Madaxweyne Boorama Biyo La’aani Ma Haysee, Ma Hargeysa ayaad..
Marka hore waxaan salaan u tabinayaa dhamaan bahda saxaafada Somaliland.
Mar labaadka waxa maanta magaalada Hargeysa ka dhacay mudahaharaad ka dhan ah riigii yaalay Uubaale oo loo wareejinayo Boorama.
Sida aan ogsoonahay riigani waxa uu dabooli lahaa baahida dad badan oo ku dhaqan magaalada Hargeysa, kuwaas oo ay booyado u dhaamiyaan sanado badan, oo aan wax biyo ah helin.Laakiin xukuumada Somaliland ayaad moodaa in ay rabto in biyaha lagu cunaqabateeyo reer Hargeysa.Taas oo ah wax aan la qaadan karin.Xukumaadu sidoo kale waxay diiday in ay biyaha Hargeysa ku wareejiso dad ganacsato ah oo muwaadiniin ah kuwaas oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Khadar Xuseen Aadan(Ambassador), Kaysar Afdiinle Iyo Baxsane, taasina waa ta keentay in ay biyuhu suququl ku noqdaan Caasimada wadanka.
Magaalada Boorame oo aan booqday 2006, waxa biyaheeda gacanta ku haya shirkad gaar loo leeyahay, waxaanay dadka magaaladasi ka haqab beeleen biyo.Iyada oo aanay biyuhu kala istaagin 24ka saac.Waxase cajiib ah in ay waliba damaaciyaan riigii Hargeysa biyaha u soo saari lahaa, iyaga oo ka faa’iidaysanaya in uu maanta talada gacanta ku hayo Madaxweyne Reer Awdal ahi.
Hadaba waa yaabe Madaxweyne Boorama biyo la’aani ma hayse ma Hargeysa ayaad harraad ku dilaysaa? Boorama waxaad la rabtaa baraago ay ku dabaashaan???
Qasaarasaha uu gaysto mudaharaadkan hadda socdaa waxa tunka ku qaadi doonaa maamulka fadhiidka ah ee uu u taliyo Daahir Rayaale.
Waxaan ugu baaqayaa Reer Hargeysa in ay diidaan talaabo kasta oo noocan ah oo wax u dhimaysa sharaftooda, waayo biyuhu waa shay aasaasi ah loona baahnaa in laga haqab beelo dhamaan.
Sidoo kale waxaan Mayorka Boorama ee Hargeysa u yimi in uu qaato riigaas u sheegi lahaa in uu iska laabto maadaama oo aanay taasi dhici karin.
Waxaan ku soo gabagabaynaa maqaalkan
Hargeysi ma toostay
Hogaanka Ma diiday
Harqoodka ma tuurtay
Maxamed Maxamuud Yuusuf
Freelance Journalist
kingladane@hotmail.com

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Mohamed Yonis Awale
Laanta Norway, Kulmiye
Maxamed Baashe X. Xasan
Guddida Fulinta UK
Cabdiraxman Maxamed
Axmed Xirsi Madar
Cabdale Farah Sigad
Ahmed Dahir Elmi
By Sagal Say Wallahi
Ahmedweli Goth
Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK
Ahmedweli Sh. Omer
Mohamed A. Awale
Jaamac Cabdillaahi Suleymaan
Muse Qodaal
Hamud Duale
Mohamed Farah
Abdulaziz M. Al-Somali
C/laahi axmed jama (dhiidhaa
MORE OPINIONS ›
TAHNIYAD »
Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE
HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur