Goorma ayaa Ciidankii S/L Noqday ciidankii Yuhuudda…
Goorma ayaa Ciidankii S/L Noqday ciidankii Yuhuudda, Shacabkii somalilandna ay noqdeeen Falastiiniyiin?!!!
Waxaan halkan tacsi murugo leh uga dirayaa eheladii qaraabadii iyo dhamanba shacabka somaliland dadkii ku geeriyooday dhacdadii shalay ee murugada lahayd ilahay waxan uga rajaynayaa in uu janadii ka waraabiyo dhalinyardii halkaa ku Nafwaydey, aamiin aamiin.
Intii ku dhaawacantayna waxaan ilahay uga rajaynayaa in uu caafimaad ilahay siiyo.
Marka hore qofkasta oo somalilander ahi wuxuu xaq u leeyahay in uu dareenkiisa muujiyo. Waxaase dhib noqotay ama wax lala yaabo ah markasta oo shacabku dareenkooda muujinaayo in Xukuumada ina riyaale adeeegsatoTikniko iyo baabuurta dagaalka taas oo run ahaantii u muuqata in Riyaale iyo xukuumadiisu shacabka dagaal qarsoon kula jirto. Shacabkan aan hubka sidan ee maalin walba loo adeegsanayo BEEBEEGA iyo ZUUGA miyaanu u ekayn Shacabkiii Falastiiniyiinta ee marka ay yuhuuda ku tuuraan dhagax Madfaca loogu jawaabayey??
Hadaba waxaa is waydiin mudan maxay tahay Ujeedada ka danbaysa in shacabka la laayo oo TIWAANGI loo adeegsado oo caruur iyo dumar dareenkooda muujinaya Madafiic lagu garaaco??
Hadii aan isku dayo jawaabta Su’aashaa, Xukuumada Riyaale iyo dadka ku jiraaba waa dadkii ku ababay ama ku indho dilaacsaday xukuumadii Siyaad Bare ee ku caan baxday shacab laynta cabudhinta iyo cagajuglaynta, Xukumada Ina Riyaale waxaa la odhan karaa waa dhashii ama raadkii uu Siyaad Bare kaga tagay Somaliland.
Bal imika maxay ku kala duwan yihiin Siyaad Bare iyo Riyaale? riyaale shacabka ayuu laynayaa Siyaad barena waa laynayey,Riyaale wuu Xidhxidhaya Siyaad bare waa xidhxidhayay, waxaanu yahaa wadaddiii uu ku ababay ee Siyaad bare.
Tuba tu ku ilow!!!
Xukuumada Riyaale 7 sano ayay Hargeysa ka talinaysay Todobadaa Sano Hargeysa biyo la’aan ayay ahayd maanta markiii shacabkii nayaayir iyo rajo gashay in ay biyo helidoonan ayaa la yidhi horta idinku sii haraadanaada, reer awdal ayaa idinka horeeyee, Taasna macnaheedu maxay tahay?? Akhristayaash ayaan uga tegayaa jawaabta…
Cali Kayse
Calikayse@hotmail.com
Holland

TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde