OPINION

Xafladdii Juun iyo Duuliyihii Waddaniga ahaa – Axmed Maxamed Xasan

Xafladdii Juun iyo Duuliyihii Waddaniga ahaa – Axmed Maxamed Xasan

 

W/Q: Axmed Iid Aadan

 

 

Toddobadii fiidnimo ee 24ka Juun, 2008 laydha qabow ee dhacaysaa fiicanaa. Waxa la moodaa hawada dhexdhexaadka ah ee soo dhacda marka uu galinka dambe roobku qaado oo kale. Dadka huteelka Emperial ee magaalada Hargeysa ku sii qulqulayaa fara badanaa. Niyadsamaa, oo haddana dareenka wajiyadooda ka muuqdaa fiicanaa. Qof kasta oo meesha soo maraa, haddii aanu hore u sii warqabin, marka uu indhaha ku dhufto dadka iyo gaadiidka faraha badan  markiiba waa uu garanayaa in ay wax jiraan! Haddaba maxaa jira?

 

Waxa jiraa shirweyne xisbi ma aha, shirjaraa’id uma dhowa, kulan siyaasadeed ma aha, wefti meesha kuma soo degin, wanqal gobol cusub oo la magacaabay ku saabsanna ma aha sida beryahan dambe cusub. Maya, ee wanqal hadalkeedba ha soo qaadin, waayo halkani meel ay hadda arrintaasi ka jirto ma aha, maxaa yeelay weligeedba waxay soo ahaan jirtay caasimad weyn oo lama dhaafaan ah. Haddaba waa maxay? Waa xaflad aad iyo aad u qiime badan oo ay soo qabanqaabiyeen ururrada AFGARAD iyo MIDNIMO; taas oo lagu maamuusayo duuliyihii waddaniga ahaa ee soomaaliyeed, mudane Axmed Maxamed Xasan. Waa xaflad taariikhi ah oo aad u qiime badan.

 

Muddo yar kaddib isla goortaa aynu kor ku soo sheegnay waxaa buuxsamay hoolkii weynaa ee xafladda lagu qabanayey, dadkana markii aan u fiirsaday waxaa la moodayey in uu qof kastaaba is-lahaa, yaanay meeshu kaa buuxsamin. Iyada oo ay ka qayb galayaashu meelihii ama kuraastii habaysnayd ee loogu tala galay fadhiyaan ayuun baan mar keliya arkay dadkii oo wada taagan, sacabna si weyn isula helay. Yaa la arkay? Waxaa la arkay oo soo galay nin dheer oo suudh midabkiisu boodhe u dhow yahay xidhan, oo ay haybadi ka muuqato. Cumar Usteeliya ayaa odhan jiray: “Caawuu gadhkaygii dhafmay oo, dhabannada i buuxshay.” Waa nin cas oo gadh isku jooga oo dhafmay leh, waxana la socota mas’uuliyiin badan oo reer Somaliland. Waa mudane Axmed Xasan Maxamed, halyeygii daacadnimada iyo waddaninimada qaaday; duuliyihii sharafta lahaa ee diiday in uu ka qayb qaato xasuuqii iyo dilkii lagu waday dadkiisa sannadihii siddeetannadii qarnigii tegey. Cod dheer iyo af buuxa aan mar kale ku idhaahdee, waa Axmed Maxamed Xasan, halyey taariikhda baal dahab ah ka galay.

 

Markiiba mudane Axmed Maxamed Xasan iyo mas’uuliyiintii kale ee la socotayba waxay fadhiisteen halkii loogu talagalay marti-sharafta iyo dadka tixgelinta mudan ee aadka loo qaddariyo - meel si saf ah loo habeeyay oo halka ay dadka xafladda ka soo qayb galay fadhiyaan ka soo horjeedda, boodhka farshaxanka lagu qoray ee ujeeddada xafladda caddaynayana in yar ka soo horeysa. Sidaas ayey barnaamijyadii xafladda oo uu barnaamijka Qur’aanka Kariimka ahi ugu horreeyaa ku bilaabmeen.

 

Waxay ahayd mid ka mid ah xafladaha la qabto kuwa ugu qiimaha badan. Waxay ahayd mid la xidhiidha wanaag, abaal iyo sharaf, ee siyaasad iyo wax la mid ah shuqul kuma ay lahayn. Inta aan hadda ka haleelo dadkii aan arkayey ee ka soo qayb galay waxna ka yidhi madasha waxaa ka mid ahaa mudanayaasha kala ah Cabdicasiis Samaale, Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Dr. Axmed Xuseen Ciise, abwaan Dacar, abwaan Axmed Aw Geeddi iyo mas’uuliyiin, suxufiyiin iyo waxgarad kale oo badan. Si weyn ayaa looga qayb galay xafladdaa iyada ah.

 

Mas’uuliyiintii xafladda ka qayb gashay waxay sheegeen in uu duuliye sare, Axmed Maxamed Xasan yahay nin taariikhda baal dahab ah kaga jira, isla markaana diiday in uu ka qayb qaato falal gurracan oo dad walaalihiis ah oo aan waxba galabsan si gef ah loogula kacayey. Xilliyada ay dhibaatooyinku jiraan ayey dadku kala baxaan, go’aanka adag iyo ka kalena aad loo kala gartaa. Marka dhinacyo dhawr ah laga eego xaaladihii jiray iyo sida ay soomaalidu tahay, mudane Axmed maxamed Xasan waxa uu qaatay oo uu fuliyey go’aan geesinimo oo ilaa nafhuris ku siman. Go’aan aanu qof kastaaba ku dhaqaaqi karin qof Eebbe garasho sare iyo dadnimo  fiican ku galladay mooyaane.

 

Waxaan odhan karaa, way yar tahay sida soomaalida dhexdeeda looga helo qof daacadnimada Axmed oo kale lehi. Bilihii Juun iyo Julaay ee 1988-kii  waxaa la sheegay in ay dayuurado magaalada Hargeysa ka kaceen si ay u rusheeyaan isla magaalada lafteeda. Duyuuradahaa midi duqayntii kama ay qayb qaadan, oo waxay ahayd tii uu duulinayey mudane Axmed, qaarna si baas ayey sida la sheegay wax u duqeeyeen. Maalin keliya ayuu nina taariikhda ku galay halyey daacada oo wax bedbaadiya, qaar kalena gacan-ku-dhiiglayaal aan waxba dhaafayn. Waa arrin waqtigu xukumi doono.

 

Laba arrimood baa mudan in aynu sheegno inta aynaan halkan dhaafin. Midda hore waxay ku saabsan tahay arrimaha ciidammada. Dadka arrimahaas aqoonta u leh qaar ka mid ahi waxay mararka qaarkood sheegaan in amar millatari oo uu qof derejo ciidan oo sare lehi fulin waayo ama diido lagu mutaysan karo ciqaab adag oo mararka qaarkood dil noqon karta. Amar ciidan in uu toos yahay iyo in uu gef yahay waxa maamullada aan wanaagsanayn uga muhiimsan in la fuliyo oo keliya.

 

Arrinta labaadna waa arrin cilmi ah  waxayna la xidhiidhaa taariikhda. Dadku inta badan marka taariikh laga hadlayo  waxay taariikh moodaan wax kasta oo dhaca, iyo wax kasta oo muddo badan iska socda. Laakiin wax kasta oo sidaas ahi mararka qaarkood taariikh ma noqdo, diiwaannadeedana kuma qormo. Waxay in badan noqon karaan sheeko iyo wax la  mid ah oo laga gudbo. Waxa  taariikh noqda dhacdooyinka ku taxma dhacdooyin kale, ama iyaga qudhoodu noqda kuwa saamayn ku yeesha xaalado kale ama fekerka dadweynaha. Waqtigu in uu badnaadaa muhiim aha, oo dhacdooyin saacado ama maalmo yar socday ayaa diiwaannada mararka qaarkood si weyn u gala, halka kuwo in badan socdayna aan la xasuusanba.

 

Haddaba go’aankii uu maalintaa qaatay mudane Axmed waxa uu noqday mid diiwaanka taariikhda si weyn baal dahab ah uga galay, isla markaana ku taxan dhacdooyinka taariikheed ee aan la illaawi doonin tan iyo inta ay dad badan oo reer Somaliland ah iyo soomaalida kale ee wanaagga jeceliba nool yihiin. Mar waa go’aan taariikhi ah marna waa go’aan geesinimo ah oo ilaa nafhuris ku siman sida aynu ku soo sheegnay labada qodob ee arrimaha ciidammada iyo taariikhda ku saabsan. Waa la xasuusnaan doonaa magaca walaalkeenna sharafta leh, Axmed Maxamed Xasan.

 

Soomaalidu inta badan ma sheegto wanaagga uu qofku sameeyo inta uu nool yahay maalinta uu allaysto mooyaane. Xafladdani laakiin sidaa ma ay ahayn, oo hadalladii halkaa laga yidhi haddii aan qaar ka soo qaato waxaa ka mid ahaa, ” Geesigu ma aha qofka dadka laaya, ee waa ninka dadkiisa bedbaadiya ama nooleeya” iyo ” Dadka tolnimo isma raaciso, ee waxaa si dhab ah isu raacsha kolba mabda’ wanaagsan ee ay aamminsan yihiin. Axmed Maxamed iyo qof kasta oo wanaaggaa ku raacsaniba waa ilma-adeer” iyo qaybo kale oo badan.

 

Sida la wada garanayo qofku marka uu mas’uuliyad qaran qaadayo waxa uu u dhaartaa in uu dadkiisa si ay daacadnimo ka buuxdo ugu shaqayn doono, wanaaggooda iyo badbaadadoona ku dadaali doono. Sidaa waxa ka dhabeeya uun qofka garashada sare leh, ee qof kastaa kama run sheego. Mudane Axmed markii codbaahiyaha lagu soo dhoweeyay waxa uu sheegay in uu go’aankiiisu arrintii uu u dhaartay iyo bedbaadada dadkiisa daarnaa, ee aanu wax kale la xidhiidhin. Waa run taasi. Qofku marka uu waajibkiisa si daacadnimo ku jirto u garto dadkuna waxay u gartaan tixgelin, maamuus iyo sharfid dheeraad ah. Xafladdan iyo ka mahadcelinteeduna in ay halkaas la xidhiidho ayaan ku doodi karaa.

 

Lama soo koobi karo hadalladii qiimaha badnaa ee ay mas’uuliyiinta sarsare soo jeediyeen, suugaantii iyo murtidii meesha lagu soo qaaday oo dhan. Waxaanse qayb inooga soo qaadayaa maanso dheerayd oo mawduucaa la xidhiidha oo uu xafladda ka tiriyey abwaan Axmed Aw-Geeddi ( Dheeraad ). Maansadaasi waxay soo baxday xilliyadii halganka, waxana la yidhaa “Weli dunida kama dhicin“. Maansadan waxaan nasiib wanaag markii dambe ka helay kana soo xigtay iyada oo qoran qoraalladii qoraaga Khaalid Jaamac Qodax, ee magaciisu ahaa “Suugaan xul ah iyo abwaan Axmed aw Geeddi“; kuwaas oo ku soo baxay bogga caanka ah ee Redsea-Online.com. Ujeeddada iyo murtida maansada ku jirta akhristayaasha ayaa loo dhaafayaa, waana tan:

 

Weli dunida kama dhicin

Dawlad maatideedii

Kaare dulundulceeyiyo

Madaafiic dillaantiyo

Ku duqaysa maadhiin

 

Wali dunida kama dhicin

Dawlad maatideedii

Hub is-daaddaheeyiyo

Diiradliyo gamuuniyo

Ku daqiiqda Naabaal

 

Wali dunida kama dhicin

Dawlad maatideedii

Subax mooro duugtoo

Guryahoodii dumisoo

Rabta iney diboodaan

 

Wali dunida kama dhicin

Dawlad maatideedii

Ciidankii dalkoodiyo

Daraawiish ku saartoo

Ku dabbaasha haawey

 

Wali dunida kama dhicin

Dawlad maatideediyo

Ooryaheeda dooxdoo

Dhallaankeeda dubatoo

Dabar goysa waayeel

 

Wali dunida kama dhicin

Diyaaraad kacaayoo

Geggedey ka duuleen

Dib u guba magaalada

Iyo dagaladoodii

 

 

Dhammaad.

 

————————————————————–

 

Mahadnaq: Waxaan halkan uga mahadcelinayaa aqoonyahan Maxamed Cabdillaahi Ducaale, oo I soo gaadhsiiyey maansadan iyo suugaan kale oo badan oo daabacan.

 

 

W/Q: Axmed Iid Aadan

ahmediid@hotmail.com

 

Lama qaadan karo qoraalkan oggolaansho la’aan.


TOP

146 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Reply to ‘Is the concept of democracy completely misunderstood by kulmiye party- by Asiya Garaw’.

M. A. Duale

Kulmiye Waa Aqoontiii iyo Aqoonyahan kii Somaliland,Geesigii Iyo Geesiyiiintii Somaliland,Mustaqbalkii Shacabka somaliland

Cali Kayse Kabadhe

Lib Murkucatay!

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

God Walaal Ha Qodin Haddaad Qoddana Haku Dheeraan Ku Dhicidoontid Ma Ogide!

Shueib A.Yousuf

Election in Mogadishu will be neither fair nor free

Abdi Mohamed Ali

Lafagurka Shirkii Golaha Dhexe Kulmiye 3aad

Abdiaziz A Musa

Lafagurka Shirweynahii Golaha Dhexe ee Kulmiye

Abdiaziz A Musa

Dimuqraadiyada Ayaa Ku Jirta

Musa Adan (Muse Qodaal)

Sooyaalkii iyo Geeddi-socodka Xisbiga Kulmiye iyo xaaladda maanta taagan

Sayid Maxamed Yuusuf

Hambalyo Silaanyo & Saylic

Mohamed Yonis Awale

Xisbiga Kulmiye laanta NORWAY: Hambalyo!

Laanta Norway, Kulmiye

Dildillaaca Kulmiye!

Maxamed Baashe X. Xasan

Hambalyo Shirka Kulmiye

Guddida Fulinta UK

Kulmiyoo Doorta Axmed xaaji cali Cadami

Axmed Xirsi Madar

Kulmiyoow Snmta hore iyo Snmta dambe midkeed dooran?

Cabdale Farah Sigad

Sifooyinka laga rabo qofka madaxdaa

Ahmed Dahir Elmi

Badha Badha Faisal Ali Warabe and the SNM

By Sagal Say Wallahi

Prof. Ismail Are waxa diyaar u ah siddeed boqol oo kun ( 800,000) oo cod.

Ahmedweli Goth

Xubinimada (ACCA) iyo Musharaxa Maxamed Cali Xirsi

Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher: Aways Adam Cisman & Muna Muxumed Ismaaciil

Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE

HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur