OPINION

Dood Muranka Miisanka Maansada

DOODA MURANKA MIISAANKA MAANSADA IYAMAYNU TAAGEERNAA GAARIYE IYO CARAALE

Ma Ihi Suugaan Yahan Ku Xeel Dheer Alifida Maansada Sidoo Kale Ma Ihi  Dadka Aqoonta Dheer U Leh Suugaanta Ama Cilmi Baadhista Ku Sameeya  Laakiin Waxaa I Soo Jiidatay Dood Beryahaasba Ka Socotay Shebekada Wardheer News Iyo Shebekado Kale Kuna Saabsanayd Keebaa Daah Furay Miisaanka Maansada Cabdillaahi Diiriye Guuled (Caraale) Iyo Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) Doodan Oo Iminka Mudo Socotay Waxay Ka Bilaabantay Waraysi Ay Shebekada Wardheer La Yeelatay Barre Sare Caraale Kaas Oo Sheegtay Inuu Isagu Daah Furay Miisaanka Maansada Wuxuuna Iclaamiyey Inuu Hayo Cadaymo Badan Oo Taageeraya Doodiisa Si Kasta Ha Ahaatee Waraysigaasi Wuxuu Soo Jiitay Akhristayaal Badan Oo Doodan Hore Ula Socday Iyo Qaar Kale Oo Ku War Helay Waraysigan Halkaasna Waxaa Ka Dhalatay Dood Xiiso Leh Oo Dad Badan Isu Keentay

Waxaana Dadka Doodan  Figradooda Ka Dhiibtay Ugu Horeeyey Qoraaga Ibraahim Hawd Oo Isagu Si Balaadhan Oo Aad U Faahfaahsan Uga Hadlay Miisaanka Maansada Iyo Faa,Iidooyinkiisa Isagoo Is Waydiiyey Maxaa Ku Jaban In La Barto Miisaanka Maansada Iyo In Layska Dhaafo Isaga Laftiisa Ayaana Inooga Jawaabay Oo Yidhi Sidan Hoos Ku Qoran
Shaqayn Mayso, Weligeedna Shaqayn Mayso, Aragtida Abwaan Gaarriye Ee Odhanaysa Miisaanka Aan Ku Baree Maansayahan Noqo. 32 Sannadood Ayaa Laga Joogaa Maalintii Xeerka Miisaanka La Ogaaday, Welina Lama Hayo Qof Ay Taasi Ka Caawisay In Uu Afarrey Curiyo. A M Yuusuf Waayeel Oo Ah Nin Aqoon Wanaagsan Oo Taas Hore Uga Hadlay Ayaa Gaarriye Ku Careeyey:
”Ha Ii Sheego Hal Arday Oo Dusha Ka Wada Qabtay ”Miisaankiisa” Ee Tirshay Maansooyin Hallaasi Ah Oo Ka Qurux Badan Maansooyinkii Hore.” – Miisaanka Tallaabad Geela, Qaranimo.Org, 2005/06/19.
Haddii Ay Sidaas Tahay, Oo Aan Barashada Miisaanka Qofna Maansoyahan Ku Noqonayn, Maxaa Laga Dheefay Daahfurkeeda? Maxaase Ka Hadalkeeda Loogu Xabeebsanayaa? Jawaabtu Waxay Tahay, Daahfurkan Iyo Barashadiisuba Run Ahaantii Waxtar Aan La Koobi Karin Waxay U Lee Yihiin Culuunta Afka Guud Ahaan Iyo Aqoonta Dhismaha Maansada Gaar Ahaan. Halkaas Ayuu Khayraad Badani Ka Buuxaa Kana Buuxi Karaa. Waa Aqoon Loo Adeegsan Karo Baadhitaanka Aqoono Kale, Waana Tallaabo Bilaw Ah Oo Wax Badan Lagaga Ogaan Doono Dhismaha Afka, Maskaxda Afkaa Dhistay Iyo Sida Ay U Dhistay. (Qoraalkii  Ibraahim Hawd)

 Dabadeed Wuxuu Sii Dhex Galay Muranka Labada Macalin Dhex Yaala Iyo Cadaymaha Mid Waliba Hayo Wuxuuna Ku Fogaaday Cadaymaha Macalin Caraale Hayo Iyo Iyana Cadaymaha Uu Hayo Macalin Gaariye Halkaas Ayaad Moodaa Inuu Ibraahim Hawd Qoraalkiisa Laaxin Ka Geliyey Ka Dib Markii Uu Labadii Nin Doodoodii  Iyo Cadaymihii Mid Waliba Hayey Isu Soo Maanguuriyyey Ee  Is Barbar Dhigay Ayuu Sidii Ay Ula Ekoonaatay U Dhigay Waxaana La Odhan Karaa Ibraahim Hawd Aad Ayuu Ugu Degdegay Faalada Iyo Qoraalka Dheer Ee Uu Ka Diyaariyey Aragtida Muranka Miisaanka Khaladaadka Ibraahim Galay Waxaa Ka Mida Isagoo Markhaati U Soo Qaatay Buug Uu Qoray Nin Ka Mida Raga Doodu Dhex Taal Kaasoo Ah Macalin Caraale Wuxuuna Leeyahay Sidan  Buuga Macalin Caraale Ee Miisaanka Maansada Soomaaliyeed Wuxuu Si Buuxda U Muujinayaa Inuu Caraale Daah Furay Miisaanka Maansada Laakiin Hadaad Maskaxdaada Ka La Kaashado Qofka Dhexdhexaadka Ah Ee Ka Garnaqaya Dooda Labadan  Nin Dhex Taal Taas Cadayn Uma Soo Qaadan Karo Waayo Buuga Qof Saddexaad Ma Qorin Ee Labadii Nin Ee Is Hayey Awalba Ayaa Mid Ka Midi Qoray Wuxuu Ku Qorayna Markhaati Looma Soo Qaadan Karo Mida Kale Xiliga Caraale Qoray Buugan Waxay Ka Danbaysay Xiligii Gaariye Ku Faafiyey Maqaalkiisii Daahfurka Miisaanka Maansada Wargeyskii Xidigta Oktoober Oo Ahayd Sanadkii   1976 Markaas Sheekadu Waxay U Muuqanaysaa War La Qabo Xiiso Ma Leh Dhanka Kale Ibraahim Isagoo Ka Hadlaya Cadaymaha Abwaan Gaariye Wuxuu Yidhi Wuxuu Cadayn Hayaa Maqaalkiisii Caanka Ahaa Ee Uu Ku Qoray Wargeyskii Xidigta October Sanadkii 1976 Intaas Ibraahim Hawd Wuxuu Ku Ladhay (Intaan Ka Ogahay Gaariye Ma Keenin Cadayn Iyo Markhaati Kale Oo U Dhigma Waxaa Caraale Garabkiisa Soo Tubay) Waa Yaabe Ibraahim Cadaynta Uu Gaariye Ka Doonayaa Waa Mid Noocee Ah Waxa Laga Hadlayaa Kol Haday Tahay Wax Cusub Oo La Daah Furay Waxaa Loogu Magac Daraa Cidii Ugu Horeysay Ee Ku Dhawaaqday Cidii Iyadu Wax Ku Kordhinaysa Ama Hore U Sii Marinaysana Waa U Furan Tahay Kolkaas Labadan Aqoon Yahan Keebaa Sidiisaba Ku Hor Dhawaaqay Inuu Daah Furay Miisaanka Maansada Hadaynu Taas Ka Jawaabno Muran Kuma Jiro Inuu Gaariye Ku Hor Dhawaaqay Daah Furka Miisaanka Maansada Muslinow Run Sheeg Muslinowna Uga Qaado Maqaaladii Taxanaha Ahaa Ee Gaariye Ku Soo Qori Jiray Wargeyskii Xidigta October Sanadkii 1976 Ayaa Ugu Horeeyey Wax Ka Hadla Miisaanka Maansada  Mida Kale Ee Caalamkoo Dhami Isku Raacsan Yahay Waxaa Weeye Kol Hadii Aqoon Ama Cilmi Cusub La Daah Furo In Cidii Ugu Horeysay Ee Daahfurtay Ama Heshay Loo Aqoonsado Tusaale Cilmiga Cufsad Jiidadka (Gravity) Muran Kama Taagna Inuu Helay Sir Isak Newton Waayo Isagaa Markii Ugu Horeysay Caalamka U Soo Gudbiyey Markaas Cadaynta Kale Ee Ibraahim Hawd  Abwaan Gaariye Ka Rabo Kolay Anigu Ma Fahmin.

Hadaan Iyana Waxoogaa Ka Idhaahdo Tan Ku Saabsan Inuu Jiray Nin Saddexaad Oo U Kala Dabqaadi Jiray Xiliyadaas Magaalooyinka Muqdisho Iyo Marka Oo Ay Labada Aqoon Yahan Ku Kala Nooleeyeen  Isagoo Haya Xogta Dhiraandhirinta Miisaanka Maansada Ee Dhanka Caraale Ninkaas Oo Magaciisa Lagu Sheegay Faarax Askari Oo Isna Macalin Ahaa Lagana Yaabo Inuu Gaariye Ka Helay Xog Dheeraada Inay Sidaas Ahayd Wax Cadaynaya Ma Hayno Macalin Caraalena Inooma Sheegin Ibraahim Hawdna Inooma Sheegin Waxayse Labadooduba Inoo Sheegeen Inay Kala Duwan Yihiin  Sida Gaariye Ugu Dhawaaqay Daahfurta Miisaanka Maansada Iyo Sida Caraale Ugu Dhawaaqay Waxaana La Odhan Karaa Taasi Waxay Markhaati U Tahay In Aanay Jirin Cid Saddexaad Oo Dhexdooda Isaga Adeegtay Waayo Haday Jiri Lahayd Soo Gudbintoodu Way Is Waafiqi Lahayd

Taas Hore  Soo Gudub Wuxuu Kale Oo  Ibraahim Hawd Ku Dooday In Aan Gaariye Ka Sokow Hal Abuurkiisa  Aanu Samayn Wax Cilmi Baadhis Ah Oo Ku Saabsan Afka Iyo Culuuntiisa Wuxuuna Hadalkiisa U Dhigay Sidan Hoose (Dhan Kale Haddii Aynu Arrinka Ka Eegno, Waxaa Jirta Xaalad Dabiici Ah Oo Labada Nin U Kala Dhowaynaysa U Fiirsashada Iyo Baadhidda Abuurta Iyo Dhismaha Maansada. Gaarriye Waa Maansayahan La Mid Ah Maansayahannada Badan Ee Soomaalida. Haddii Uu Ka Mid Yahay Inta Yar Ee Waxbaratayna Aqoontaasi Waa Maaddada Bayooloji Oo Aad Uga Fog Afka Iyo Suugaanta Iyo Aqoontooda Cilmiyeed. Maaddadaas Ayuu Bartay Waxna Ku Dhigi Jiray. Mar Hore Iyo Jeer Dambe Toonna Gaarriye Caado Uma Yeelan, Loogamana Baran, Baadhitaan Iyo Qoraal Ku Saabsan Afka Iyo Culuuntiisa. Wax Kale Iska Daaye Xitaa Isaga Maansadiisa Dhowaan Ayey Dad Kale U Qoreen. Haddii Ay Dhacday In Uu Sannadkii 1976 Arrinka Sidan Isugu Shuqliyey Caadi Ahaan Tallaabadaasi Waxay Noqon Lahayd Mid Uu Hawshan Iyo Degaankeeda Ku Sii Dhex Galo Heerar Kalena Ula Gudbo. Sow Ma Aha? Taasi Haddaba Sida La Og Yahay Ma Ay Dhicin, Ilaa Maantana Lama Hayo Eray Qudha Oo Uu Gaarriye Meel Ku Xarriiqay Marka Laga Reebo Maqaalka Xiddigta Oktoobar Oo Nus Qarni Kudhowaad Laga Joogo).
Waxaad Moodaa Ama Aqoonta Uu Gaariye U Leeyahay Ha Koobnaato Ama Hawba Badheedhee In Ibrahim Hawd Si Cad U Dafiray Inuu Gaariye Hore Iyo Danbaysoba Ka Mid Ahaa Cilmi Baadhayaasha Afsoomaaliga Oo Weliba Ka Mid Ahaa Ragii Aasaasay Akedemiyadii Fanka Iyo Suugaanta Soomaaliyeed Halkaas Oo Ahayd Meesha Kaliya Ee Lagu Baadho Aqoonta Cilmiyeed Ee Afsoomaaliga Waxaan Xusuustay Shir Ay Qaban Qaabisay Dawlada Jabuuti Oo Ka Dhacay Dalkeeda Sanadkii 2003 Kaasoo Ku Saabsanaa Cilmi Baadhista Afka Soomaaliga Ayna Ku Kulmeen Rag Badan Oo Aqoon Dheer U Leh Afka Soomaaliga Waxaana Aan Ka Xusuustaa Ragii Shirkaas Ka Qayb Galay Hadraawi, Gaariye, Yamyam Allaa Haw Naxariistee, Idaajaa, Riiraash, Qoraaga Nuuradiin Faarax Tiradoodu Aad Ayey U Badnayd Laakiin Intaas Ayaan Ka Xusuustaa Waxaan Anigu Kala Socday Tvga Jabouti Oo Dooda Si Toosa U Soo Tebin Jiray Habeen Walba  Kulankii Ugu Horeeyey Ee Shirka Lagu Furay Ragii Ka Hadlay Waxay Dhamaantood U Mahadnaqeen Dawlada Jabuuti Oo Shirkan Dhaqan Gelisay Isla Markaana Saamaxday Inay Meel Isugu Keento Saaxiibo Kala Baaday Oo Mudo Dheer Aan Is Arag Ama Aan Ku Kulmin Hawl Caynkan Oo Kale Ah Ujeedada Ugu Weyn Ee Shirku Wuxuu Ahaa Sidii Loo Hir Gelin Lahaa Buug Qaamuus Afsoomaali Ah Oo Laysku  Raacsan Yahay Gaariye Iyo Idaajaa Labaduba Waxay Halkaas Ka Sheegeen Inay Ka Mid Ahaayeen Gudo Hore Oo Dawladii Kacaanka Ahayd Magcowday Sanadkii 1976 Hawshooduna Ahayd Inay Soo Diyaariyaan Buug Qaamuus Ah Oo Afsoomali Ah Waxayna Sheegeen In Aan Lagu Guulaysan In Buugaas La Qoro Walow Ay Hawl Badan Qabteen Waxaan Kale Oo Ku Ogaaday Shirkaas Ka Dhacay Wadanka Jabuuti In Abwaan Gaariye Kaydiyo Maansadiisa Iyo Xataa Ta Saaxiibkiis Hadraawi Intii Shirku Socday Ee Laga Hadlayey Barnaamijka Cilmi Baadhista Mar Kasta Oo Hadraawi Damco Inuu Tix Raaco Gabay Ka Mida Gabayadiisa Ama Goluhu Ka Codsado Inuu Tiriyo Maanso  Ka Tirsan Maansadiisa Dhanka Gaariye Ayuu Isu Dhaafinayey Gaariyena Korka Kama Hayn Ee Diiwaan Hor Yaala Ayuu Ka Akhriyey Kolkaas Saw Ibraahim Hawd Ma Haysato Tixdii Salaan Carabey Ee Ahayd Waxba Yuu Xeerkay I Marin Xoolane I Siine Xaashee Nin Libin Kaa Xistiyey Xumihii Waayaabe Abwaan Gaariye Mar Keliya Kama Dhex Bixin Baadhista Aqoonta Afsoomaaliga Weliba Fagaarayaal Badan Ayuu Ku Soo Bandhigay Cilmi Baadhista Aqoonta Afsoomaaliga
Gebegebadii Aan Ku Soo Khatimo Dooda Muranka Miisaanka Maansada Iyamaynu U Aqoonsanaa Aabaha Miisaanka Maansada Labada Aqoon Yahan Ee Gaariye Iyo Caraale Waxaynu U Aqoonsaynaa Abwaan Gaariye Waayo Isagaa Ahaa Ninkii Ugu Horeysay Ee Ku Dhawaaqay Inuu Daah Furay Miisaanka Maansada
 

Jaamac Cabdillaahi Suleymaan

Cigaal215@Hotmail.Com               


TOP

146 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Reply to ‘Is the concept of democracy completely misunderstood by kulmiye party- by Asiya Garaw’.

M. A. Duale

Kulmiye Waa Aqoontiii iyo Aqoonyahan kii Somaliland,Geesigii Iyo Geesiyiiintii Somaliland,Mustaqbalkii Shacabka somaliland

Cali Kayse Kabadhe

Lib Murkucatay!

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

God Walaal Ha Qodin Haddaad Qoddana Haku Dheeraan Ku Dhicidoontid Ma Ogide!

Shueib A.Yousuf

Election in Mogadishu will be neither fair nor free

Abdi Mohamed Ali

Lafagurka Shirkii Golaha Dhexe Kulmiye 3aad

Abdiaziz A Musa

Lafagurka Shirweynahii Golaha Dhexe ee Kulmiye

Abdiaziz A Musa

Dimuqraadiyada Ayaa Ku Jirta

Musa Adan (Muse Qodaal)

Sooyaalkii iyo Geeddi-socodka Xisbiga Kulmiye iyo xaaladda maanta taagan

Sayid Maxamed Yuusuf

Hambalyo Silaanyo & Saylic

Mohamed Yonis Awale

Xisbiga Kulmiye laanta NORWAY: Hambalyo!

Laanta Norway, Kulmiye

Dildillaaca Kulmiye!

Maxamed Baashe X. Xasan

Hambalyo Shirka Kulmiye

Guddida Fulinta UK

Kulmiyoo Doorta Axmed xaaji cali Cadami

Axmed Xirsi Madar

Kulmiyoow Snmta hore iyo Snmta dambe midkeed dooran?

Cabdale Farah Sigad

Sifooyinka laga rabo qofka madaxdaa

Ahmed Dahir Elmi

Badha Badha Faisal Ali Warabe and the SNM

By Sagal Say Wallahi

Prof. Ismail Are waxa diyaar u ah siddeed boqol oo kun ( 800,000) oo cod.

Ahmedweli Goth

Xubinimada (ACCA) iyo Musharaxa Maxamed Cali Xirsi

Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher: Aways Adam Cisman & Muna Muxumed Ismaaciil

Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE

HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur