Wararka Wargeyska OGAAL, Axad, 06 July,
Nuxurka Kulankii saacadda iyo badhka qaatay ee Madaxtooyada
Heshiis M/weyne Rayaale iyo Ganacsatada
Xooluhu xalay ka gaadheen Dhoofka Xoolaha
Hargeysa (Ogaal)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Ganacsatada Xoolaha dhoofisa ee ka cabanayay heshiiskii Xukuumaddu dhoofka Xoolaha ugu keliyaysay Ganacsadaha Al-Jaabiri, ayaa xalay kulan gaar ah oo albaabadu u xidhnaayeen ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada.
Inkasta oo cabasho Xoog leh oo xidhiidh ahi ka taagnayd xakamaynta Ganacsiga dhoofka Xoolaha, tan iyo intii Xukuumaddu heshiiskaa gashay, haddana waxay marba-marka ka dambaysay xaaladdu u soo ekaanaysay mid ka sii daraysa oo si baahsan u saamaysay nolosha bulshada. Mar kale ayay ganacsatada Xoolo dhoofintu Buunka afuufeen oo qaylo af labadii yeedheen. Waqti adag oo sicir-barar xoog lihi aafeeyay qiimihii daruuriyaadka ayay tani ku soo beegantay. Isla markaana cidhiidhi dhan kasta nolosha bulshada ka cabudhiyay ayaa loo arkaa inuu horseeday in si baahsan bulshadu u karahdo heshiiskaa Xukuumaddu ay ganacsiga Dhoofka Xoolaha kootada ugu xidhay Ganacsadahaa Sacuudiyaanka ah. Wefti Ganacsato Sacuudiyaan ah oo Somaliland u yimi in loo ogolaado inay si xor ah ugu tartamaan Sayladaha iibka Xoolaha, balse aan la noqon natiijo cad, ayaa sii shiday Caroogga kooto-diidka ah ee Ganacsatada Dhoofka Xooluhu ay afuufayeen, kaas oo u muuqda inuu kaxaystay kalsoonida Bulsho-weynta. “Neef 12 Kiiloo ahi Gadbad ma goynayo” sidaa waxa yidhi Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi oo Waraysi uu dhawaan siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ku sheegay in Miisaanka Xoolaheenu ay aad u yar yihiin, oo aanay goyn karin Gadbad Bariis ah. Wasiirku waxa kale oo uu intaa ku daray, inaan loo joojinaynin dadka qaylinaya ee ka cabanaya xorriyad-ka-qaadka ganacsiga Dhoofka Xoolaha. Weedhaha Wasiirka ayaa dadka Luuqadda Siyaasadda fasiraa ku tilmaameen qaar sii kala durkinayay Xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo Shacbiga ay hoggaamiso ee baaxaa-degga noloshoodu ku jirto. Sidaas darteed, wuxuu Mooshinkani noqday mid dariiq kasta iyo goob kasta oo ay Bulshadu ku kulantaba dooddiisu ka taagan tahay. Isla markaana ra’yul-caamka Bulshadu isweydiinta ugu wayn ee ay isweydaarsanayeen maalmahanba waxay ahayd, “Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisu ma dhego adayggii hore ayay ku sii socon doonaan, mise waxay maqli doonaan dhawaaqa Bulshada baahan ee ay Madaxda u yihiin?”
Dhinaca kale, Ganacsatada Xoolaha ee kooto-diidka ah ayaa iyana loo arkaa inaanay ka madhnayn isweydiintaasi. Hase yeeshee, waxay sii wadeen dalabyadoodii, isla markaana waxay kulankoodii u dambeeyay ku yeesheen shalay gelinkii dambe Hotel-ka City Center ee badhtamaha Magaalada Hargeysa. Siday tibaaxeen warar laga soo xigtay ilo Xog-ogaal ahi, kulankaas waxa ka qayb galay Ganacsato dhawr iyo Afartan tiradooda lagu sheegay. Isla markaana ganacsatadaasi waxa la sheegay gebogebadii kulankaas inay isla qaateen, inay ku kala noqdaan Gobollada dalka oo ay ka kala yimaaddeen, isla markaana ay Xoolaha u soo dhaadhiciyaan Dekedda Berbera oo aanay dib uga laabanin. Ma jiro war toos ah oo Saxaafadda loogu talo galay oo kulankaas laga soo saaray, hase ahaatee siday Wargeyska Ogaal u sheegeen ilo Xog-ogaal ahi, kulankaas oo dhammaaday 6-dii Makhribnimo ee shalay, waxay ganacsatadu iskula qaateen go’aamo adag. Laakiin, waxay u eg tahay in fulintoodii farriin kale ka hor timid. Siday ilahaasi tibaaxeen, dhammaadkii kulankaa ka dib, waxa Ganacsatada u tegay Boqor Cismaan Buur-madow oo dhexdhexaadin kaga jiray deminta xiisadda. Inkasta oo aanu xalay fiidkii khadka Telefoonka kula xidhiidhnay xubno ka mid ah Ganacsatada kooto-diidka ah, haddana may suurogelin inaanu helno cid aanu dhacdooyinkan cusub ee soo kordhay wax ka waydiino, Telefoonnadooda oo xidhnaa dartood. Hase yeeshee, ilo kale oo xog-ogaal ah ayaa Ogaal u sheegay in Boqor Buur-madow uu ganacsatada gaadhsiiyay farriin xagga Madaxweynaha ka timi oo xambaarsanayd yeedhmo. Ilahaasi waxay intaa ku dareen, in markaa ka dib guddiga Ganacsatadu ay iska xaadiriyeen Xarunta Madaxtooyada fiidkii hore ee xalay, isla markaana uu Madaxweyne Rayaale la yeeshay kulan qaatay qiyaastii muddo saacad iyo badh ah. Siday tibaaxeen warar laga soo xigtay ilo ku dhawdhaw Madaxtooyadu, Madaxweyne Rayaale wuxuu Guddiga Ganacsatada u qaabilay si diirran oo la sheegay inay qalbi furnaani ku dheehnayd. Warku wuxuu intaa ku daray, in Guddiga Ganacsatada oo ilaa sagaal xubnood tiradooda lagu sheegay iyo Madaxweynaha aanay cid kale ku wehelin kulankaas, Boqor Cismaan Buur-madow mooyaane. Inkasta oo aanay jirin xog si rasmi ah uga soo baxday kulankaasi, haddana xogo si dadban aanu uga helnay, waxay tibaaxeen in Madaxweynaha iyo Guddiga Ganacsatadu ay heshiis hordhac ah ka gaadheen khilaafaadkii Ganacsiga Xoolaha ee sida Laxaadka leh u aloosan. Warku waxa kale oo uu intaa ku daray in Madaxweynuhu uu Ganacsatadaa u soo jeediyay inaanay ku dhaqaaqin wax nidaam-darro ah oo wax u dhimi kara Xasilloonida, isla markaana waxa kale oo la sheegay inuu u jeediyay, inay hakiyaan Xoolaha ay doonayaan inay u soo dhaadhiciyaan Berbera, kuwa joogaana ay iska Geedo-daaqaan ilaa muddo kooban oo la tilmaamay inuu Madaxweynuhu sheegay inuu go’aanka kama-dambaysta ah kaga gaadhayo xallinta arrintan. Wararku waxay intaa ku dareen, in Ganacsatada kulankaa ka qayb gashay, ay aad u soo dhaweeyeen badheedhihii uu Madaxweyne Rayaale xalay la hor ymi, kaas oo la sheegay inuu muujinayay, in Madaxweyne Rayaale uu si wayn u dareemay laxaadka mushkiladda iyo baahida nololeed ee liidata ee la deriska ah dadka reer Somaliland wakhtigan. Ilahaasi waxay intaa ku dareen in Madaxweyne Rayaale uu siiyay Ganacsatadaa ballan qaad ah, in Xoolahoodu ay si xor ah uga dhoofi doonaan Dekedda Berbera.
Kulankan xalay waxa kale oo la sheegay in layskula qaatay ballan kale oo uu Madaxweynuhu gaar ugu arkayo Isniinta saddex ka mid ah Ganacsatadii kulankaa ka qayb gashay. Isla markaana, sidoo kale waxa la sheegay in layskula qaatay ballan kale oo la xidhiidha furdaaminta kama-dambaysta ah ee arrintan oo la sheegay in wakhti kooban loogu talo galay.
Hargeysa: Natiijada kulan dhex maray Komishanka Doorashooyinka iyo Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah
Hargeysa (Ogaal)- Wefti ka socda deeq-bixiyayaasha Caalamiga ee Somaliland ka taageeraya doorashooyinka soo socda oo shalay dalka yimid, ayaa kulan ay isla shalay Komishanka Doorashooyinka Qaranka la yeesheen, waxay Soaliland ugu ogolaadeen, isla markaana ugu fasaxeen kharashka ku baxaya Diiwaan-gelinta doorashooyinka soo socda oo ay iyagu bixinayaan.
Kulankan oo shalay galab ka dhacay Xarunta Komishanka ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb galay toddobada xubnood ee Komishanka iyo sidoo kale saddex xubnood oo ka tirsan Deeq-bixiyayaasha caalamiga ah. Waxaanay labada dhinac kulankaa kaga hadleen arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin, dhaqaalaha ku baxaya diiwaangelinta Doorashooyinka iyo sidoo kale arrimo ku saabsan qaddiyadda iyo Siyaasadda Somaliland.
Kulankan ka dib oo Wargeyska Ogaal goobtii uu Shirku ka socday kula kulmay xubnaha Komishanka, ayaa waxa uu wax ka waydiiyay wixii ay ka wada hadleen labada dhinac. Xubnaha Komishanka Doorashooyinka oo u muuqday kuwo aan diyaar u ahayn inay shaaciyaan dhammaan waxyaabihii ay kala hadleen deeq-bixiyayaasha, ayaa waxa si wada-ji ah xog-waran kooban u siiyay Wargeyska Ogaal Guddoomiyaha iyo Guddoomiy-xigeenka Komishanka Doorashooyinka. “Waxaanu isla garanay oo ay noo fasaxeen, noona ogolaadeen lacagtii iyo kharashka diiwaangelinta. Wada hadallo ayaana wali noo socda, shirkayaga maantuna taas ayuu u badnaa.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kaba-weyne).
Guddoomiye xigeenka Komishanka Mr. Cali Maxamed Cabdille (Biikalo), ayaa isna ka hadlay ujeedada socdaalka Weftigan iyo waxyaabihii ay kaga wada hadleen kulankan. “Horta kulankayagan maanta (shalay) waxaa ka qayb galay toddbadayada xubnood ee Komishanka. Kulankani wuxuu daba socday safarkayagii Nairobi oo aanu isku soo aragnay deeq-bixiyayaasha, ballan baana noo dhaxeeyay ahaa inay noo yimaaddaan.” Ayuu yidhi Guddoomiye xigeenku.
Mar aanu waydiinay waqtiga ay filayaan inay lacagtaasi soo gaadho, ayaa waxa uu guddoomiye-xigeenka Komishanku ku jawaabay, “Arintaasi way dhamaatay oo imika way dhan tahay.”
Waxa kale oo uu Guddoomiye-xigeenku ka hadlay waxyaabaha kale ee ay ka wada hadleen deeq-bixiyayaasha. “Kollay waxa kale oo ay inaga caawinayaan arimo siyaasadeed oo waxyaabo badan la iska waydiinayaa. Tusaale ahaan, waxaan kuu sheegayaa inay aad ula dhaceen oo ay ugu qanceen heshiiskii ay Axsaabta Qaranka, Xukuumadda iyo Komishanku gaadheen iyo jawaabihii ka soo baxay. Wixii hadda ka danbeeyana waa mid la eegayo tallaabooyinka aynu qaadayno oo iyana qiimayntooda leh, loona baahan yahay in is-fahamkaa la soo dhiraan-dhiriyay la isla meel dhigay halkaa laga sii wado, oo aan muran danbe iman. cid kasta oo danaynaynaysa qaddiyadeena iyo dimuqraadiyadeenuna waa mid ay eegayaan hadba sida uu u socdo isfahamkaasi.” Ayuu yidhi Mr. Cali Maxamed.
Guddoomiye-xigeenka oo sidoo kale ka jawaabayay su’aal nuxurkeedu ahaa, waqtiga ay bilaabayaan hawsha Diiwaangelinta Doorashooyinka oo fadhiid ahayd, ayaa waxa uu yidhi, “Wixii ay sharciyaddu na farayso iyo arrimo farsamo wixii aan ahayn, hadda laga bilaabo waxaanu gudo galaynaa arimihii diiwaan galinta, shaqadiina way bilaabmaysaa.”
Mar aanu wax ka waydiinay muddada ay Weftigan Deeq-bixiyayaashu dalka ku sugnaan doonaan iyo cidda kale ee ay la kulmayaan, ayaa waxa uu Guddoomiye xigeenka Komishanku ku jawaabay, “Madaxweynaha, Axsaabta iyo Masuuliyiin kale oo dawlada ka tirsan ayay la kulmayaan, waxayna dalka ku sugnaanayaan muddo saddex maalmood ah.”
Weftigan Deeq-bixiyayaasha waxa shalay Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa kaga hor tegay oo ku soo dhaweeyey Wasiirka Qorshaynta Somaliland Md. Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare). Waxaanu Wasiirku Saxaafadda u sheegay inuu Weftagan oo fadhigoodu yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya muddada ay joogaan ay Xukuumadda ka wada hadli doonaan qaabka loo wajahayo deeqaha sanadkan Somaliland loogu talo galay. Sidoo kale isla shalay waxay Weftagani la kulmeen Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibedda Somaliland Siciid Maxamed Nuur.
Nuxurka wada-hadal dhex maray Ajaanibka ku afduuban Laasqoray iyo eheladooda
Laasqoray (Ogaal/Cpress)- Lammaanaha Jarmalka ah ee afduubka loogu haysto Buuraleyda Laasqoray ee Gobolka Sanaag, ayaa la sheegay inay khadka Telefoonka kula xidhiidheen eheladoodii, isla markaana uga warameen Xaaladda ay ku sugan yihiin.
Sida ay baahisay Shabakadda Wararka ee Canadian Press oo soo xiganaysa Wargeyska Billaha ah ee Der Spiegel ee ka soo baxa dalka Jarmalka, lammaanahan ayaa eheladooda la xidhiidhay ka dib markii kooxaha ay u afduuban yihiin u ogolaadeen inay khadka telefoonka kula xidhiidhaan Jimcihii aynu soo dhaafnay.
Lammaanahan ayaa la sheegay inay eheladooda uga warameen xaaladdooda. Iayaga oo u sheegay inay Xaaladdooda Caafimaad hadda wacan tahay, ka dib markii Mr. Jurgen K oo 63 jir ahi la ildarnaaday Xannuunka Macaanka. Wasiirka Arrimaha Dibedda Jarmalku ayaa Warbixintani sheegtay inuu lammaanahan u soo diray Dawooyin.
Lammaanahan oo 23 June lagu afduubay deegaanka Laasqoray, isla markaana ay kooxaha Afduubayaasha ahi dalbadeen lacag Madax-furasho ah oo dhan 2-Milyan oo Dollar. Waxaanay Warbixintan uu qoray Wargeyska Der Spiegel sheegtay in Dawladda Berlin ay xidhiidh la yeesheen Kooxaha afduubka u haysta lammaanahan Ajaanibka ah.
Dawladda Somaliland ayaa iyana ku hanjabtay inay tallaabo Milatari ka qaadi doonto kooxahan Afduubka u haysta dadkan, haddii aanay sida ugu dhaqsaha badan u soo daynin.
Bayaan ay soo saareen Cuqaasha Beesha Ciidagale
Hargeysa (Ogaal)- Cuqaasha Beesha Ciidagale, ayaa shalay ka soo saaray Magaalada Hargeysa bayaan ay sheegeen inuu ka soo baxay Shir ay yeesheen.
Bayaankaasina waxa uu u dhignaa sidan;
“Anagoo ah Cuqaasha Beesha Ciidagale, waxaanu halkan si kooban ugaga hadlaynaa hadalo beryahan dambe ku soo baxayey Warbaahinta dalka, kuwaas oo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo rag kaleba ay caadaysteen ku celcelintooda. Waxaanu halkan cid walba ugu caddaynaynaa in haddaladaa Suldaan aanu nagu metelin, beesha uu ka soo jeedana afkeeda iyo rabitaankeeda aanu ku hadlin, wakiilna aanu nagaga ahayn ee fikirkiisa u gaarka ah ee shaqsinnimo uu ku hadlay. Waaxley iyo Wadda-bariis daayoo, taako Deegaanka Beesha ah ayaanan cidna u ogolayn.
Beesha Ciidagale way shirtay, waanay tashatay oo waxay dhammaanteed isku raacday gudo iyo dibed, Miyi iyo Magaalo, yar iyo wayn, rag iyo Dumarba inay xaqeeda iyo xuquuqdeeda doonato, gobolkeeda Gaaroodi-na ay raadsato, isla markaana sharafteeda, karaamadeeda iyo dhulkeedana ay ilaashato. Taas oo aanay Beeshu cidna u daba fadhiisanaynin oo ay heegan u tahay arrimaheeda guud ee u gaarka ah.
Gobollada dalka iyo degmooyinka bixintooda iyo kala xadayntooda waxa u xil saaran Dawladda, cid kalena xaq uma laha inay tidhaahdo Gobol hebel wuxuu xukumaa meel heblaayo ilaa meel heblaayo. Gobolka Hawd iyo kuwii kale ee la bixiyayba hore ayaanu ugu hambalyaynay, imikana waanu u hambalyaynaynaa. Laakiin, waxaanu u sheegaynaa Xildhibaan Mataan iyo cid kasta o la fikir ah inay ku ekaadaan Gobolkooda, iskana dhaafaan riyada Waaxley ilaa Waddo-bariis.
Beelaha Somaliland waxay dhulka u degaan qaab beelaysan oo ay raalli ku kala yihiin, kuna caano maaleen, waana in beel waliba deegaankeeda maamulataa, ama gobol ha u noqdo ama degmo ha u noqdo, ama ha u yaraado ama ha u waynaado’e.
Haddii aanu nahay Cuqaashii Beesha Ciidagale, waxaanu Suldaanka u soo jeedinaynaa, kulana talinaynaa in uu u hogaansamo kuna dhaqmo nidaamkii iyo Xeerkii soo-jireenka ahaa ee Beesha u yaalay muddada dheer, kaas oo Suldaanku leeyahay Guddoominta talada Beeshu go’aansato. Ta kale, waa in uu Suldaanku ixtiraamaa go’aamadii uu la qaatay beeshiisa, fuliyaana rabitaanka Beesha uu Suldaanka u yahay. Waana inuu joojiyaa haddallada xaalad-abuurka iyo kicinta ah ee uu ka dhex wado beelaha walaalaha ah dhexdooda, hana kala garto inuu wax dhisayo iyo inuu wax duminayo”
Magacyada Cuqaasha soo saaray Warsaxaafadeedka:
Caaqil Xasan Badmaax Maygaag
Caaqil Cabdiwali Jaamac Cabdi
Caaqil Iid Jaamac Cawaale
Caaqil Axmed Cismaan Cadda-gude.
Caaqil Xuseen Aw-Xirsi Askar Waraaba-cadde.
Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar
Caaqil Maxamed Cabdilaahi Maxamuud
Caaqil Maxamed Axmed Guun
Caaqil Muxumed Maxamed Aw-Cabdi
Caaqil Axmed Cabdilaahi Faarax
Caaqil Mawliid Malow Nuur
Caaqil Iimaan Mooge Dhooy la’
Caaqil Maxamed Xasan Cabdi
Caaqil Ibraahim Axmed Cabdi
Caaqil Siyaad Yuusuf Maxamed
Caaqil Cumar Cabdi Axmed Tudhe
Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir
Caaqil Ibraahim Cilmi Diiriye
Caaqil Khadar Maxamed Axmed
Caaqil Cabdilaahi Yuusuf Kabadhe
Caaqil Cali Jaamac Kaahin
Caaqil Cawil Maxamed Fiiqle
Caaqil Maxamed Aw Jaamac
Caaqil Cismaan Muxumed Xaawis
Caaqil Cabdi Maxamed Cumar
Caaqil Maxamed Xirsi Dawri
Caaqil Cali Maxamed Xuseen
Caaqil Maxamed Badeed Guuleed
Caaqil Rashiid Cabdilaahi Faajeer
Caaqil Aabi Xasan Cabdi.
“Rayaale wuxuu ka dhigan yahay Boqoradii dadka gaajoonaya tidhi may Keeg cunaan!”
Xildhibaan Qabile
Hargeysa (Ogaal)- “Muddo badan ayaynu doonaynay in aynu helo marin iyo sidii aynu Caalamka xidhiidh maal-gashi ula samayn lahayn, taana waxaad moodaa in siyaasada ganacsi ee dalka ee koboca lala doonayay, in ay meel kaga dhacday Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Madaxweyne Rayaale go’aanka uu qaatay, oo niyad jabiyay dadka, in Wefti balaadhan oo sharaftaas oo kale leh sarajooga lagula hadlo. Kuwaas oo weliba marti-qaad ka helay Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Xanaanada Xoolaha.” Sidaa waxa yidhi xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka tirsan Golaha Wakiillada shalay ka hadlay Wefti Ganacsato Sucuudiyaan ah oo dalka booqasho gaaban ku yimi iyo muranada ka aloosan heshiiska Xukuumaddu kootada ugu xidhay dhoofinta Xoolaha Somaliland.
Xildhibaanku waxa uu xukuumadda ku tilmaamay mid ku tumatay danihii dhaqaale ee Shacbiga, isla markaana dhagaha ka furaysatay waanooyinkii loo jeediyay. “Waxa jiray heshiis aan heshiis Qaran noqon oo lala galay Ganacsadaha Carbeed ee Al-jaabiri, oo Xoolahana kooto loogu xidhay, manuu ahayn heshiiskaasi mid Golaha Wakiillada horyimi (la hor keenay). Waana xilka iyo waajibaadka Golaha Wakiillada heshiis kasta oo ay Xukuumaddu soo gasho ama ha noqdo mid Maaliyadeed ama nabadgalyo waxa ay ansax noqonayaa marka Golaha Wakiiladdu ansixiyo.” Ayuu yidhi Xildhibaan Qabile. “Wasiirka xanaanada Xooluhu wuxuu yidhi ninka Reer Miiga ahi afar neef ha isku soo xidho, si uu ugu iibsado Gadbadii neefku u go’ayn jiray awal, hadalada caynkaas ahi isaga oo ku hadlaya afkii Xukuumadda may ahayn in uu maqashiiyo dadkii uu masuulka ka ahaa. Waana arrin layaab leh.” Ayuu yidhi Maxamed Faarax Qabile, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Xukuumadu Waxay meel kaga dhacday sharaftii iyo caqligii ummada reer Somaliland ee khibrada dheer u lahayd iib-gaynta iyo suuq u soo helida Xoolaha nool. Waxaana loo diiday ganacsatadii in ay dhoofiyaan Xoolihii……Rayaalena wuxuu ka dhigan yahay Boqoradii Faransiiskee dadka gaajoonaya tidhi may keeg cunaan.” Waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay talaabo Ciidamada Boolisku ku taxaabeen Gudoomiyaha Ganacsatada dhoofka Xoolaha.
Xildhibaanku waxa uu u soo jeediyay dadweynaha iyo cid kasta oo danaynaysa nolosha danyarta in ay ka soo horjeestaan in cid gaar ah loo xidho Xoolaha, isla markaana waxa uu ku taliyay in ganacsigu noqdo mid xor ah, oo muwaadiniintu u siman yihiin.
Xog-waraysi Wakiilladu la yeesheen Maayar Jiciir
“Dadkeenu xukunkii Siyaad Barre ayay ku tababarteen markaa..”
Hargeysa (Ogaal)- Maayarka Caasimada Hargeysa Eng: Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa ka war-wareegay in uu jawaabo waafi ah ka bixiyo nidaamka xukunka deg-dega ah ee Guddida nabadgalayda Gobolka oo uu ka mid yahay ay u xukumaan dadka, iyada oo aan wax Maxkamad ah la horgeynin, isla markaana waxa uu ku dooday in dadka ay Xabsiyada u diraan ay u badan yihiin dhalinyarada dhaqan ahaan Waalidkood ka soo cawdaan.
Maayarka Hargeysa oo shalay horyimi Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiillada oo hore uga dalbaday in uu horyimaado, ayaa ugu horeyn waxa uu sharaxay wax-qabadka dawlada Hoose iyo qorshayaashooda ku talagalka mustaq-balka, isaga oo inta badan ku faanay dayactirka qaar ka mid ah Jidadka Caasimada Hargeysa, oo dhaqaalaha ku baxay inta badan dadweynuhu iska ururiyay, ka dib markii ay u adkaysan waayeen wada-xumada. Intaa ka dib waxay Guddida joogtada ah ee Wakiilladu waydiiyeen su’aalo kala duwan, oo ay ka mid ahaayeen sharciyada Guddida nabadgalyada Gobolka Hargeysa oo uu ka mid yahay u cuskato xadhiga muwaadiniinta aan Maxkamadi xukumin. “Horta Guddida nabadgalyada waxa anaga noo yimaada waalidiin ka cabanaysa carruurtooda, wax siyaasad ahna kuma lug lihin, oo anagu siyaasad cid uma xidh-xidhno.” Sidaa ayuu yidhi Maayarku.
Waxa mar labaad la sii weydiiyay Maayarka in uu ka mid yahay Guddida nabadgalyada oo Mudanayaashu ku tilmaameen mid dadka ku xukunta sife sharci-darro ah oo deg-deg ah. “Haa, waan ku jiraa Guddida nabadgalyada, xukun deg-deg ahna waanu fulinaa Laakiin, siyaasad ma galo.” Ayuu yidhi, oo uu ku jawaabay Maayarka Caasimadu, Waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya Albaabada dawlada Hoose kala baxdo Guryaha, oo cabashadoodu soo noqnoqoto inay sabab u tahay cashuurta oo aanay dadweynuhu u bixin sidii loo baahnaa. “Dadkeenu waxay ku tababarteen dawladii Siyaad Barre ee mucaaradka lagu ahaa, oo aanay cashuur siin jirin. Markaa waxaanu ugu taagi weynay tani waa dawladiiniiye cashuurta siiya. Markaa waxaanu bilawnay inaanu u digno, Makhsin ka mid ah Guriga, sida Kijinka ka qofulo, waxaas oo dhan waxba way ku qaadan waayeen oo marka aanu ka tagno ayuunbay qufulka dib u jabiyaan. Markaa inkasta oo aanu imika joojinay waxaanu xal u aragnay in Albaabka laga soo saaro, taasina waxay sababtay in aanu diiwaan-gelino Guryo badan oo aan diiwaan-gashanayn, Cashuur badanina dawlada hoose u soo hoyato.”
Moorgan muxuu ka yidhi dambiyada loo haysto?
Muqdisho (Ogaal)- “Waxaan ahaa Taliyihii qaybta 26’aad ee Ciidamadii Xooga dalka Soomaaliyeed, waxaasi waa taariikh. Hadii aniga dacwad gaar ah la ii haysto daw-bixiye ayaan ka noqonayaa wakhtigeeda iyo cidda I dacwaynaysa, hadii ay Maxkamad timaado xataa Maxkamada caalamiga ah diyaar baan u ahay, hadii cid cadaymo igu haysaa ay timaado anaa Qareen qabsanaya oo is difaacaya. Laakiin, waxaan leeyahay Soomaalidu Soomaalinimo ayay ku fiican tahay.” Sidaa waxa yidhi Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan), oo ka jawaabayay su’aalo ay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacada Codka Maraykanka ee VOA ay ka waydiisay dambiyada uu Shacbiga Somaliland ka galay wakhtigii uu Madaxda ka ahaa Ciidamadii kalidii-taliskii Maxamed Siyaad Barre 1988-kii
Morgan, su’aal laga sii waydiiyay jawaabta uu u hayo dembiyada ciidankaa uu madaxda ka ahaa iyo isagu wakhtigaa ay galeen waxa uu yidhi: “Marka qofka dambiga lagu soo oogo oo la yidhaahdo dambigaas ayaad gashay ayuu ka jawaabaa, dambi aan isku ogahay oo aan leeyahay dembigaasaan galay oo aan ka jawaabayaa ma jiro. Cidda dambiga ii haysaa marka hore waa inay soo jeedisaa,”
Waxa la sii waydiiyay oo kale sida uu u arko in dagaaladii ka dhacay Soomaaliya cid kasta oo dambi gashay la gaadhay wakhtigii la xisaabin lahaa, la baadhi lahaa, maxkamadna la soo taagi lahaa, jawaabta uu ka bixiyay waxa uu ku muujiyay shakiga uu qabo, waxaana uu markiiba eedeeyay Hay’adaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadamaha oo uu ku tilmaamay kuwo ay cidii doontaaba iska samaysato. “Human Right (Xuquuqda Aadamaha) waxaan u aqaanaa NGO lacag lagu samaysto. Soomaaliya sida Brundi iyo Rwanda wax xasuuq la yidhaahdaa kama dhicin. Soomaalidu waa dad is-wada dhalay oo isku mid ah. Markaa, waxa ka dhacay uun dagaal sokeeye. Laakiin, xasuuq kama dhicin.” Ayuu yidhi.
Soomaali tahriibayaala oo shil-baabuur ku geeriyooday
Libya, Kufa (W. Wararka/Ogaal)- Ilaa 18 qof oo Soomaali ah, ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen shil gaadhi oo Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay xuduudka u dhexeeya Suudaan iyo Liibiya.
Gaadhi ay saarnaayeen dad tahriibayaal ah, oo ka tegay agaalada Khartuum ee caasimada Suudaan, isla markaana u socday dhinaca Liibiya, ayaa la sheegay inuu dadkaa tahriibayaasha ah siday mudo bil ahayd oo safar dheer ay u gelayeen dalka Liibiya. Halkaas oo dadkaa la sheegay inuu qorshahoodu ahaa inay ka sii wataan socdaalkooda ilaa dalalka Yurub ay ku gaadhayaan.
Dadka tahriibayaasha ah ayaa isugu jiray kuwo ka tegay Muqdisho, qaybaha kale ee Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Koonfur Afrika. Waxaana shilkaa ku dhintay 18 qof, tiro kalena way ku dhaawacmeen, halka qaarkoodna ay ka badbaadeen. Dadka ka tirsan reer guuraaga Suudaaniyiina ah iyo Soomaalidii ka badbaaday shilkaas ayaa la sheegay inay iska kaashanayaan aasitaanka dadkii dhintay. Waxaana lagu aasay meel u dhaxaysa dalalka Liibiya iyo Suudaan. Isla markaana ciidamada Liibiyaanka ayaa xuduudka ka daadgureeyay dadkii dhaawacmay, si loo geeyo cusbataal. Kuwaas oo la geeyay magaalo aan halkaa ka fogayn oo la yidhaahdo Kufa. Sidoo kale 65 qof oo Soomaali ah oo ka mid ahaa 280 qof oo Soomaali ku jirtay xabsiyada Liibiya shantii bilood ee ugu dambeeyay ayaa la sii daayay. Waxaanay maxaabiistaasi sheegeen inay sii-dayntooda ku bixiyeen 800 oo dollar qofkiiba. Taasoo la sheegay inay wakiillada dawladda mbaghati halkaa u joogaa ka qaadaan dadkaa tabaalaysan.
Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde