Cali Geedina arkayaw Riyaale nin ka maamul xun la arki mayo
Cali Geedina arkayaw Riyaale nin ka maamul xun la arki mayo
Beribaa aniga oo jooga demada Bali khayr ee ka tirsan gobolka togdheer waxa ciidamo halkaa joogay loo bedelay nin magaciisa la odhan jiray Cali geedi oo laga keenay magaalo tukub la yidhaah do oo gobolka sanaag ka tirsan, ninkaas oo markii hore ahaa laba xidigle ayaa xidigtiisii sadexaad helay marki uu gubay degaan ka tirsanaa gobolka sanaag oo ay ku jirtay tuuladaa tukub, markii uu helay xidigtii sadexaad ba waxa taliye urur looga dhigay ciidamo ku sugnaa demada Bal Khayr/Bali dhiig.
degmadaas waxa inta aan ka warqabo soo maray sadex taliyo urur mudadii aan anigu ku sugnaa waxa ka kala ahaayeen:-
Siciiid Dooob – dhulbhaante
Kabtan xiiray – Hawiye (Habar gedir)
Cali geedi – (Madhibaan) waxa uu se sheegan jiray Hawiye.
Siciid Doob waxa uu Degmadaas taliye urur ka ahaa xiligii uu socoday dagaalkii beelaha derkiska ah ee habar jecelo iyo dhulbhante, waxa uuna si toosa uga qayb qaatay dagaalkaas isaga oo adeegsanaya ciidankii qaranka ee fadhiyay Balidhiig si aad u xasuusataan Siciid doob waxa uu ahaa ninkii galay tuulada maalintii labada Jiib iyo Beebayga lagala hadhi jiray. Waxa kale oo in la xasuusto mudan waxa uu ahaa Siciid Doob ninkii qabtay tobankii wiil ee laga qabtay madheedhka ceel madoobe ee markii danbe lagu dili jiray magalada Burco, maalintaas uu qabtay waxay ahayd maalintii xabashidu ku jabtay degmada Balidhiig.
Kabtan xiiray mudo dheer ma haysan xilka taliye ururka degamadaas waxa uu aha nin ciidamada meliteriga aad ugu raagay hasa yeeshee aan wax dalacaada ah la siinin run ahaantiina kama uu yarayn da ahaan Siciid Doob, lakin mamul ahaan mudadadii gaabnayd ee uu xilkaa hayay aad buu uga duwanaa, kabtan xiiray waxa uu ciidankii ku soo rogay in lixda galabnimo waxii ka danbeeya aan lagu arki Karin nin ciidana magalada dhexdeeda taas oo runtii ciidamda aad loogaga raystay madama ay dadka tacadi wayn ku samayn jireen. Kabatan xiiray weli lama arag isaga oo gashan dhar aan ahayn yuniforka ama derkaska ciidanka.
Markii la bedelay Kabtan xiiray waxa samada laga soo riday nin la odhan jiray Cali geedi oo aan Rabbi iyo ragtoona aqoon, ninkaasi markiiba waxa uu bilaabay in uu is muujiyo waxa bilowday in ciidamadii gaadhaan dhul markii hore aanay gaadhi jirin oo miyiga ah, waxuu qabtay shirir is ku xiga oo uu u qabtay dadkii degaanka ahaa,ninkan oo marka uu hadlaayo hal hays u lahaan jiray “Allow ma kula taliyay, Allow ma hadalo cad cadahay, Bal qabsoo alla nacaskama dhigee”. Waxuu bilaabay in la joojiyo gawaadhidii magalada balidhiig xaga hawdka u sii dhaafi jiray,waxa batay kufsigii cidamadu ay ku fara xumaynayeen dumarka degaanka oo runtii aad u yara mudadii ay joogeen Siciid doob iyo Kabtan xiiray, (Xilgii Kabtan Siciid doob ayaa maalin maalmaha ka mida nin askariya ayaa dilay gabadh degaanka ahayd ka dibna waxa dhacday in ninkii askariga ahaa inta uu meel uu u dhaqaaqo garan wayay in uu isaguna is dillo waxan xasuustaa, Siciid Doob waxa uu noo soo diray rag askara oo nala aassa gabadhii oo xabaasha gabadha nala qoda, ninkiina askariga ahaana waxa uu u ku amray ciidankii in aan lana maydhin lana kafmin ee lagu aaso xataa kabihiisa, taas oo runtii aan Siciid Doob uga qaatay maadama uu yahay nin meesha uu ka soojeedo la garanayo in aanu xaragada ka tegin, lakin mudadii Cali geedi joogay arintaa fara xumaysku aad buu u kordhay, waxa kale oo batay weeraradii ciidamada xaq u dirirka SNM ay ku soo qaadayeen degaankaas, maadama ay ka jirto dhibaato lagu hayo shacabka, SNM waxay bartilmaameed ka dhigtay Degmada balidhiig taas oo weeraro is daba jooga ay ku soo qaaday jirtay.
Waxa aan xasuustaa malin maalmaha ka mida ah ayuu shirirkiisi joogtada ahaa waxa uu Cali Geedi agende uga dhigay arinmo cusub oo dadkii fajac hor leh ku noqday oo ay ka mid ahaayeen
in dumarka SNM tu ay u banaan yihiin Ciidamada qaranka, isaga oo arintaa doonaya in diinta islaamka daliil uga helana waxa uu keenay Mid ka mid ah askartii kas oo yidhi maadama “maadama ay SNM dagaal ku soo qaadayso wadankii oo ay fadhiisino ka dhigteen wadan gaalo ah diitntii way ka baxeen oo way ridooobeen hadii ruuxu ridoobana xaaska uu qabaa way ka furmaysaa, arintaas waxa gaashaanka u daruuray Ilahay haw naxaruustee Sheekh ka mid ahaa dadki degaanka oo la odhan jirya macalin Siciid oo askarta iyo maamulka Cali geediba ku sheegay gaalo isaga oo daliishanaya ayaadka sadexda ah ee ku jira Suurtul Maa ida, (WA MANN LAMM YAXKUM BIMAA AN SALALLA LAAHU FA ULAA IKA HUMUL KAAFIRUUN, FAASIQUUN DAALIMUUN, OO MACNAHEEDU YAHAY CIDII AAN ISKU XUKUMIN WAXII ILAHAY SOO DEJAYAY WAA GAALO, WAA DALIMIIN, WAA FASIQIIN) arintaas oo Cali geedi af xidhay oo meel uu ka maro wayay, dabeedna waxa uu ku af gobaadsaday sheekha (askarigii uu yidhi hadal) baa arinkaa iga sheikh ah.
in dad degaanka u dhashay uu ka masaafurinayo degaanka, arintaas oo si wayn uga cadhaysiisay odayaashee degaanka waxa iska daba hadlay laba oday oo magacyadooda la kala odhan jiray Mahdi Calas iyo Dhiidhi oo ka mid ahaa odayaasha degaanka (ilahay haw naxariistee - wallow aanan geeridooda maqal) hadalka waxa ku horeeyay Mahdi Calis oo yidhi bogcadaa (waa balidhiig) waxa igu xukumay Ingriish, Ethiopian, Somali, mahdi waxa uu yidhi Walahay oo bilaahay nin kaa maamul xun ma arag hadii aad tahay Cali geedi, Cali geedi aad buu uga cadhooday hadalkaas waxanna uu yidhi fadhiiso qudhurun yahaw, Dabadeed waxa kacay DHiidhi, dhiidhi waxa uu yidhi reer magaalaha waxan ka maqlay laba arimood INA KAL WAR WAREEJI iyo MAY AFGARATAY, taas qudheedu Kama faxin Cali geedi dabadeed waxa uu yidhi sidii u odaygii hore ku yidhi.
.in hadii xabad lagu soo rido ciimada qaranka in uu qaban doono 500 oo halaad, taas oo gaashaan kaga dhiganay in weerada SNM ee balidhiig ku aadani yaraadaan lakin runtii keentay in ay ka kordhaan.
Araartaa dheer ka dib aan u soo noqdo xukun kumada Daahir Riyaale. Mudadadaa lixda sano ku dhaw ee uu xukunka hayay Daahir Riyaale weli shacabku kumay arkin wax dhegahoodu ku farxaan, xumaantisuna waxay ahayd mid dalka iyo dadka ku joogta ah markaa waxan la yaabay tolow miyaanu mis qaaladarati ilahay ha ka dhegee miyaanu wanaag lahayn bal markaa aan liis gareeyo xumaanta uu gaystay mudadii uu xilka hayay ee dadku ka doorsadeen in aanay dhulkooda mar labaad in aanay quri qaadan ilaa iminkana ilahay ka bar yayaan in uu nabad kaga gexeeyo. Dadka maqaaalkagan akhriyi doonana waxan ka codsanayaan in ay bal ii soo sheegan daahir riyaale hadiiba uu wanaag lee yahay wanaagaasi waxa uu yahay.
Daahir Riyaale markii uu qabsaday ayaamo yar ka dibba waxa uu bilabay in uu duubcas isku wareejiyo (waxa uunna noqday madaxwaynihii ugu ilaalada badnaa taas oo lumisay in wadanku madax Civil ah yeesho oo aan qoryo iyo duubacas wadan).
Mudadii uu xilka hayay Musuq maasaqu waxa uu karo boqol jibaar.
Dekadii Berbara oo xidhant ahay isla markasna dadku wax kala soo degayaan Boosaaso iyada oo looga cararay cashuurta oo cirkaa isku shareertay.
Shidaalkii oo loo xidhay shirkada Total oo ajanabi lee yahay isla markaana ganacatada wadaniga ah oo loo diiday inay keen wax shiidaal ahba, taas oo dhaxal siisay wadankii sicir bararka aynu arkayno.
Gaajada iyo dhaqaala xumada oo 100% korodhay mudadadii uu xilka daahir Hayay.
Cadaalad darada oo noqotay nolol maalmeedka dadka reer somaliland taas oo keentay in ay lunto kasoonidii hayadaha garsoorku.
Hubkii uu siiyay Cadde Muse markii uu ceel afwayn joogay, hubkaas oo markii danbe loo adeegsaday qabshadii gobolka Sool.
fadeexadii gabadhii SamSam oo markii wadanka ay dheg xumo badani ka soo gaadhay ee maxakamadu xukuntay uu hadana Daahir riyaale saamaxay, suaashu waxa weeye hadii uu saamaxayo markii horaba maxaa arinta si qaboow loogu dhamayn waayay, ee markii maxakamdu xukuntay keenay in uu saamaxo?
Qabqabashadii dadka u dhashay kilinka shanaad ee dhalisay in 95 gaadhi la gubo oo dhamaantood beesha dhexe lee dahay, ragaasna markii danbe dowladu siidaysay.
af lagaadadii joogtada ahayd ee wasiiradiisu ku samaynayeen ee uu diiday in wax laga qabto, Sida Cawil, Ismaaciil yare.
Qabyaaladii, ablablayntii iyo kala durugsanaantii beelaha somaliland oo korodhay mudadii uu xilka hayay taas oo Daahir riyaale si toos ah uga masuul ahaa oo uu isagu dabada ka waday, Tusaale Daahir riyaale waxa doonayay in uu u helo cod xisbigga UDUB xiligii ay jirtay dorashadii Wakiiladu waxanu ka soo baxay Hargaysa Daahir Riyale waxa uu yimi Oodwayne isaga oon burco soo gelin dabadeed waxa uu Oowdwayne uga anbabaxay Hargaysa oo burco ma iman, waxa uu garan wayay in reer Oodwayne burcona wax ku lee yihiin taas oo ka mid ahayd tabihiisii qaybi oo xukunta ahaa.
Dastuurkii oo si joogta ah loogu tuntayto.
hadal laantiisii aanu shacabka hadalka ka dherginayn, ee inta uu debada u baxo odhanayay hawlihii guul bay ku dhamadeen.
shaqadii inta dadka muwadaniinta ah loo diido ajaanabka la siinayay
Adhigii oo loo xidhay Carab dadkii xoola dhaqatada aha baqsaya.
Kaluunkii oo nin reerkooda ah u xidhan.
Car juuqdheh oo ninki yidhaahda daahirow waad qaldan tahay xabsiga loo taxaabo, oon la egay birmagaydho, boqor suldaan, siyaasi toonaa.
NSS isku xeerka iyo isku gadaamka dad intooda badani ka soo jeedaan NSS amaba ay ahaayen dad aan sharaf ku dhex lahaan jirin xiligi dowladii siyaas barre jirtay.
Boo qashalaaanta iyo dayaca gobolada barri ka jira.
iyo wax qabad la aanta dhinac walba ah, sida Biyo la aanta, rugaha caafimaadka oo dayacan,wax barashada oo aan dammar badan lahayn ardayga dhameyaana uu suuq jog ku danbeeyaan,
gunaanad Daahir Riyaale ma jiro shaqsi ka xukun oo somaray wadanka, guud ahaana runta hadi loo hadlo mandiqada waxa uu noqon doonaa ninka ku xiga Cabdilaahi yusuf maamul xumada. Markaa suaashu waxa weeye Miyaannu Daahir Riyale wax dhegtu ku diirsataba lahayn.
Abdihakim Hersi

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Mohamed Yonis Awale
Laanta Norway, Kulmiye
Maxamed Baashe X. Xasan
Guddida Fulinta UK
Cabdiraxman Maxamed
Axmed Xirsi Madar
Cabdale Farah Sigad
Ahmed Dahir Elmi
By Sagal Say Wallahi
Ahmedweli Goth
Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK
Ahmedweli Sh. Omer
Mohamed A. Awale
Jaamac Cabdillaahi Suleymaan
Muse Qodaal
Hamud Duale
Mohamed Farah
Abdulaziz M. Al-Somali
C/laahi axmed jama (dhiidhaa
MORE OPINIONS ›
TAHNIYAD »
Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE
HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur