Fadeexad: Warbixin Dhab Ah Oo Ku Saabsan Halka Riiga Loo Waday
Fadeexad Ceebey Tacaal:WAR BIXIN DHAB AH OO KU SAABSAN HALKA RIIGA LOO WADAY
Warar rasmi ah oo soo baxaya lagana heleyo ilO XOG-OGAAL AH ayaa xaqiijinaya in amarka wareejinta Riiga ka qodayay ceelasha Koonfurta Hargeysa uu lahaa M/weyne Riyaale isaga oo rabay in uu ceelal u qodo Beer uu dhawaan ka iibsaday Magaalada Boorama Riyaale Kaahin .
Beerta iibsigeeda oo dhawaan uu gatay Mr Riyaale ayaa uu ka iibsaday nin caana oo laga wada yaqaan Magaalada Boorama lana yidhaa UURDOOX ,Beerta ayaa ku taala deeganka Camuud waxayna ku dhegsan tahay kuna xigtaa beerta ay leeyihiin reer Barkhad Aden waa Marwada Riyaale reerkoodee ama Sodogii Riyaale.
Amarka wareejinta iyo in mudaddaa uu uga faa’idaysto Riyaale Riiga beertiisa ayaa waxa uu u xilsaaray Wasiiradda Macdanta Beeraha Mayer ka iyo Badhasaabka Hargeysa.
Wararka ayaa intaa ku daraya ka dib markii ay dadku ka gadoodeen falkaa ay ku kacday Xukuumada Riyaale iyo in Riigii loo wareejinayo Beertaa Riyaale ayay Kooxdii u xilsaarnayd wareejinta iyo qodista beertaa uu dhwaan iibsaday Riyaale ku sheegeen in qalab farsamo oo maqan awadeed riiga loo wareejinayo sii uu hawshiisa u sii wato Deganka Gabiley taas oo ah war aan sal iyo raad lahayn dadka reer Gabiley waxba aan loo wadin ee ay ahayd uun in beerta uu Riyaale kaahin iibsaday uu riigu u qodo ceelal.
Arintan ayaa ah fadeexad soo baxday waji gabaxna ku noqon doonta maamulka uu raagadiyey musuqmaasuqa iyo boobka hantida ummadda ee uu caadeystay , taaso oo taageeradii liidatay ee uu haystay markii horeba Maamulkan Musuqmaasuqa ahi isa sii kaba raacinaysa.
Hadaba waxaa ayaan daro iyo nasiib daro ah in umad dhan laga door bidaayo nolosheeda lagana jecel yahay beerta RIYAALE IIBSADAY EE BOORAME.
Subxaana Laah
Oday Maxamed
waryaa@live.com

TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde