Geedbaa wuxuu yidhi “gudinay imaad goyseen hadaan badhkay kugu jirin”
Geedbaa wuxuu yidhi “gudinay imaad goyseen hadaan badhkay kugu jirin”. Waxaan uga jeedaa cid kasta oo meel degan lagama waayo caade qaate iyaga ka mida oo cidaad is Geedbaa wuxuu yidhi “gudinay imaad goyseen hadaan badhkay kugu jirin”. Waxaan uga haysaan kasoo hormara, tanna taas ayuunbay la mid tahay. Muxuu Maayar Jiciir ku keenay in uu soo hor kaco ciidan oo yidhaa anigaa libaax ah oo soo qaadaya riiga ee ii banneeya!!! Aadan Dhoolayarena intuu isleeyahay cid waji ka samayso ayaa waxa uu baabi’inayo iyo wixii kale aanu kala saari karin. Waryaa Alla yaqaan oo naga qabta?!!
Waxa hubaal ah in caasimadda dhan ee wadanku ay tahay magaalada ugu biyaha yar ama aan idhaahdee haraadka loogu bakhtiyay. Tii ayaa hadda dad badani waxoogaa rajo ah heleen kadib markii riig loogu deeqay si ay uga baxaan biyo la’aantan daashatay. Riyaale iyo inta hoos joogta ayaa sidii hore loogu yaqaanay haddana damac ka galay riigii oo ay dooneen si ay dib ugu soo ceshadaan, go’aankii hore ee ay ku bixiyeena waxay u arkeen mid khalad ahaa oo ay ku degdegeen. Horaa Soomaalidu ugu maahmaahday “CEEBTAY MAAHEE WAA CAADADAY”. Qofku marka uu bilaa damiir noqdo waxan iyo wax kasii xumiba waa ka suuroobaan. Mar ay xoolaha umadda booli ku cunaan, iyo mar beelaha walaalaha ah iska horkeenaanba.
Ina Riyaale waxa uu hore u sheegay mar uu waraysi bixinayay in mudaharaad danbe aanu ka dhici doonin magaalada Hargaysa hase yeeshee waxaanu ogayn in ragii soo gubay dawlad faqashtii uu ka midka ahaa ay wali dhulka dushiisa joogaan ama kuwii dhabarkooda kasoo baxay oo kartidii mujaahidiintii hore wataa ay hadda baarqabyo cusub yihiin biyona u kabanayn dhawrkan taagta daran, waayo Soomaalida ayaa tidhaa “WAX AAD SHARCI KU HELI WAYDAY SHANTAADAA LAGU HELAA”. Gacan ayaa wax lagu fahansiinayaa wixii sharci iyo garaad wax ku fahmi waaya.
Badhisaabka gobolka Hargaysa Mudane Cali-Asadna waxaan leeyahay waxa lagaa sheegayaa inaad hadallo deelqaaf ah kula kacday dadkii xaq u dirirka ahaa, ee godob haka gelin dadkaa, ogawna in dadkani ay yihiin dadkii sababta u ahaa inaad maayar ka noqoto caasimadda Hargaysa xilliyadii dagaalada sokeeye laga soo noqday abaal wayna ay kugu leeyihiin. Markaa ama iska aamus maadaama aanay arintani adiga ku qusayn oo wasaaraddii ay qusaysay meesha joogaan ama garab istaag dadkaa xaq u dirirka ah oo xaqooda la raadi.
Ugu danbayntii, waxaan u sheegayaa dadka reer Hargaysa, gaar ahaan dadka la doonayo in xaqooda la duudsiyo in aydaan dhegaysan hantaataca iyo iska hadalka kuwa isku sheegaya inay idin metelaan. Dhegaha ka furaysta, haddii ay ka fursanwaydona gacan kaga shaqeeya ilaa ay wax fahmayaan. Inta kale ee Hargaysa degtana waxaan leeyahay ogaada in tan iyo mid ka xumiba dhici karto, markaa yaan la yeellin wixii deelqaaf ku ah ummada reer Somaliland.
Ilaahay ha u naxariistee Nuur Fadal ayaa gabay uu tiriyay waxa ka mid ahaa:
Ladnaantiyo nimcadu uunka way wada luggoyaane
Lixdan anigoo jira tashiga laydha iga raacye
Iminkaan ladhkiisii hurdada led iska waayaaye
Nimankaan lo’daydii casayd laanta ugu duugey
Nimankaan dukaamada lukiyan laba laba u siiyey
Wax la liqiyo xoolaba ragaan uga laxaad yeelay
Ee lacagta jeebka ugu guray lohonlohii caydha
Hadday aniga leebkiyo warmaha ii lisanayaane
Hala iga raali noqdo gabayga dhacdadan ayuunbaan usoo qaataye.
C/raxmaan Xasan Nuur
Islamabad, Pakistan
Islamabad, Pakistan.

TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde