OPINION

Cambaarayn

Horta marka hore waxaan ku bilaabayaa salaanta islaamka Asalaama Calaykum, waxaan aad iyo aad uga xumahay runtiina ah wax laga xumaado arintan Ambalanska ee isbaarada Hargaysa loogu dhigtay ee waliba nin wasiir sheeganaya inta uu gobal ka wareejiyey siiyeyna gobal cusub oo hadeer la magacaabay oo waliba ku darsoo isaguna ka soo jeedo. Soomaalidu waxay tidhaahdaa Dabkii waa hore ku gubay danbaska waa laga guraa, haduu markale ku gubane adiga iyo doqonimadaa. Waxaan soo jeedinayaa in dadka reer sanaag ka tashadaan dawladan fadhiidka ah ee caqligeedii iyo awoodeedii isugu gaysay isku dirka beelaha walaalaha ah walow aanan garanayn waxa ay ka faa’iidayaan.

Hadaba waxaan u soo jeedinayaa dada reer sanaag inaanay doodoodu noqon ambalanse laga qaaday ee ay noqoto in raaligalin iyo wasiir ku sheegani shaqada isaga tago. Sanaag waa gobolka ugu balaadhaan S/L waa gobal qaniya wax walba leh iskuna filan war xitaa jiritaanka S/L baa ku xidhan gobalkan inagoo taa ka anba qaadayna waa in aynu xuquuqdeena helnaa ileen wadanku Hargaysa uun maahee dadka caamada ah ee u haysta in

wadankan laga xumo hargaysa bal hargaysa ha is xukunto.

 

Baaqan waxaa soo saaray Mujaahidiintan kala ah

Muj. Mohamud M Abdi (Farabadane)

Muj. Saeed Jabril dhunkal

Muj. Ismail Xayraan

Muj. Cabdi Hassan (hayd)

Muj. Abdiraxman Cali cigal (dhigdhigo)

Muj. Ibrahim Nur madoobe (Jirde)

Muj. Mohamed Aar (Saxardiid)

Muj. Ahmed Abdullahi (Kameli)

Muj. Jama Dualeh (Xayte)

Muj. Gamila A Mohamed

Muj. Ibrahim Abdiraxman (sh saciid maydh)

Muj. Khaire Abdullahi Awil

Muj. Muuse Dawaare

Wabilaahi towfiiq

USA, Minnesota.

Mohamud Abdi


TOP

135 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008