Goormuu Noqday Ciidankii Qaranka Somaliland
Goormuu Noqday Ciidankii Qaranka Somaliland Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliyeed Ee Loo Adeegsan Jiray Ilaalinta Danta Qawska Madaxtooyada iyo Xasuuqa Shacab Weynaha!!!
Waxaa xaqiiqa oon cidina dafiri karin inay Somaliland ku timid dhiig badan iyo hanti fara badan oo loo huray waxayna ahayd sababta keentay in lala dagaalamo dawladdii Maxamed siyaad Barre markay ku tallaabsatay caddaalad-darro aan loo dulqaadan karin ee lagula kacay qaybo ka mida bulshada maanta nabadda ku wada nool ee reer Somaliland. Dawladdii soomaaliya xukumaysay ee kacaanka la odhan jiray waxay ku caanbaxday cadaadis, cabudhin, dil, xadhig, cadaalad xumo iyo musuqmaasuq ku baahay dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray xilligii ay ka talinaysay. Ayaan-darro siyaasaddiisii gurracnayd oo xaqaa’iqa isdiidsiin jirtay kana indho la’ayd aafada ka iman doonta facaa’ilkii cadaadiska ahaa waxay dhaxalsiisay Soomaaliya maanta in Amxaaro u taliso oo ay rugtii looga talin jiray ummadda Soomaaliyeed ay Xabshi ku cawaynayso iyakoo aad moodo inay yihiin kuwii waddanka iska lahaa.
Waxaa la yidhi geeriyeey maxaad tartaa waxayna tidhi nin meel la’ baan meel u daydayaa anna waxaan leeyahay caddaalad-darrooy maxaad tartaa waxayna tidhi QARAN dhan baan tirtiraa kana dhigaa sida Soomaaliya oo kale!!!
Haddaan usoo noqdo maqaalka dulucdiisa oon runta ka sheegno waa hubaal in shacabka Somaliland intiisa badani ka gadoodeen kana dagaalameen cadaadiskii iyo xasuuqii ay ku haysay dawladdii jahligu aafeeyey ee uu hoggaaminayay Siyaad Barre taasoo ka indho la’ayd waxa soo socda ee caqligeedu ku ekaa uun maanta yaynnu ku qadeeynaa ama reerkee baynnu xukumka ka fogeynnaa taasoo dhaxalsiisay wax badso wax beel bay leedahay. Waxay adeegsan jirtay ciimado ku-sheeg aan lahayn damiir kana koobnaa kooxo aan lagu barbaarin mas’uuliydda uu ciidanka qaranku huwanyahay iyo waxa looga baahanyahay marka ay isqabtaan muwaadiniinta iyo kooxda hoggaanka qaldan u haysa. Waxa qudha ee lagu tababari jiray wuxuu ahaa sidii ay ugu hiilin lahaayeen kacaan ku-sheegii caddaaladda-darraa oo qabyaaladiistaha ahaan jiray.
Haddaba akhristow maanta oo in ka badan 17 sano ay Somaliland sheeganayso dawlad madaxbannaan oo leh dastuurkeeda iyo shuruucdeeda dawladnimo ayna ka go’day Soomaaliya oo ismaqal la’aani aafeysay maxaa ka dhigay mid la caqliya lana siyaasada tii ummadda curyaamisay oo kala kaxaysay Soomaalidii cadawgeenna inoo jabisay ee ahayd macangaga, maxaana himiladii ummadda laalay iyo yoolkii dadka reer Somaliland ku haminayeen barana dheeraysiiyey facaa`ilkii ay lahaan jirtay dawladddii duntay ee la iska xoreeyey. Miyeyna ahayn waxaan loo fadhiyin in maanta ciidankii dalka xoreeyey uu isku baddalo ciidan nin leeyahay oo la metaala wixii la odhan jiray xoogga dalka Soomaaliyeed oo burburiyey dalkiisii hooyo xasuuqanya shacabkii uu ballan qaaday inuu cadawga gudaha iyo ka dibaddaba ka ilaalindoono!!!
Waxaa la yidhi dhagar qabe dhulkaa u dhaqdhaaqa ee maxaa sababay inay dawladda Daahir Riyaale ay baqdin ku-noolaahaato oo markay wax yaroo shaqaaqaahi dalka ka dhacaan ay u soo kicisaa ciidankii qaranka oo si xun wax loogu sheegay looguna adeegsadaa hubka kiisa culus oo cadawga loogu talogalay. Caqliga saliimkaa waxa uu ku tusayaa in dawladda maanta dalka hoggaamisaa aysan ku kalsoonayn maamulkeeda iyo nafteeda ee ay ogtahay inay ku timid sifo aan laga fiirsan waxaana la yidhi ummadii aan wax ka baran qaladkeedii hore waligeed meel dheer ma gaarto ee sidii qaldanayd ee kooxda dalka maamushaa ku timid waataa sida qaldan dadkeedii u laynaysa oo bilaa kalsoonida ku nool.
Akhristow mudaharaadkii dhawaan Hargeysa ka dhacay ee uu sababteeda lahaa RIIGII ceelka biyahaa qodayay oo mar qudha lugaha loo rafacay iyadoon ujeedadii loo keenay aan laga salgaarin ma ahayn mudaharaad NABADDA iyo XASILOONIDA Somaliland wax lagu yeelayay ee wuxuu ahaa cabasho ay dadkii koofurta Hargeysa deganaa ku muujinayeen sida ay uga xunyihiin in Riigii oon wax natiijaa ka keenin hawshii loo sheegay inuu u yimid mur qudha loo dhaqaajay carre kale oo runtii ka biyo wanaagsan deegaankooda waxayna istusaaleeyiin inaan waxba looga oggolayn xaqooda dastuurigaa ee ay dalkooda ku leeyihiin maadaama xataa Riigii yaraa ee Imaaraatku ugu deeqay Somaliland uu u afduubanyahay qawska Daahir Riyaale oo wararka iska daba imaanaya ay xaqiijiyeen in loo waday beer wayn oo qawska madaxweynuhu ka iibsaday meel Gabaliyey iyo Wajaale u dhaxeeysa. Ee madaxweyne miyaadan lahayn damiir damqada markaad isku koobtay hantidii qaranka oo dhan shalayna aad ogayd waxa aad ahaan jirtay!
Qawska madaxweynuhu wuxuu istusaaleeyey inuusan dadku dadkii shalay ka dhiidhiyey cadaadiskii Siyaad Barre ahayn oo ay qaadandoonaan qalloc kasta waxaana u daliila nimanka uu u adeegsaday in RIIGA la soo wareejiyo waxay ahaayeen kuwii ka soo jeeday deegaanka laga mudahaaraday laakiin Riyaale meeshaba muu soo dhigan wali dunida ragbaa ku sii nool shaxdaad dagtaba garandoona ceebna ugu filan dhacdadaani!
Hadal iyo dhammaanti waxaan ku soo xidhayaa maqaalkan in shacabka Somaliland uu isku midyahay isku xuquuq yahay danwadaag yahay wada dhibban yahay una wada baahan yahay dawlad u kala garsoorta aan u kala eexan aan ula dhaqmin sidii nidaamkii burburay ee ina Siyaad Barre oo dulmiga badnaa si la mida. Ta kale xukuumaddu waa inay yeelataa dulqaadkii dawladi lahaan jirtay ee aysan judhiiba la soo roorin hoobiyaha iyo suukaha iyo ciidan aan loo tabobarin sidii ay u xakamayn lahaayeen shaqaaqooyinka waana in maxkamad la soo taagaa ciddii bixisay amarkii lagu laayey muwaadiniintii ku geeriyooday mudaharaadkaa isagaa. Goormuuse Noqday Ciidankii Qaranka Somaliland Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliyeed Ee Loo Adeegsan Jiray Ilaalinta Danta Qawska Madaxtooyada iyo Xasuuqa Shacab Weynaha!!!
Sideebuuna is afgarad guud ku iman karaa mar haddii tii dawladda ahayd aysan isku kalsoonayn oo ay noqotay baqdin ku nool wadnuhu jugleeyahay, saw maahan inay isku furdaamiso inay kala hurtagto madaafiic iyo hubka culus shacabkeedaa markuu isku dayo inuu mudaharaad salmiya ku muujiyo shucuurtiisa hana la baaro waxay dawladdu u taqaan NABADDA.
Wa Billaahi Tawfiiq iyo Raxmaankaw ha khasaarin himiladii loo soo halgamay.
Qalinkii: Shueib A. Gaboose
Toronto/Canada




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday