka mid yahay dadka ololaha ugu jira sidii uun
Abdiraham saylici ugu guulaysan lahaa jagada madaxwayne ku xigeenka xisbiga kulmiye.siyaasiyiin ka mid ah beesha makaahiil oo wax laga waydiiyay arinta ay maxamed case u dhan yahay ee ku soo biirida siyaasada somaliland , ayaa qaar ka mid ah waxay sheegeen in jiri taanka somaliland madmadow gali doono haddii ay beesha maxamed case ku guulaysato, ku xigeenka xisbiga kulmiye, si dhib yarna ay somaliland ula midoobi doonto somaliya, arintaasi ay ku lug yeelan doonaan
qaar mid ah dadka cadow u ah somalilland.
Hadaba waxaan u digaynaa masuuliyiinka xisbiga kulmiye inay ka fogaadaan arimaha noocan oo kale ah.
haddii ay beesha maxamed case rabto inay wax ka noqdaan siyaasada somalilland waa inay marka hore aqoonsanaadaan jiritaana somaliland.
somaliland mucaarid iyo muxaafidba waxaan kula tali lahaa waa inay iska jiraan muxaafidka xagjir ah oo aan somaliland waxba u soo kordhinayn
somaliland ceel ku riyada.
Somaliland guulaysato .
Saleebaan Ahmed Daauud
Dallas , U.S.A

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Cali Kayse Kabadhe
Ibrahim S. Yusuf-Bulay
Shueib A.Yousuf
Abdi Mohamed Ali
Abdiaziz A Musa
Abdiaziz A Musa
Musa Adan (Muse Qodaal)
Sayid Maxamed Yuusuf
Mohamed Yonis Awale
Laanta Norway, Kulmiye
Maxamed Baashe X. Xasan
Guddida Fulinta UK
Axmed Xirsi Madar
Cabdale Farah Sigad
Ahmed Dahir Elmi
By Sagal Say Wallahi
Ahmedweli Goth
Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK
Ahmedweli Sh. Omer
Mohamed A. Awale
Jaamac Cabdillaahi Suleymaan
MORE OPINIONS ›
TAHNIYAD »
Hambalyo Meher: Aways Adam Cisman & Muna Muxumed Ismaaciil
Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE
HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur