Bilowgii Dhamaadka Xukuumadda UDUB ee Somaliland
UDUB: “Nabadda Ha La Ilaaliyo, Xabadana Joojiya”
UDUB: “Hanjabaad Waxba Kuu Tarimayso”
UDUB: “Hantida Qaranku Waa Xaaraan”
UDUB: “Dhuku Ma Dhammaadee, Waqtigeenii Baa Dhammaaday”
UDUB: “Anaa Keenay Rigga & Anakaa Gobol idin siinay”
UDUB: “Shirwenahaagii Qabso, oo Mid Xalaal ah Qabso”
UDUB: “UDUB Riyaale Ma leh, Dhisa Dimquraadiyada Dhexdiisa”
UDUB: ”Dimquraadiyada U Hogaansama, Ururka Qaranna Qira”
UDUB: “Kolay Waa Tageysaye, Taariikh Xumo Ha Ku Tagina”
UDUB: “Waqtigaagii Wuu Dhamaaday ee Walaaqa Jooji”
UDUB: “Dalka & Dakuba Waa Dulqaataye, Is Daba Qabteeya”
UDUB: “Deeqbixiyaasha Ha Ka Waabane, Talo-wadaagga Ogolow”
Dhamaadka mududii xukunka Madaxweyne Dahir Riyaale Kaahin ee dalka Somaliland waxay ku egeyd 15 May 2008. Intii ka dambaysay, wax bilaabmay dhammadkii mudadii uu hogaamiyaha ama Madaxweynaha ka ahaa Somaliland.
Rafad iyo qalalaase, boob iyo dhac aan loo meel dayin ay hadheeyey Madaxtooyada iyo inta ku hareeresanba. Dalka waa la kala boobayaa inta ka horeeysa doorashada Madaxtooyada, waxaan ka socoda “qaatay qaado”.
Muuqaalka hogaanka dalka wax is bayaan ah uga muuqda, jahawareer iyo kala-daadsanaan xad-dhaaf ah oo sii kordhaysa. Waxa ka soo burqanaaya talaabooyin wax-iska-caabin ah khatarna galinayaa muwaadiniinta reer Somaliland. Tusaale, mudaharaadadii Hargeysa iyo toogashadii Hodan, lacagata cusb, gobolada cusub, socodaalada Wasiirada faraha badan, sharaa’iga heshiiso lala galay, Dekedda Berbera oo la kiraynaayo, xoolihii bariga iyo kuwii badda oo shirkado lagu wareejiyey iyada oon la soo marin Golaha Wakiiladda oo distooriyan ah in ay ansixiyaan.
Dilalka ciidamada Somaliland u geesanayaan muwaadiniinta rayidka ah, gaar ahaan casimadda Hargeysa, waxay bixinayaan sawiro muujinaaya meel aan xasiloonayn. Taasi waxay marakaati ka tahay in Xukuumadda UDUB ay halis ku tahay nabadda Somaliland.
Ra’yul caalamkuna indhaha ayuu ku hayaa amarada Madaxtooyada xukuumadda ka soo fulaya ee sida araxan la’aanta ah loogu tooganaayo shacabiga mudaharaadaya ee aan hubaysnayn.
Waxa jira oo run ah in muwaadiniin fara badani ay u xidhan yihiin si sharci darro ah iyada oon maxakamadi xukumin. Tusaale, ninka la yidhaado Abshir Xasan Xaashi oo Muddo 3 bilood u xidhan Madaxtooyada
Waxa kale oo jirta in Gudid Nabadgalyadu ay si sharci darro ah u xukunto dhalinyaro da’ yar ah. Taasina ay xeererka caalmiga ka baxsan tahay in la xidho caruurtaasi, waliba lagu xidho jeelalka waaweyn ee ay ku jiraan dinbilayaal. Caruurtiina halkaas ay mustaqbalkoodii lagu luminayaa. Aduuka ma jirto meel caruur yar yar rag waaweeyn oo masuuliyiin ah ay maalin kasta ku xukumaan xadhiga jeel ah.
Waxa la yidhi “Nin mee u cadahay, meeli ka madow” & “Cimir tagay ceeb laguma sagootiyo”
M Yonis Awale
London/UK

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Mohamed Yonis Awale
Laanta Norway, Kulmiye
Maxamed Baashe X. Xasan
Guddida Fulinta UK
Cabdiraxman Maxamed
Axmed Xirsi Madar
Cabdale Farah Sigad
Ahmed Dahir Elmi
By Sagal Say Wallahi
Ahmedweli Goth
Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK
Ahmedweli Sh. Omer
Mohamed A. Awale
Jaamac Cabdillaahi Suleymaan
Muse Qodaal
Hamud Duale
Mohamed Farah
Abdulaziz M. Al-Somali
C/laahi axmed jama (dhiidhaa
MORE OPINIONS ›
TAHNIYAD »
Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE
HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur