Madaxda Somaliland Waxay Ku Roonyihiin Aamusnaanta
Waddan kasta dadka hoggaamiyaa waxaa looga baahanyahay inay leeyihiin astaamaha wax hoggaaminta(Leadership quality) iyo haybaddii dawladnimo lahaan jirtay waana inay ka muuqataa karaamada xilka wayn ee ay ummada u hayaan. Waa inaysan ku milmin dhaqan ahaan bulshada caadigaa dhinac kastaba ha noqotee. Waxaa maanta taagan inay dawladii Somaliland noqotay mid la tirsata ama u dhaqanta sida dadka aan wax xilihi saarnayn ama mararka qaarkood aad is odhanayso nimanku miyeysan aaminsanayn inay yihiin mas’uuliyiintii dalkan iyo maxaa karaamadii dawladnimada ka xayuubiyey oo ay afkooda uga soo baxdaa erayadan qallafsan sida dhuusa geel mana baaqato mana urto oo ahayd jawaabtii ay xukuumaddu ka bixisay markuu Faysal Cali Waraabe dhaliilay safarkii Madaxweyne Daahir Riyaale ku tagay Jabuuti, ma waxayse waayeen erayo kaloo xanbaarsan asluubtii iyo anshaxii diblomaasiyadeed ee siyaasigu adeegsan jiray kana buuxa suugaanteena hodankaa oo la huwiyey diblomaasiyaddii dawladi lahaan jirtay.
Hase ahaatee waa ninba ceesaanti ceel keenye tolow maxaa u sabab ah af-culaanculnimada ama af ka agnaanimada ay ku sifowday xukuumadda Somaliland iyo ka arradnaanta asluubtii ay Somaalidu ku cabbiri jirtay waxay tabanayso si aysan meel uga dhicin dhaqankii suubanaa ee dadka ka dhaxayn jiray. Kuwan immika jooga iyo kiwii ka sii horeeyey waxay ka simannyihiin inay iska fogeeyaan aqoonyahanka iyo ninkastoo leh hal abuur siyaasadeed oo ay ku dheehantahay wadaniyad iyo wax hoggaamin oo jecel in la soo celiyo QARANIMADII ummaddan lahaan jirtay.
Waxaan jeclahay inaan wax yar ka taataabto hadallada aan ku habboonayn qof mas’uuliyad QARAN haya inay afkiisa ka soo baxdo ama hadday dawlad aqoonlihi jiri lahyd ay xilka uga xayuubun lahayd mas’uulkii aan lahayn astaamha xilka uu sido laakiin maanta ragga xilka u haya Jamhuuriyada Somaliland waa rag ka soo wada qalin jabiyey maamulkii kaligi-talihii Siyaad Barre oon aqoonba wax xishood la yidhaahdo isku sina ula dhaqma Caaqilka, Culumaa-udiinka iyo dadka birma-gaydadaa ee xushmada gaarkaa inaga mudan. Waxaad arkaysaa dawladaha reer galbeedka oo u dabbaal dagaya guulihii dagaalkii 2aad, soona ururiya askartii ka qayb gashay dagaalkii 2aad inta yar ee wali ka siinool iyagoo aad loo qadarinayo loogana mahadnaqayo hawl qarameedkii ay dalkooda u soo qabteen waxaana UBAX la dhigaa meelaha loo yaqaan taalada dal-jirka daahsoon meesha aynnaga kuwii usoo halgamay dib u xoreyntii Somaliland aan wax qadarina looma muujiyo oo Cawil iyo qaarkaloo faqashaysani ay dalkii qabsadeen waxaana la yaableh goorta uu Daahir Riyaale ka mid noqday mujaahidiintii SNM waa isaga wasiir-ku-xigeenka caddaaladu fagaara kasta la taagan madaxweynuhu inuu ka mid ahaa mujaahidiintii dalka xoreysay.
Waxaa jirtay inay gabadhi ku raagtay GUUR la’aan oo markay aakhir cimri ku dhawaatay uu Ilaah siiyey nin guursaday waxayna markiiba dhashay wiil ay u bixisay Sharmaarke. Wiilkii wuxuu noqday midaan horey hadalku uga soo bixin oo hadalkii ka raagay. Mudo dheer hadday hadba ku noqnoqonaysay takhaatiirta oo baaritaan nooc kastaa lagu sameeyey wax ku soo kordhay ma uusan jirin oon ka ahayn inuu Sharmaarke sii weynaado isagoon wax hadala lagu hayn. Sharmaarke hooyadi oo quus taagan oo ay u dheertahay inay hadba islaan curaafeysa kuusha ii rid tidhaahdo ayaa maalin maalmaha ka mida iyadoo qolkeedii hurdada joogta ayuu Sharmaarke oo agteeda joogay ku dhawaaqay “HOOYO” deetana intay farxad is haynwayday bay ku tidhi hooyo hadal oo maanta wax roon ii sheeg igana farxi. Waxayna tidhi ballan baan qaaday inaan ku siiyo waxkastood doonto ee hooyo hadal!! Sharmaarke intuu xoogaa aamusay baa afkiisa waxaa ka soo baxay hadal aysan ka filayn oo aysan meeshaba soo dhigan, deetana waxay tidhi Ilaahayow naga aamusi aamusnaantuu ku roonaaye iyo Rabiyow naga aamusi intuusan wax ka sii xun odhan.
Taa waxaa u dhigma oo la metaala inay qaar ka mida mas’uuliyiinta hoggaanka u haya Somaliland ay caadaysteen inay sida sharmaarke oo kale u hadlaan oo aysan u kala aabo yeelin shiikh iyo shariiftoona. Waxaa ka mida hadallada naxligaa oon la qaadan karin meel ka dhac weynna ku ah dhaqan ahaan bulshada Somaliland waxyaabaha ay ku tiraabaan wasiirada qaarkood. Tusaale ahaanna aan soo qaato qaar ka mida hadallada qallafsan oo ka arradan asluubtii iyo karaamadii dawladi lahaan jirtay ee marwalba ka soo baxa afka mas’uuliyiinta xukuumadda:-
Xaafiiska madaxtooyada JSL hadal saxaafadeedkii ugu danbeeyey waxaa ka soo yeedhay wax ummaddu ka yalaalugootay oo xataa ninka lafow dhagaxaahi uusan isku quurin oo ahaa Faysalaw “dhuusa geel mana baaqato mana urto” waa hadal ciyaal suuqeed oo qaawan kana arradan haybaddii xaafiiska ummadda looga taliyo!
Wasiirka Warshadahu wuxuu yidhi ” dagaalkii SNM wuxuuu ahaa mid kubka iyo dhabarka looga jabay waxaan khasaare ahayn lagama dhaxlin”
Wasiirka arrimaha dibadda ” jabhadda ONLF waa URUR argagixisaa oo loo baahanyahay in sidii loo tirtiri lahaa aynnu gacan ka siino dawladda Itoobiya” waana xaal adduun iyo duni jaahwareersan!
Wasiirka Maaliyada “dadka xoolahoodii nagala cararay oo la’aaday Boosaaso oo canshuurtii Somaliland lahayd u geeyey Puntland waanu dhacaynaa gaadiidkana waanu ka gubaynaa”- wasiirku goormuu noqday ONLF
Wasiir-ku-xigeenka wasaarada Cadaalada “ Nimankan URURKA QARAN waa basaasiyiin caalamiya oo dunida kale iyagoo kale way dishaayee halla dilo”
Madaxweynaha JSL ” Mudaharaadkii Hargeysa iyo Burco ka dhacay waxaa dhigay xaasaska Xisbiga mucaaradkaa ee Kulmiye”
Wasiirka warfaafinta ” waxaan Cadde Muuse u sheegaynaa in lagu dhexdagaalami doono Garoowe iyo Boosaaso” waxaana ka xumaaday siyaasiyiintii ka soo jeeday gobolka SOOL oo la sasabayay!
Wasiirka wasaaradda gudaha ” waanu qabqabanaynaa cid alla iyo cidiii Itoobiya farta noogu fiiqdo gacantana waannu ka galinaynaa ceebna uma aragno ee dantayada baannu ka eegeynaa”
Iyo Qaar kaloo badan… iyo nabadda waxaa cadaw ku ah xisbiga Kulmiye!!!
Haddaba waxaa isweydiin mudan dawladda waxaasoo gafafihi afkeeda ka soo burqanayaan oon wax xishooda iyo wax qadarina aan u hayn shacabka ay codka ka doonayso seebaa loo siin karaa coday mar kale ku soo baxdo maadaama ay noqotay miday isaga dhexyaacsantahay mas’uuliyadaii, wadaninimadii iyo hannaankii ay dawladi lahaan jrtay. Waxaad arkaysaa tiyoo ay madaxda Somaliland ballanqaadayaan inay fulinayaan go’aammo muhiim u ah qaranimada Somaliland oo aysan waxba ka oofin. Waxaa ballanqaadayadaa ka mida ballantii Madaxweyne Riyaale uu qaaday oo ahayd inuu qaatay go’aamadii guddida dhexdhexaadinta oo si deg dega uu usoo daynayo shuruud la’aan Madaxdii URUR SIYAASADEEDKA QARAN ee isaga u qafaalanaa in ka badan 5 bilood sannadkii hore laakiin heshiishkii iyo ballanqaadkiisiiba noqdeen hal bacaad lagu lisay ceebna kuma ahan ee waa caadadiisa maantana af-hayeenkiisii wuxuu la soo shirtagay waxaad ka yalaalugooteen oo ahaa “dhuuso geel mana baaqato mana urto” waxayna daaha ka qaaday aqoon la’aanta ka jirta xaafiiska looga taliyo dalka oo horeyna abwaanka weyn ee Hadraawi uu duray farsama xumida ku habsatay qasrigii ummadda looga talinayay.
Gunaanadkii: Waxaan odhan lahaa ummadda Somaliland-neey waxaa la yidhi nin kaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la’eegaa ee waxaad maanta eegtaan nimankii xilka idiin hayay sida ay uga arradanyihiin asluubtii iyo haybaddii dawladnimo waxaadna miisaantaan jawaabtii ay dawladdu ka bixisay markii uu Faysal Cali Waraabe dhallilay booqashadii Maxadweynuhu ku tagay Jabuuti oo ay dawladdu ku soo qaadatay eraygan aan qof cali lihi isku quurin inuu meel fagaaraa ka sheego. Haddaba kooxdan caadaysatay inaysan u joojin shicib iyo cid kale-toona kana qaawan xushmadii qof weyni lahaan jiray baa maantana doonaya inay marlabaad idin yidhaahdan codkiina nasiiya aan 5 sanoo dambe idin xukumnee adinkoo og inaysan wax faa’iido ah ka keeni doonin oo xaalkooduna yahay timirtii horeba dab loo waa ee mar kale haku dhicina isla godkii shalay!!!
Wa Billaahi Tawfiiq
Qalinkii: Shueib Abdi Gabose
Toronto/Canada
gabose55@hotmail.com

TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde