OPINION

Dahabshiil Ducaysane

 

Dahabshiil Ducaysane

Danyar baanu nahay oo

Daruurigii  cirkaa qabay

Mar hadduu dalbaday soor

Daruuriga la quutiyo

Diqiiqdiyo bariiskii

Dekeddii Berbera dhigay

Dadwaynuhu dhamaantii

Danyar ha u darnaatee

Ducay soo diraayaan.

 

Dahabshiil Ducaysane

Sida diintu nagu tidhi

Duul hadduu dihaal iyo

Darxumiyo abaar qabo

Ruuxii ka diriree

Inuu doorshe doonee

Darxumada u diidee

Derbi jiif kulay tahay

Deeqdiisu gaadhee

Dollar iyo istaraliin

Ku dalbada daruuriga

Dekedaha camira ee

Dadku ay farxaane

Diihaal u rogay doog

Duco inuu qabaa  oo

Daarta horee aduunyada

Danbigiis la dhaafoo

Degal  ina sugaayiyo

aakhiro hal door noqoy

Dareejee ilaah oo

Dooxihii jannaad iyo

Halkuu doorto Rabbi gayn.

****************************

Dahabshiil Ducaysane

Dadkan ay degaankii

Ku duugeen shinnida ee

Dayrta ay sugaayeen

Inuu doog ka soo baxo

Diir baa ku dhalatoo

Dalag wuu ka ba’ayoo

Dadkii sarac ma haystee

Iyagoo dekaamoo

Dadban oo hagoogtoo

Ducfi iyo harraad qaba

Dunuunucu yarayn oo

Deeqdaa illahow

Ayaan kaa dugsanynaa

Dibnahood ku doodeen

Dahabshiil Illaah  diray

Ayaa doonyo waawayn

Ku dalbaday bariiskii

Deji qiimihii oo

Dadwaynuhu dhamaantii

Damaashaad la kace oo

Ducay soo diraayaan

Dahabshiil Allahayow

Derejee aduunkoo

Dahabshiil Ilaahow

Dulli iyo ha badin ceeb

Dahabshiil Ilaahow

Dalacaadda dunidiyo

Derajaynta aakhiro

Deeqdaa u sii badi

dahabshiil ilaahow

Dunidu maalmo weeye

Ha dulaynin weligaa

Durriyadiisa barakee

Duco iyo wanaag sii

Denbigiisa dhaafo

Derejee ilaahow.

 

Dejiyoo haddana dhigay

Dahabshiil Ilaahow

Dollarkuu xawilayo

Dacallada aduunyada

Min daraf ilaa daraf

U daadihi sideedaas.

Dejiyo hadana dhigay

Dahabshiil Ilaahow

Dariiqii Rasuulkiyo

Dadkii salefiyiintu

Dararkay durduurteen

Ugu deeq ilaahow

Dejiyoo haddana dhigay

Inta duco la yidhi hore

Doc kastaba abaareen

Dahabshiil Rabbow sii

Ilaa daa’in abidkaa

Dahabshiil Rabbow sii

Adaan kuu dikrinayaa

Duco iyo wanaag sii

Dahabshiil

Dahabshiil.

 


TOP

146 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Reply to ‘Is the concept of democracy completely misunderstood by kulmiye party- by Asiya Garaw’.

M. A. Duale

Kulmiye Waa Aqoontiii iyo Aqoonyahan kii Somaliland,Geesigii Iyo Geesiyiiintii Somaliland,Mustaqbalkii Shacabka somaliland

Cali Kayse Kabadhe

Lib Murkucatay!

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

God Walaal Ha Qodin Haddaad Qoddana Haku Dheeraan Ku Dhicidoontid Ma Ogide!

Shueib A.Yousuf

Election in Mogadishu will be neither fair nor free

Abdi Mohamed Ali

Lafagurka Shirkii Golaha Dhexe Kulmiye 3aad

Abdiaziz A Musa

Lafagurka Shirweynahii Golaha Dhexe ee Kulmiye

Abdiaziz A Musa

Dimuqraadiyada Ayaa Ku Jirta

Musa Adan (Muse Qodaal)

Sooyaalkii iyo Geeddi-socodka Xisbiga Kulmiye iyo xaaladda maanta taagan

Sayid Maxamed Yuusuf

Hambalyo Silaanyo & Saylic

Mohamed Yonis Awale

Xisbiga Kulmiye laanta NORWAY: Hambalyo!

Laanta Norway, Kulmiye

Dildillaaca Kulmiye!

Maxamed Baashe X. Xasan

Hambalyo Shirka Kulmiye

Guddida Fulinta UK

Kulmiyoo Doorta Axmed xaaji cali Cadami

Axmed Xirsi Madar

Kulmiyoow Snmta hore iyo Snmta dambe midkeed dooran?

Cabdale Farah Sigad

Sifooyinka laga rabo qofka madaxdaa

Ahmed Dahir Elmi

Badha Badha Faisal Ali Warabe and the SNM

By Sagal Say Wallahi

Prof. Ismail Are waxa diyaar u ah siddeed boqol oo kun ( 800,000) oo cod.

Ahmedweli Goth

Xubinimada (ACCA) iyo Musharaxa Maxamed Cali Xirsi

Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher: Aways Adam Cisman & Muna Muxumed Ismaaciil

Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE

HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur