Labakaclaynta Siyaasadda Xisbiga Kulmiye
Labakaclaynta Siyaasadda Xisbiga Kulmiye
Intii ka danbeysay shirwaynihii 2aad ee Xisbiga Kulmiye waxaa muuqata inay wax iska beddelayaan hab-siyaasadeedka haga xisbiga iyo qaabka loo maro soo bandhigiddiisa (the political approach and style). Isbedelladani waxay ka turjumayaan aragti siyaasadeed oo ka duulaysa talooyinkii ka soo baxay shirwayanihii 2aad ee xisbiga. Qoraalkani wuxuu eegayaa hab-siyaasadeedkan, ulajeedooyinka ka danbeeya iyo cidda hogaaminaysa.
Tan iyo markii sida aqlabiyadda ah loo doortay Guddoomiyaha xisbiga Axmed Siilaanyo iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad Muuse Biixi waxay qaadeen tallaabooyin daahfuraya had-siyaasadeed cusub. Waa ta koowaade, waxay markiiba golaha dhexe ee xisbiga ku soo dareen xubno miisaan siyaasadeed leh oo xubinnimadii golaha dhexe waayay ka dib markii goballadii ay matalayeen ay soo magacaabeen xubno kale. Ogow, Siilaanyo markii loo doortay Guddoomiyanimadii SNM 1984 wuxuu guddigiisi fulinta ku soo daray dhammaanba Guddoomiyayaashii SNM ee ka horeeyay.
Ta labaad, labadan hogaamiye waxay u gacan haadiyeen dhammaan xubnihii xisbiga ee uu dhexmaray loolanka siyaasadeed muddadii uu socday shirwaynihii labaad ee xisbigu, waxayna si gooni gooni ah iyo si wadareedba u muujiyeen baahida loo qabo in la isa saamaxo oo wada shaqayn la yeesho.
Ta saddexaad, waxay Axmed Silaanyo iyo Muuse Biixi hormood ka ahaayeen heshiiskii lagu soo afjaray khalkhalkii siyaasiga ahaa ee dalku galay ka dib markii Golaha Guurtida iyo xukuumadda Rayaale ay qaateen talooyin xididdada u saari gaadhay nabadgalyada dalka. Hogaanka xisbigu Kulmiye wuxuu si geesinimo leh ugu tudhay dalka una ogaalaaday go’aamadii ka soo baxay heshiiskan oo taageerayaashooda qaarkood ay aad uga biyo diideen.
Ta afaraad, wuxuu xisbigu soo saaray hindisayaal siyaasadeed uu Muuse Biixi ku saxeexan yahay oo muujinaya siyaasadda Kulmiye ee ku jeedda wax ka qabashada qaar ka mid ah dhibaatooyinka bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed ee maanta dalka haysta, sida xorriyad la’aanta ganacasiga, khayraadka dalka oo aan laga faai’idaysan, culayska canshuurta dheeraadka ah, dawlad-wanaag la’aanta iyo baahida loo qabo kobcinta dimoqraadiyadda iyo ka qaybgalka dadka.
Hawlgaladan siyaasadeed maaha qaar kale soocan ee waa kuwa is dugsanaya oo isku xidhiidhsan kana tarjumaya hadaf iyo aragti qorshaysan.Markaad isdul taagtid hawlgaladdan, waxaa ku soo baxaya sawir muujinaya in kulmiye culuys wayn saarayo midnimada xisbiga, midnimada qaranka iyo xasiloonida dalka. Talaabooyinkani waxay durba xisbiga u soo jiiday taageero shacbi oo badan.
Markaad dhan kale iska taagtid, waxaa kuu muuqanaya in kulmiye haddii uu talada dalka gacanta ku dhigo damacsan yahay inuu sameeyo dawlad kooban, canshuurta dhimo, ganacsiga xoreeyo, xayiraadda dadka ka qaado, dakhliga dawladda iftiimiyo, siday ku baxdana dadka u caddeeyo. Arrimahani waxay astaan u tahay inuu dhammaaday wakhtigii Kulmiye ka hadli jiray waxqabad xumida xukuumadda oo kaliya, una gudbay u diyaargarawga isbeddel dawladeed oo dalka ka dhaca.
Qaabka soo gudbinta hab-siyaasadeedkan wuxuu xisbiga Kulmiye u marayaa dariiqyo gudbineed oo isku dhafan. Matalan wuxuu xisbigu dhawaan soo saaray qoraal qeexaya hindisayaal siyaasadeed oo uu Muuse Biixi ku saxeexnaa. Waxaa kale oo Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi ka qaybgaleen shirar telefoon oo ay kula hadleen qurba-joogga Somaliland, oo ay u soo bandhigeen fikirkooda siyaasadeed ee ku jihaysan arrimaha dalka ka taagan iyo sida lagaga bixi karo. Wuxuu Siilaanyo khudbad siyaasadeed ka jeediyay wanqalkii Gobalka Gabiley, Muuse Biixina wuxuu khudbad taariikhi ah ka jeediyay munaasabadii dabaaldagga gobolka Hawd.
Taasi oo waliba ta hawdku oo jiiday Kulmiya Tageeridii iyo sumacadii uu beryahan KULMIYA helo.
Ugu danbayntii hab-hogaamineedka Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi ayaa iyaguna u muuqda kuwa is kaabaya. Matalan Silaanyo waa hogaamiye hogaamintiisu ku dhisan tahay wadatashi badan, xaqsoor, maamul daadajin iyo fulinta hawlaha oo uu meel aad u duragsan kale socda. Dhinaca kale, hogaaminta Muuse Biixi waxaa udub-dhexaad u ah in hogaamiyuhu caddeeyo dariiqa la marayo, in laga wadatashado wixii aan la tashi looga maarmayn oo kaliye, go’aan qaadasho aan dib-u-dhigid lahayn, xisaabtan iyo hawsha oo insha lagu hayo.Waa laba hab-maamul oo midba ka kel dheeli tirayo. Haseyeeshee waxqabadkooda dhabta ah waxaa lagu qiimayn doonaa guusha ay ka soo hooyaan doorashooyinka madaxwaynaha ee foodda inagu soo haysa.
Jamaal Cabdilaahi
UK




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday