OPINION

Arrinku Riig Ka Qoto Dheer

ARRINKU RIIG KA QOTO DHEER

 

Waxyaalaha uu nidaamkii Siyaad Barre ka tegay bay ka mid tahay in cuqdad ay dadka somalida ahi meel ay joogaanba ka qaadaan xilka madaxweynaha qofka qabta iyo habdhaqankiisa.  Waxaynu aragnay Siyad Barre oo reerkiisu boob aan loo abdeyin hantidii qaranka iyo xilalkii qaranka kula kaceen sharci qabtana loo waayay.  Taasi waxay abuurtay dareen yaab leh iyo feejignaan xad-dhaafa oo bulshada ku abuurmay marar badanna khaladaada keena.  

 

Marxuum Cigaal ayaa magaacaabay gobol la yidhaaho Saaxil oo Berberi xarun u tahay.  Marka aan runta la iska indhotiran gobolkaasi waa meel ku habboon gobolimo lana odhyan karo waa lagala soo habsaamay.  Cigaal oo ahaa nin aad u caqli badan kana soo jeeday Berbera, wuxu ogaa dareenka dadka ku jira, iskumuu hawlan in gobolka cusub uu ka ansaxiyo goleyaashii dawladda, wuxuu hubay inuu la kulmi doono mucaaradad nuxurkeedu yahay waa gobolkaad ka soo jeeddo iyadoon wax kale la eegin.  Ma hubo in weli gobolkaa si rasmi ah loo ansixiyay, haddiiba la ansixiyayna waxay dhacday intii Riyaale madaxweynaha ahaa.

 

Sheeko kale oo Xamar ka dhacaday ayaa jirtay oo iyana tan la xidhiidha.  Biro dugoobay oo yaalay dekedda Xamar ayaa la damcay in loo raro nin dawladda amaah ku lahaa oo dalka dibeddiisa deggen. Markii laga warhelay in birihii uruurinayo ayaa suuqa la geshay la geynayo tuulo la yidhaaho Garacad,waa tuulo yar oo xeebta Mudug ku taalo oo Cabdilaahi Yusuf reerkiisu degaan.  Madaafiicdaa is qabsatay, siyaasi iyo waxgaradba waa ka haldeen iygoo ku doodaya in birahaan aan laga qaadin meesha ay markaa yaalleen.  Muddo ka dib ayay soo baxday in meesha birahan duuggaa loo wadaa aanay ahayn Garacad ee ay tahay Dubai, warkaasi si fudud buu dadkii u dejiyay waana la faysaxay in biraha la raro – waa yaab.

 

Waxa xigtay riig baa Boorame loo wadaa waa deegaanka Madaxweyne Riyale ka soo jeedee, shiidkaa meel walba is qabsaday, dariiqayadii oo dhan baa lagu xidhay taayirro ololaya, rasaasta kor iyo hoosba loo riday, dhimashana waaba sababtay.  Suldaan iyo siyaasiba waa la hadlay, wax walba ma Booramaa loo wadaa dadbaa ku dooday.  Waxa markii dambe soo baxday inaan meesha loo rarayo riiggu ahayn Boorame ee ay tahay meel la idhaaho Botor, markiibaa dareenkii dadkaa hoos u dhacay, riiggiina waa laga hor baydhay – waa yaab kale.

 

Dadka halday waxa ka mid ahaa afar masuul oo dawlada ka tirsan, waa saddex wasiir iyo maayorka magaalada, oo shir jaraa’id qabtay.   Afartuba waxay ku celceliyeen inaan riigga Borame loo wadin. Wasiirada mid ka mid ah ayaa weliba ku dhaartay inaan meesha riigga la geynayaa ahayn Boorame.  Ma jirin mid keli ah masuuliyiintaa ka mid oo dadkii mudahraadayay weydiiyay waxa ku jaban haddii riigga Boorame la geeyo, illeen iyaba biyo la’aan baa ka taagane.  Waxa dhici kartay in haddii ay masuuliyiintu ay sidaa u hadli  lahaayeen ay soo afjari lahayd dareenka meel walba jira ee ah waxa loo eexanayaa qabiilka iyo deegaanka madaxweynaha markaa talad haya ka soo jeedo.  Mase loo baahan yahay in dareenkaa la dilo hadda. 

 

Waa xaqiiqo jirta in dadka iyo deegaanka madaxweynaha markaa talada hayaa uu dulmi iyo duudsi badani ka soo gaadhayo sii socoshada dareenkaan yaabka leh, laakiin markaad dhinac kale ka eegto miyaanu jiritaanka dareenakni ka hor joogsanayn inuu qof masuul ihi sameeyo eexasho iyo cadaalad darro qaawan.  Labadaa  arrimood ha la isu miisaamo oo mid ha la qaato.  Qofkii haya meel dhexena ha soo bandhigo.

 

Axmed Ismaciil

 

Ismaciil1993@yahoo.se

 


TOP

135 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008