OPINION

Kulmiye waa inuu shirkiisa ku qabsado HARGAYSA

Kulmiye waa inuu shirkiisa ku qabsado HARGAYSA, CASIMADA SOMALILAND.

 

 

Waxaa ku bogaadinayaa Xusbiga Kulmiye in uu July 29, 2008 ay qabsanayaan Shirka golaha dhexe ee ay ku dooranayaan musharaxiinta Madaxwaynaha iyo Madaxwaynaha ku xigeenka xusbiga.

 

Haddaba waxaan u arkaa in ay tahay fikrad qaldan oon si qoto dheer looga fakarin haddii uu shirkan Kulmiye ku qabsado Magalada Burco.

 

Anigu ma diidani in Kulmiye iyo xusbiyada kale toona shirarkooda ku qabsadaan BURCO  iyo magaalooyinka kaleba. Waxaa u arkaa, haddii shirkani Kulmiye ku qabsado Burco, in Kulmiye codad badan oo uu Magaalada Hargaysa ka heli lahaa uu ku waayi doono.

 

Ahmed Maxamed Siilaanyo  waa Gudoomiyaha la doortay ee xusbiga, waana hogaamiye ka soo jeeda degaanka Burco, waana ninkii asaasay xusbiga, waana gudoomiyihii iyo musharaxii Madaxwaynaha xusbiga doorashadii hore. Dadbadanin oo dagaanada Galbeedka Somaliland ka soo jeeda waxaa ay u arkaan inuu Kulmiye yahay xusbi degaanka Bari laga leeyahay.

 

Haddaba waxaa dadbadani qaban, si xusbigu u noqdo xusbi Ummada ka dhaxaya waa  in musharaxa Madaxwaynaha ee xusbiga Kulmiye cidkale isku soo sharaxdo oon Siilaanyo ahayn wakhtigani.

 

Lakiin, waxaan hubaal ah in Siilaanyo isku soo sharaxayo jagada Madaxwaynaha ee xusbiga, waxaanan hubaa in xusbigu mar labaad u dooranayo Siilaanyo inuu mar labaad isku tago jagada madax waynaha.

 

Haddaba dad badan oo reer Hargaysa waxaa shaki ka gali doona in Siilaanyo oo dagaanka Burco ka soo jeeda, in si xor ah loogu doortay musharaxa Madaxwaynaha isaga oo jooga Burco.

 

 Afmeesharada Hargaysa waxaa ay suuqa Kulmiye u galin doona in Kulmiye ka maarmay Hargaysa, oo aanu codkooda doonaynin . Afmeesharada Dahir Riyaale u shaqeeyana waxaa ka dhigi doona in Siilaanyo yahay nin reer Burco ah, haddii uu Madaxtooyada ku guulaysto u rari doonayo Casimada Burco.

 

Waxaa lagu waday in Musharaxa Madaxwayne ama Madaxwayne Ku xigeenku ee xusbiga noqdo qof ka soo jeeda degaanka Hargaysa. Dimuqradiyada ahaan waxaa ay ahayd mid Guul Kulmiye u keeni karta haddii ay qof u qalma oo ummada ka maraya ay soo doortan. Lakiin, Dimuqradiyad Somaliland waa mid ku dhisan XAL iyo Mala awaal. Markaa iyada oo Hargaysi tahay degaanka ugu dadka iyo dhaqalo badan, haddii aanay Musharax Madaxwaynaha ama Ku xigeenka midna ayna ku lahayn xusbiga, in Gudoomiyaha xusbigu noqdo musharaxa Madaxwaynaha laguna caleema saro Burco, waxaan aniga ila tahay in ay qalada tahay.

 

Teeda kale xusbiga waa inuu ka fakiro sida uu codka ugu badan u heli lahaa, si uu u guulaysto. Markaa Magaalada aad taageerada ugu badan ka haysatid lama xodxoto, ee meesha uu codadka ugu badan ee xusbigu u bahanyahay inuu hantiyo ayaa la doorta in aad shirkaaga ku qabsatid. Meeshaasina waa Hargaysa.

 

Markaa waxaan reer Kulmiye kula talin lahaa, in ay shirkani ku qabsadan Hargaysa, CAASIMADA SOMALILAND. Dadka ugu badani waxaa ay ku noolyihiin Hargaysa, haddii Siilanyo ama Kulmiye doorashada Madaxtooyada ku guulaysan waayo Hargaysa, ku giilaysanmayo Madaxtooyada dalka.

 

Somaliland Ha noolato!!!!!!!!!!!!!

Engr. Omar Yousuf.

 


TOP

145 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Kulmiye Waa Aqoontiii iyo Aqoonyahan kii Somaliland,Geesigii Iyo Geesiyiiintii Somaliland,Mustaqbalkii Shacabka somaliland

Cali Kayse Kabadhe

Lib Murkucatay!

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

God Walaal Ha Qodin Haddaad Qoddana Haku Dheeraan Ku Dhicidoontid Ma Ogide!

Shueib A.Yousuf

Election in Mogadishu will be neither fair nor free

Abdi Mohamed Ali

Lafagurka Shirkii Golaha Dhexe Kulmiye 3aad

Abdiaziz A Musa

Lafagurka Shirweynahii Golaha Dhexe ee Kulmiye

Abdiaziz A Musa

Dimuqraadiyada Ayaa Ku Jirta

Musa Adan (Muse Qodaal)

Sooyaalkii iyo Geeddi-socodka Xisbiga Kulmiye iyo xaaladda maanta taagan

Sayid Maxamed Yuusuf

Hambalyo Silaanyo & Saylic

Mohamed Yonis Awale

Xisbiga Kulmiye laanta NORWAY: Hambalyo!

Laanta Norway, Kulmiye

Dildillaaca Kulmiye!

Maxamed Baashe X. Xasan

Hambalyo Shirka Kulmiye

Guddida Fulinta UK

Kulmiyoo Doorta Axmed xaaji cali Cadami

Axmed Xirsi Madar

Kulmiyoow Snmta hore iyo Snmta dambe midkeed dooran?

Cabdale Farah Sigad

Sifooyinka laga rabo qofka madaxdaa

Ahmed Dahir Elmi

Badha Badha Faisal Ali Warabe and the SNM

By Sagal Say Wallahi

Prof. Ismail Are waxa diyaar u ah siddeed boqol oo kun ( 800,000) oo cod.

Ahmedweli Goth

Xubinimada (ACCA) iyo Musharaxa Maxamed Cali Xirsi

Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK

Farriin deg deg ah oo ku socota xildhibaannada ka qayb gelaya shirka KULMIYE ee Burco.

Ahmedweli Sh. Omer

Richard Burton’s Outdated Bigotry Views and the Public Sphere

Mohamed A. Awale

Dildilaaca UDUB Iyo Dayaca Talaabo

Jaamac Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher: Aways Adam Cisman & Muna Muxumed Ismaaciil

Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE

HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur