OPINION

Xaggee ayay iska shabahaan Daahir Rayaale iyo Siyaad Barre?

Xaggee ayay iska shabahaan Daahir Rayaale iyo Siyaad Barre?

 

Marka hore waxaan salaan diiran u tabinayaa bahda saxaafada Somaliland.

Mar labaadka hadii aan wax yar ka iftiimiyo dabeecadaha iyo dhaqanada ay iska shabahaan  Daahir Rayaale iyo Siyaad barre ayaa ah sidan:

 

1.Labadooduba waxa ay ku xalliyaan arrimaha xooog ama cudud, waxaanay aaminsayihiin in shacabka lagu maquuniyo awood dawladeed oo aan lala galin wax waan waan ah.Waxaana taas ka marag ah dhacdooyinka soo noqnoqda  ee uu ku kaco Daahir Rayaale, sida maalintii dhakhtarka la galay, maalintii dhawayd ee uu dadka xasuuqay iyo maalmo kaleba.Siyaad barrena sidaas si la mid ah ayuu Hargeysa xasuuq uga gaystay 1982.

 

2.Labadooduba waxa weeye niman meel ka wada shaqeeyay, oo bartay arrimo khuseeya ciidamada, midina waxa uu ahaa Generaal midina waa sirdoon basaas ah, oo fahmay nidaamkii uu dadka u maamuli jiray kali taliyihii geeriyooday.

 

3.Labadooduba waa kalitaliyayaal.Waxaad taas ku dareemi kartaa Daahir Rayaale waxauu sheegtaa dhamaan awooda dawladeed isaga oo iska dhinac mara dhamaan haayadaha dawliga ah.Waxaanu adeegsadaa erayo ah ‘Aniga, Aniga “ Anigaa waxaas sameeyay, Anigaa anigaa”, taas oo ku ceeb ah dhaqanka iyo diinta intaba.Waayo erayga “Anaa” waxa quraanka ku adeegsaday Fircoon, Qaaruun Iyo Namruud, saddexdabana waa la yaqaanaa halkii ay mareen.

 

4.Labadooduba waxa ay ka dhigaan xaasaskooda mid ka awood badan dawlada raga ku jira, iyada oo aan la aqoon xilka ay xaasaskoodu qabtaan.Taasna aad ayaad uga wada dharagsan tihiin.

 

5.Labadooduba waxa ay siyaasadoodu ku salaysan tahay sidii ay kursiga u haysan lahaayeen uun iyada oo aanay eegayn danta ummada.

 

6.Labadooduba waxa ay neceb yihiin jabhadii mujaahidiinta ahayd ee Somaliland xoraysay ee SNM, taasna waxa daliil u ah, in dhamaan wasiirada ku jiraa aanu midina ahayn jabhadii SNM,  waxaanay xilal sare u dhiibaan raga bartay basaasnimada..

 

Akhristayaal Somaliland waxa ay u baahan tahay in mar saddexaad loo xoreeyo, oo laga xoreeyo gacanta dhabarjabinta, hangashta, faqashta talada haysa, waayo hadii mar hore Ingiriis aynu erinay,Siyaadna aynu daaqada ka saarnay.Waxa hadhay kacdoon dimuqraadi ah oo awooda lagaga qaado raggan hadda meesha qabsaday,Ee kacdoonkaas u diyaar garooba waana inoo doorashada 2009 insha Allah.

 

Siciid Maxamuud Gahayr

Islamabad,Pakistan

saedmgahair@hotmail.com, saedmgahair@yahoo.com

 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra