OPINION

Badhi furkii Boqor Buurmadoow iyo Balankuu Riyaale u qaaday

 

In muddo ahba waxa socday dedaalo aay beesha habar jeclo ugu diyaar garoobaysay sidii aay shir weyene beeshu isgu timaado ugu qabsan lahyd magalada gar-adag.xiligan hada lagu jirana sida warar xogogaal ihi tibaaxayaan waxa soo dhawaday bilowgii shirka in kasta oo aan la ogayn goorta uu bilabimi doono shirku.

 

Hadaba shirkan ayaa hubaal ah mid aad miisaan wayn ku leh mustaqbalka iyo aayaha Somaliland marka laga tago dib u dhiska beesha iyo ka tashiga danaheeda gaarka ah.shirkani waxa uu wax yeeli kara jiritaanka Somaliland isla markaasna waxa uu wax wayn ka tari karaa adkaynta iyo dhismaha dalka somaliland.waxa ka soo baxa shirkaas ayaa waxa loo arki karaa in uu manfac iyo khasaare labadaba u yeelan karo dalka Somaliland waxanay ku xidhantahay kolba go’aanka aay qaataan madaxda beeshaas ee shirka ka gudoominaya.

 

Inkasta oo beesha h/jeclo aan laga filahayn in aay soo saarto marnaba go’aano ku lidi ah jiritaanka Somaliland hadana waxa la mala awaalayaa in beeshaasi aay shirkaas ku gaadhi doonto go’aano midayn doona besha. taas oo macnaheedu yahay hadii beeshu midoowdo waxa aan shaki lahayn in doorashada soo socota uu daaqada ka bixi doono m/w riyaale oo beshiisa laga tiro badan yahay beelihii kale ee reer somalilandna aay inta badan isi seegeen siyaasadii guracan iyo musuq hadheeyay maamulkiisa wageed.

 

Waxa aad u kala fogaaday beesha h/jeclo iyo xukuumada m/weyne riyaale kadin markii xukuumada somaliland iyo m/wedynaha laftigiisuba aay si ba’an oo axmaqnimo iyo aar goosi ah ula fas ciyaareen beeshaas oo xisbiga talada haya ee udub uu ka orinaysay in aay beeshu u hayso taageero buuxda xisbiga kulmiye ee uu hugaamiyo siyaasiga ruug cadaaga ah ee axmed maxamed siilaayo oo ah tartamaha keliya ee kahatar ku haya m/w riyaale .

M/weyne riyaale sida warar xogogal ihi sheegayaan waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulayay sidii uu u burburin lahaa sjirkaas waxa se ku adkaatay in uu helo rag laxaad leh oo uu haawl geliyo ilaa boqor buur madoow oo keliya mooyaane oo isagu m/weynaha la qaatay fikirka ah in aanu shirkaasi hir gelin ee beesha la dhex galo oo la kala daadiyo.boqorka oo degan imaaraadka ayaa si deg deg ah ugu dhoofay dalkii ka dib markii aay soo dhawaaday shirku waxaana la sheegay in aay isaga iyo m/w riyaale isarkeen waxana la kala iibsaday oo boqorka loo dhiibay (mission) ama haawlgal uu fuliyo oo ah in uu kala furfuro shirkaas.

 

Boqor buur madoow oo magaaladii uuu dhasahay ee gar-adag  shirku ka dhacayo waxa uu sameeyay isku dayo badan oo uu ku ku maaganaa in uu shirka ku baajiyo balse waxa ka xoog waaynaaday ololihiisa doonista shacabka beeshaas iyo waxa garadka oo sida la soo weriyay aay ka go’antahay in shirkaasi qabsoomo si aay uga tashadaan danaha  beesha iyo ta somalilandba iyada oo aan cidna dheg loo jalaq siinahayn.

 

Boqor buur madoow oo sida lagu yaqaan ah ruux caadifi ah oo aan siyaasad degan adeegsan had iyo jeerna lagu arko isaga oo saaxada siyaasada uga muuqda qaab beshiisa iyo shacabka kale ee Somaliland midna aanu jeclaysan, waxa aay isi seegeen oo aanu haatan taqo badan ku lahyn bulshadii soo dooratay ka dib markii khaladaadkiisii iyo aflagadadiisii badatay dhawr jeerna beeshu xaal  bixisay qaladaad uu galay aawgeed.

 

Lafili mayo in boqorku ka midho dhalin doono haawsha m/w riyaale u dirtay waxa se su’aasha la is-waydiinyaa tahay boqorku ma ka qayb geli doonaa shirkaas? hadii se uu ka qayb galo, ma laga xan qarsan doonaa?  Inkasta oo aan la filahayn in boqor buur madoow uu shirkaas ka qayb geli doono maadaama ergada shirka ka qayb gelaysa inteeda badani aanay xiiso u hayn in aay ku arkaan boqorka oo madasha fadhiya hadana hadiiba ay dhacdo in boqorku ka qayb galo shirka, saamayn intee le”eg ayuu ku yeelan doontaa  boqor buur madoow go’aan qadashada shirkaas iyo amuuraha lagu gadhi doono?

 

Ma aha markii u horaysay ee uu boqor buur madoow ku badhi furo beelwaynta h/jeclo oo uu ku kaco talaabooyin ka dhan ah doonista dadkiisa markan se waxa dadka siyaasada beelaha raad raacaa ku sifeeyeen in boqorku faraha lagalay arin beesha waxgaradkeedu u arko dembi aad u laxaad leh mar hadii uu aayihii bulshadii soo dooratay ka horyimi oo uu rabo in uu u laba dibleeyo maamul aay beesha h/jclo boqorka iyo dada yar oo koban dana gaara leh ka saxiib yihiin.

 

Cabdiraxmaan cali buuhoodle

Weriye madax banan

Dubai-uae

 

 

 

 

 

 

 

 


TOP

146 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Reply to ‘Is the concept of democracy completely misunderstood by kulmiye party- by Asiya Garaw’.

M. A. Duale

Kulmiye Waa Aqoontiii iyo Aqoonyahan kii Somaliland,Geesigii Iyo Geesiyiiintii Somaliland,Mustaqbalkii Shacabka somaliland

Cali Kayse Kabadhe

Lib Murkucatay!

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

God Walaal Ha Qodin Haddaad Qoddana Haku Dheeraan Ku Dhicidoontid Ma Ogide!

Shueib A.Yousuf

Election in Mogadishu will be neither fair nor free

Abdi Mohamed Ali

Lafagurka Shirkii Golaha Dhexe Kulmiye 3aad

Abdiaziz A Musa

Lafagurka Shirweynahii Golaha Dhexe ee Kulmiye

Abdiaziz A Musa

Dimuqraadiyada Ayaa Ku Jirta

Musa Adan (Muse Qodaal)

Sooyaalkii iyo Geeddi-socodka Xisbiga Kulmiye iyo xaaladda maanta taagan

Sayid Maxamed Yuusuf

Hambalyo Silaanyo & Saylic

Mohamed Yonis Awale

Xisbiga Kulmiye laanta NORWAY: Hambalyo!

Laanta Norway, Kulmiye

Dildillaaca Kulmiye!

Maxamed Baashe X. Xasan

Hambalyo Shirka Kulmiye

Guddida Fulinta UK

Kulmiyoo Doorta Axmed xaaji cali Cadami

Axmed Xirsi Madar

Kulmiyoow Snmta hore iyo Snmta dambe midkeed dooran?

Cabdale Farah Sigad

Sifooyinka laga rabo qofka madaxdaa

Ahmed Dahir Elmi

Badha Badha Faisal Ali Warabe and the SNM

By Sagal Say Wallahi

Prof. Ismail Are waxa diyaar u ah siddeed boqol oo kun ( 800,000) oo cod.

Ahmedweli Goth

Xubinimada (ACCA) iyo Musharaxa Maxamed Cali Xirsi

Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher: Aways Adam Cisman & Muna Muxumed Ismaaciil

Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE

HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur