CALOOLYOW (Gabay)
Gabaygan waxa loogu baroor-diiqayaa dhalinyarada Soomaalida ah ee Xeebaha Carabaha isku biimeeya si ay Yurub u galaan. Waxa gabyaaga gaar ahaan ku kalifay, ka dib markii uu abti u yahay oo la yidhaahdo Maxamed Jaamac Orshe (Caano) loo soo sheegay in uu ka mid yahay dhalinyarad Xeebta Libiya isku biimaynaya si ay Yurub u galaan. Ninka uu ku hal qabsanayaa waa walaalkii Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow).
Cismaanoow calooshaay belbelay sida cadaabtiiye
Anoon cudur i-kaarshaa ihayn diiday calafkiiye
Ciir ciir ayaan ahay sidaan cunay sun-ciideede
Casarkii salaaddiyo sahwiyey tii cishaha dowre
Ninkii Caano sahankuu calmaday way caddibayaaye
Haddii aan Casiiskeen Ilaah calaf dambe u laabin
Isagiyo caruurtaas camiran carabta xeebteeda
Cidla ciirsilay cararayaan cadow dhexdiisiiye
Safar bay caliqayaan ka culus buurta Ceelefweyne
Badda caratay mawjado cakiran belo calool jiifta
Cir madow daruuraha camiran danabka cawleeya
Dabaylaha cabaadaaya iyo caadka lagu meershay
Intaasoo calaamooyinoo laga cabsoonaayo
Cawo madow habeen cuurkii tegay goor cabdiba seexday
Doon caaga oon caabin karin nimanka cayntaarshey
Ee cadow maraakiib wataa daba caraabaayo
Ee meesha ay ciirsadeen ciidan kale joogo
Ee ay baddaas camalka xumi cunayso diirkooda
Nimankaas casabadood ka tegay iyo cid u caloolyowda
Inta bahalku jiidhkooda cunay ama cagaag laayey
Ee aan cid iyo ciirsi qabin dad u calool diira
Ama dawlad caadila ahoo celisa duulkooda
Caadaqaatayaashaas kursiga lagu calaameeyey
Ee aan calooshoodu nixin sida cawaan geela
Adduunyada caddaan iyo madow ceebta ina gaadhey
Cismaanoow ciddii aan ogayn waa nin ciid galaye
Casrigaynu joognee rag kale degayo caadkaas fog
Caynaanka kuwa noo hayee ceebta ina saaray
Nimankaas cawaanka ah haddaan eebbe cidhib goynin
Oon qaar caqliga maalayaa camalka loo dhiibin
Oon caydigaas cararayaa caynka lagu joojin
Oon ciidda ay garanayaan looga camal yeelin
Ma calaacal baa ii bogsiin uurka cabanaaya.
Kuwii ciidan noo noqon lahaa xuudku ku casheeye
Wixii cunugyo dhabarkooda yiil calaliyoo leefye
Intii aan cadkoodii dhamman ee rabigu caynshey
Iyagoo cidiyihii go’een oo caradu aastay
Oo marada ceeb lagu asturo calalaheed haysan
Ooy sida carsaanyada baddii calalisee tuurtay
Ee ciidan ceelka u fadhiyey taabay cunuqooda
Ee sida cawaan xoolihii ciidda lagu jiiday
Oo cagaha lagu joojiyoo lagu cajiimaayey
Oo siday dad kale cidhib tireen jeelka lagu cuuray
Cay iyo ihaaniyo intii camal xun loo geystay
Uu Carabka caaryada lahaa ku calyo tuuraayey
Ee uu candhuuf baqa indhaha kaga casaynaayey
Intaas oo calaamooyinoo laga cadhoonaayo
Iyo kuwo cammuudaas ahoo aan ka yara cagey
Cismaanoow ciddii aan ogayn waa nin ciid galaye
Haddaan Caano calafkiisu go’in ama cirfiid qaadan
Oo uu cagaha dhigo halkuu ku ictimaadaayo
Ma casuumad baan dhiga karaa iyo ciyaar heello
Sow weli caruurteennii kale Cadan ma doonayso
Oo dhulaan cagteenuba aqoon caynka uma dhuuqsan
Adduunyada caddaan iyo madow ceebta ina gaadhey
Cismaanoow ciddii aan ogayn waa nin ciid galaye
Cibaarooyin badan baa socdoo ciilay ubadkiiye
Casrigaynu joognee rag kale degayo caadkaas fog
Caynaanka kuwa noo hayee ceebta ina saaray
Nimankaas cawaanka ah haddaan eebbe cidhib goynin
Ma calaacal baa ii bogsiin uurka cabanaaya.
Faarax Maxamuud
farahmohamed@somalimedia.com




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday