Wararka Wargeyska OGAAL, Sabti, 05 July

Xaflada aan nooceeda hore loogu arag Somaliland oo Xalay lagu qabtay Hargeysa

 

Hargeysa (Ogaal)-  Urur uu horsocdo Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buuba, oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee ka soo baxay Xisbiga UCID, ayaa xalay Magaaladda Hargeysa ku qabtay Xaflad aan nooceeda hore Somaliland loogu arag, taas oo ay ku xuseen, uguna dabaal-degeen maalinta Midnimada Gobolada Maraykanka, oo ku beegayd shalay (4 Julay).

Xafladan oo lagu qabtay Huteel Dalxiis ee Magaaladda Hargeysa, ayaa Xildhibaan Buubaa, oo sharaxaad ka bixinayay qaabka ay u abaabuleen iyo sababta ay u sameeyeen, in ay tahay sannad-guuradii 232’aad ee ka soo wareegtay markii ay Gobolada Maraykanku midoobeen, isla markaana ay maalintan oo ay u arkayeen mid muhiim ah ay ku beegeen ku dhawaaqida Urur cusub oo lagu magacaabo HANAD, oo sida uu sheegay Xildhibaanku uu xubin ka yahay, isla markaana ay ku jiraan Qurba-joog badan oo ku nool Waqooyiga Maraykanka. Xafladan ayaanay ka  muuqan Masuuliyiin fara badan. “Waxaanu ka cudur-daaranaynaa in aanay Hay’adihii Maraykanka halkan ka joogay ee aanu ku marti-qaadnay Xafladan qaar ka mid ahi kama soo qayb-gelin, sida USAID, oo kale.” Ayuu yidhi Xildhibaanku.

Md. Buubaa, waxa uu muujiyay sida dareen ahaan in Xafladani aanay ugu dhicin sii ay doonayeen, balse waxa uu sheegay in uu ku rejo weyn yahay in sannadaha soo socda ay noqoto mid weyn. “Maalintani way inagu cusub tahay, oo idinku wuxuun baad taqaanaan 18 May iyo 26 June, balse caawa waxaynu xusaynaa maalintii midawga Maraykanka, oo ku beegan 4-ta Julay. Waaxaanan rejaynaynaa in Xaflada tan ka dambaysaa ay intan ka waynaan doonto, aniga oo dawlada Maraykan xasuusinaya in ay Somaliland hoos u eegto.”

Xildhibaan Maxamed Axmed Kijaandhe, oo isna ka tirsan Golaha Wakiillada, oo halkaa hadal ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay Ururkan cusub ee lagaga dhawaaqay Xafladaasi, oo uu ku sheegay mid baahiyaha dhinaca bulshada wax ka tari kara.

Sidoo kale, Masuul u hadlay Hay’ada Maraykanka ah ee EDC, (Dr. Siciid) ayaa  ku dooday in Xuskani yahay mid qiimo weyn leh. “Inagu waxaynu isleenahay waxani wax wayn maaha, oo dad tiro yar ayaad tihiin. Laakiin Xuskaa yar ee aynu caawa isugu nimo ilaa Safaaraddii Maraykan ee Nayroobi ayaa laga ogyahay.” Ayuu yidhi masuulkaasi.

Waxa kale oo iyaguna Munaasibadaa ka hadlay Guddoomiyaha Ururka cusub Mr. Axmed Maxamed Diiriye iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Maxamuud Xuseen Muuse oo xubin ka ah isaga laftiisu Ururkan la yimi qorshaha ku cusub dadka reer Somaliland. “Ururkan wakhti hore ayaa loo baahnaa, waxaanu qayb laxaadle ka qaadan doonaa is dhex-galka bulshooyinka ku kala nool Wadamada kala duwan ee Dunida.” Ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranku.

 

 

 

“Ma malayn kartaa goob ay buuxiyeen dad dawarsanayaa oo ay ag taalo Lacag tuulani?”

Makwaia wa Kuhenga

 

Hargeysa (Ogaal/DailyNews)- “Ma malayn kartaa goob ay buuxiyeen dad dawarsanaya iyo kuwo shaqo la’ oo ay ag taallo, lana deris tahay lacag tuulan oo is-dul saaran oo Waraaqo ah, Dollar-ka iyo Lacagta Ingiriiskuna ka mid yihiin. Taas oo taala goob bannaan, iyada oo aanu Boolis ilaaliyaa ka ag dhawayn lacagta tuulan” Sidaa waxa lagu bilaabay Warbixin uu Weriye ka tirsan Wargeyska Daily News ee dalka Tanzania ka qoray Magaalada Hargeysa.

Warbixintan oo uu qoray Qoraa iyo Suxufi lagu magacaabo Makwaia wa Kuhenga, ayaa waxa kaga hadlayaa wixii uu ku arkay Hargeysa iyo suuqyadeeda oo uu ku sugan yahay hadda.

“Halkani waa Suuqa hoose ee Hargeysa, Somaliland. Halkaas oo aan socod ku dhex maray maalin kale. Run ahaantii, qaar badan oo ka mid ah Lacagtaa lama joogaan oo ma ilaalinayaan dadkii lahaa. Waxay kaga tageen meel bannaan, si ay u soo tukadaan Salaaddoodii Duhur. Luuqadda aad looga fahmayo Dar-es-Salaam (Tanzania) aan ku idhaahdee, waxaan booqday Dukaamada Lacagta ama Sarriflayaasha. May xidhnayn Dukaamadaa Albaabadoodu, mana jirin Ciidan ilaalinayaa ee waa qaar furan!.

Lacagta Waraaqda ah ee Somaliland waxay u eg tahay Huudhaydh-ka (Dharka mustacmalka ah) lagu iibiyo Mchikichini ee Daara-Salaam dhexdeeda. Waad iibsan kartaa inta aad doonto ee Lacagta Shilinka Somaliland ama waad bedellan kartaa inta aad doonto ee lacagaha qalaad.

Waxaan socday aniga oo si la-yaab leh u lulaya Madaxayga, oo rumaysan kari la’ dadka faraha badan ee Ganacsigooda ka dhaqaaqay. Iyaga oo aan xitaa ka fikiraynin inay ka tagayaan lacag tuulan.

Waxaan su’aalay qofkii I waday haddii ay jiraan Kiisas iyo qalalaase ay ganacsiga noocan ah u geysteen Tuugo ama Budhcad. “Maya. Runtii dadkii waxay Baabuurtooda ka tagaan waqti badan, xitaa habeenkii, iyaga oo aan uga welwel qabin qof xada Baabuurta ama jabsanaya” ayuu iigu jawaabay. Kumaan qancin, waxaan dad badan oo Ganacsato ah waydiiyay oo aan ku marti qaaday Barnaamij Waraysi ah oo Telefishankayga aan u qabanayay, laguna magacaabo “Magic Formula”. “Arrintan aad aragtaa waa maxsuulka midhaha goobtan, oo ah halka ay xididda nabaddu ka bilaabmaan. Dadku waxay waayo-arag ku yihiin oo ay soo arkeen dhibaatooyin iyo baro-kac ay keeneen Dagaallo.” Ayuu yidhi mid ka mid ah dadkani.

Sidaa darteed, kani waa dalkii aan booqday, Somaliland, oo hore loogu yaqaanay British Somaliland. Waxay Madax-bannaanideeda ka heshay Gumaystihii Ingiriiska 26 June 2008 1960. Muddo yar ka dib markii ay Madax-bannaanideeda qaadatay, waxay la midowday Deriskeeda Koonfurta oo ah Somalia-yada uu Talyaanigu xukumi jiray oo ay Caasimaddiisu Muqdisho tahay.

Hoggaamiyihii Milatari ee Siyaad Barre ayaa ahaa hoggaamiyihii u xumaa, una wanaagsanaa ee hoggaamiya dawlad heer Caalami ah loo tixgeliyo.

Dhaqdhaqaaqii Waddaniga Soomaaliyeed (SNM) ayaa dhashay, una hub qaatay inay saxaan midowgii lagu degdegay, si ay ugu dhawaaqaan Somaliland oo ay uga gooyaan kaligii taliyaha Milatariga ah ee Muqdisho.

Ugu dambayntii dhaqdhaqaaqu wuxuu si guul leh ugu dhawaaqay Somaliland 18 May 1991, ka dib halgan adag oo dhiig ku daatay. Magaalada Hargeysa waxa dhulka la simay duqayn ballaadhan oo ay u geysteen Ciidamadii Soomaalida ahaa ee Muqdisho ee uu hoggaaminayay Siyaad Barre.

Halkani waa Hargeysa oo aan booqanayo 17 sanno ka dib markii ay dib ula soo noqotay Xorriyaddeeda, kana soo kabanaysa burburkii iyo hadhaagii dagaalka iyo duqaynta.

Nabad ayaa bedeshay dagaalkii. Waxyaabihii iigu xiisaha badnaa aniga waxa ka mid ahaa, sida dadka reer Somaliland oo ay Muraayad u yihiin dadka ku dhaqan Caasimaddu ay u gudanayaan hawl-nololeedkooda sida ay geesinimada iyo sharaftu ku dheehan tahay.

Sida Tanzania looga dabaaldego maalinta Jamhuuriyadda (Uhuru/Jamhuri Day) 9-ka bisha December ee sanad kasta, waxa halkan (Somaliland) looga dabaal dega 26 June oo ah markii ay Xorriyaddooda ka qaateen Ingiriiska.

Xitaa Madaxweynaha Somalland Daahir Rayaale ayaa casho kala qayb galay Muwaadiniintiisa, oo soo bandhigayay Ciyaar dhaqameed iyo majaajilo aan aniga laf ahaantaydu goob-joog ka ahaa.

Waxa I soo jiitay waxa ka mid ahaa, isku ekaanshaha Kooxda Majaajilada ee Tanzania oo lagu magacaabo “Ze Comedy” iyo kuwa ka qayb galayay Majaajilada lagu dhigayay Madaxweynaha hortiisa ee Hargeysa. Qof baa ii turjumayay waxay kaga hadlayeen majaajiladooda kooxdani. Wuxuu ku saabsanaa sicir-barar saameeyay Suuqyada iyo Goobaha Shidaalka, oo I xusuusiyay marxaladdii uu dalkaygu ku sugnaa.  Laakiin majaajilaystayaasha reer Somaliland waxay uga dan lahaayeen inay Madaxweynaha ugu gudbiyaan farriin ay kula socodsiinayaan.”

 

M. Rayaale oo qorshaynaya in loogu dhawaaqo Musharraxnimada Madaxweynaha ee xisbiga UDUB

Hargeysa (Ogaal/W.Wararka) – Hoggaamiyaha xisbiga Talada haya ee UDUB, mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa qorshaynaya in loogu dhawaaqo mar kale in isaga iyo kuxigeenkiisa, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ay yihiin musharraxiinta xisbiga UDUB, iyada oo aanay cidi kula tartamin.

Xisbiga UDUB oo aan Shirweynihiisii 2aad weli qabsan, isla markaana ku jira sannadkii saddexaad ee uu dib u dhaco Shirweynaha xisbiga ayaa warar xog ogaal ah oo u dhuundaloola Madaxtooyadu waxay sheegayaan in Daahir Rayaale uu si sanqadh-tirasho ah ugu hawlan yahay qabanqaabada shir si kedis ah loo abaabulo oo ay ka qaybgalayaan Golaha Wasiirrada, hawlwadeennada xarunta Dhexe ee xisbiga UDUB, wakiillo gobolada ay ka keenayaan Badhasaabada iyo Wasiiradu, haween iyo dhallinyarro fara badan, kaas oo laga dhigayo Shirweynaha 2aad ee Xisbiga, isla markaana lagaga dhawaaqayo in Daahir Rayaale iyo kuxigeenkiisa, Axmed Yuusuf Yaasiin, mar kale loo doortay Guddoomiyaha iyo Guddoomiyekuxigeenka xisbiga UDUB, isla markaana noqonaya musharraxiinta xisbiga ee Doorashada Madaxtooyada ee soo socota.

Xisbiga UDUB oo burbur weyni ku dhacay dhawrkii sannadood ee u dambeeyey, isla markaana uu ku milmay xukuumadda ayaa dadka arrimaha shirkiisa naawilayaa waxay sheegayaan in hawsha u taalla xisbigaasi ay ka bilaabmayso “Yaa ah UDUB, yaanse ahayn?”, iyada oo la ogyahay inay dibadda ka joogaan xukuumadda iyo arrimaha xisbigaba siyaasiyiin badan oo ka mid ah aasaasayaashii xisbigaas iyo xubno badan oo ka tirsan Golihiisii dhexe oo markii u dambeysey kor u dhaafayey 200 boqol oo xubnood, kuwaas oo danaynaya qabashada shirweynaha 2aad ee xisbigaas oo ay ka eegayaan in dib loogu dhiso xisbiga. Waxaana la sheegay in Daahir Rayaale uu kala cararayo shirka xisbiga siyaasiyiintaas oo uu tuhunsan yahay qaarkood inuu ku jiro damac inay kula tartamaan musharraxnimada ama Guddoomiyenimada xisbiga ay kula loollamaan inta aan la isla gaadhin doorashada musharraxiintaba.

Sida ay sheegayaan wararka u dhuundaloola Madaxtooyadu, mudane Rayaale waxa la wada qorshihiisa shirka Xoghayaha Guud ee UDUB iyo xubno wasiirro ah oo uu hormuud u yahay Wasiirka Maaliyadda, iyada oo uu socdo qorshe lagu bara-bixinayo xubnihii hore ee UDUB, dad cusubna lagu Udubaynayo gudaha iyo dibaddaba.

Siyaasiyiinta xisbiga UDUB ee danaynaya in xisbiga UDUB uu shirweynihiisa u qabsado si dhab ah oo ku dhisan dimuqraaddiyad, sharciyad iyo tala-wadaag ayaa ka werwersan sida uu ku socdo xisbigooda UDUB, sida aanay u jirin cid danaynaysa ama isweydiinaysa Shirweynaha xisbiga ee Saddexda sannadood mudda-dhaafka ah iyo weliba qorshayaasha qarsoodiga ah ee Daahir Rayaale kula jeestay talada xisbiga, dibna isugu caleema-saarayo.

Siyaasiyiintaasi waxay qabaan in shacbiga Somaliland looga digo, laguna baraarujiyo in aanay ogolaan inuu isu soo sharraxo hoggaaminta dalkooda qof aan xisbigiisa gudihiisa uga soo bixin si sharci ah oo dimuqraadiyad iyo doorasho ah. Waxayna xusayaan in Daahir Rayaale uu sharci darro ku sheeganayo Guddoomiyenimada xisbiga UDUB, maadaama ay ka dhammaatay muddadii 5ta sannadood ahayd ee xilka hoggaaminta xisbiga loo doortay, taas oo ku ekayd markii uu dhammaaday muddada Shirweynihii Koowaad, June 2005, haatanna uu doonayo inuu si sharci darro ah isugu soo taago musharrax madaxweynenimo.

 C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

 

M/weyne Bush oo beeniyay inuu jiro qorshe  deg-deg loogu xidhayo xabsiga Guantanamo

Washington, D.C. (Ogaal/W.Wararka)- Xukuumada Maraykanka ayaa shaaca ka qaday inaanu jirin go’aan si degdeg ah albaabada loogu xidhayo Xabsiga Milatariga Maraykanka ee Guantanamo Bay, sida uu Madaxweyne George Bush sheegay Khamiistii la soo dhaafay.

Isaga oo daba socday hadalo warbaahinta galay oo la xidhiidhay in xabsigaa la xidhayo, ka dib markii hanaanka cadaalada Maraykanku meesha ka saartay in maxaabiista halkaa lagu hayo lagu xukumo maxkamad milatari iyo in la saaro maxkamad Ameerikaan toona, ayuu Mr Bush yidhi, “Waxaanu dersaynaa go’aankaas, iyo sidii aanu hore uga socon lahayn, mana jiraan wax u go’an oo go’aamo ah Xabsiga Guantanamo.” “Balse kor iyo hoosba, waxaanu leenahay waajibaad naga saaran qawaaniinta, sidaa aawadeed, si buuxda ayaanu u axadhaynaa saamaynta sharciga……Waxaananu taas u samaynaynaa sida ugu dhakhsaha badan ee ugu caqligalsan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Taleefishanka ABC News, ayaa toddobaad ka hor shaaciyay in uu Madaxweyne Bush uu qorshaynayo ku-dhawaaqista go’aamadiisa ku aadan in la xidhayo Xabsiga Guantanamo Bay iyo inkale, ka hor inta aanu u ambabixin shirka ay dalalka warshadaha ka horumaray ee loo yaqaano G8 ku leeyihiin dalka Jabaanka.

Xabsigan oo ay Ciidamada Badda Maraykanku ku leeyihiin Jasiirada Kuuba ayaa la furay sannadkii 2002. Waxaana xilligan ku jira 300 oo maxbuus. Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa isku deyayay inay raadiyaan talaabooyin lagu xidhi karo xabsigaas iyada oo ay weli taagan yihiin khilaafaadyo la xidhiidha jidh-dilka iyo tacadiyo ay Xarunta Gaashaandhiga Maraykanka ee Pentagon u isticmaalaan maxaabiista halkaa ku jirta. Isla markaana Wasiirka Difaaca Maraykanka Robert Gates, ayaa la socodsiiyay Gudi ka socotay baarlamaanka Maraykanka bishii May in maamulka Bush uu awoodi waayay sidii loo xidhi lahaa xabsigaas maadaama aanay jirin meel kale oo la geeyo maxaabiista, kuwaasoo aan la xukumi karin, sidoo kalena la sii dayn karayn sababo la xidhiidha amaanka awgood.

Sanadkii hore, xog hayaha arrimaha dibada Maraykanka Haweenayda la yidhaahdo Condoleezza Rice waxay taageero weydiisatay dalalka ay u kala dhasheen maxaabiista ku jirta Xabsigaasi, oo ay ka dalbatay inay balan qaadaan in maxaabiistaasi aanay khatar ku ahayn bulshooyinka ka dib marka la sii daayo.

Itoobiya oo sheegtay inay Guul ka gaadhay dagaalada Somaaliya iyo jawaabta laga bixiyay

Muqdisho (Ogaal/W.Wararka) -  Afhayeenka Howl-gallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa wuxuu beeniyay hadal ay sii deysay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Itoobiya, kaasi oo ahaa in ay Ciidamada Itoobiya dileen 71 dagaalyahan oo isugu jiray dagaalyahanno iyo saraakiil hoggaamineysay kooxaha dagaalka kulla jira.

C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in warkaas uu yahay mid aan waxba ka jirin, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Wasaaradda Gaashaandhigga hadalkaas ku qarineyso dhibaato ka soo gaadhay dagaalkii ay la galeen Xoogagga Maxkamadaha Islaamka.

“Dagaalladii aan Ciidamada Itoobiya kula galnay Guriceel, Matabaan iyo Ceel Gaal inta badan waxaan ugu geysannay Ciidamada Itoobiya khasaare xooggan, waxaana ka dilnay 140 askari, marka hadalka ka soo yeedhay Itoobiya waxaan u arkeynaa mid ay ku qarinayaan jabkii aan u gesannay”ayuu yidhi C/raxiin Ciise Caddow.

Dhinaca kale, Dowlada Ethiopia ayaa xustay inay dagaalladii ka dhacay Gobollada dhexe ee Somalia ku dileen in ku dhow 71-ruux oo ka tirsan argagaxisada Somalia, sida uu saxaafadda u sheegay afhayeen ka tirsan wasaaradda Gaarshaandhigga ee Ethiopia.

Afhayeenkan u hadlay Ethiopia oo lagu magacabo Tifaye Alene ayaa sheegay in kooxaha  ay  laayeen ay ka tirsanaayeen Maxkamadaha iyo Ururka Al-shaabab, isagoo si gaar ah u xusay in 13-ka mid ahi ay ahaayeen saraakiil sarsare.

Weerarradan ayuu ku sheegay afhayeenku inay iyagu qaadeen, kaddib markii ay ka warheleen inay jiraan abaabullo gobollada dhexe ay ka wadeen canaasiir ka tirsan argagaxisada Somalia, waa sida uu hadalka u yidhiye.

“Gulufkan waxaa si wadajir ah uga qaybgalay ciidamada Ethiopia iyo kuwa Somalia, waxaananu burburinnay awooddii argagaxisada iyo hubkoodii” ayuu yidhi Tifaye Alene oo la hadlay saxaafadda

Marka  laga yimaado sheegashada Itoobiya ee ku aadan in ay dishay dagaalyahanno ka soo horjeeday iyo saraakiishii hoggaamineysay iyo beeninta Maxkamadaha Islaamka ee ka daba-timid ilaa iyo haatan ma jirto cid labada dhinac ka madax bannaan oo xaqiijisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Gobollada dhexe, gaar ahaan Degmooyinka Matabaan iyo Guriceel.

 

 

“Ambalaaskii Cusbatalka

Ceerigaabo waxa la siiyay Gobol kale”

Cali Ibraahim Bilaal – Dirawalka Gaadhiga Ambalaaska

Hargeysa (Ogaal)- “Waxaan dadka u sheegayaa in Ambalaaskii Ceerigaabo oo markii hore Hargeysa keenay qof dhaawac ah, markii uu noqday uu ku xumaaday Magaalada Sheekh ay Wasiirka Caafimaadka iyo Isu-duwaha Caafimaadka ee Gobolka Sanaag ay halkaa ka soo kaxaysteen, lana siiyay Gobolka cusub ee Hawd” Sidaa waxa yidhi Ibraahim Cali Bilaal oo sheegay inuu yahay Dirawalka Gaadhiga Ambalaaska ah ee Cusbatalka Magaalada Ceerigaabo.

Ibraahim Cali oo nagu soo booqday Xarunta Wargeyska Ogaal oo aanu xog-waraysi arrintaa kala yeelanay, ayaa waxa uu yidhi, “Aniga oo ah Dirawalkii Ambalaas-ka Cusbatalka Ceerigaabo, ahna Maamulaha Gaadiidka Wasaaradda Caafimaadka Ceerigaabo magacayguna yahay Ibraahim Cali Bilaal, waxaan doonayay inaan dadkii igu ogaa Masuuliyadda Gaadhigaa la socodsiiyo in Gaadhigii Ambalaaska ahaa ee aan Dirawalka ka ahaa uu inta uu ku xumaaday Magaalada Sheekh, aan la hadlay Isu-duwuhu uu igu yidhi iskaga kaalay. Dabadeed markii aan tegay Ceerigaabo, waxa uu Isu-duwuhu igu yidhi keen Furaha, inkasta oo aanu ku muranay, haddana markii aan u dhiibay gaadhigii waxa soo kaxaystay Wasiirka iyo Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Sanaag. Markii aan halkan (Hargeysa) yimid waxa lay sheegay in Gaadhigii la siiyay Gobolka cusub ee Hawd”

Ibraahim Cali waxa uu ka hadlay inay Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ee uu qaarkood eedaynayo la xidhiidhay iyo in kale. “Isu-duwaha ayaan la xidhiidhay, balse wax jawaab ah ima siinin. Wasiirka lamaan xidhiidhin, sababtoo ah hore ayay Wasaaradda Caafimaadka noogaga maqnaayeen 5 sanno Mushaharkoodii, waanu dacwoonay oo Maxkamadda Gobolka Sanaag ayaanu galnay. Maxkamaddu waxay Mushaharkaas noogu xukuntay Wasaaradda Caafimaadka, sida Wasiirka, Wasiir-ku-xigeenka iyo Agaasimaha guud. Dabadeed, markii aanu ula tagnay Wasiirka xukunkaa wax jawaab ah nagama siinin. Sidaa daraadeed, maadaama aanu Xukunayagiiba wax ka qaban, waxaan is-tusay inaanan la xidhiidhin” ayuu yidhi Ibraahim. Waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “Iyada oo markii horeba ay Mushaharkayagii ku maqnaa, ayay haddana Masuuliyiintaasi sidaa ka yeeleen Gaadhigii Ambalaaska ee Ceerigaabo”

Mar aanu Ibraahim Cali waydiinay waxa uu caddayn u hayo in Gobolka Hawd la siiyay Gaadhigii Ambalaaska ahaa, waxa uu ku jawaabay, “Darawalkii waday ayaa aniga iyo rag kale oo ila socdaa waraysanay, isu-duwahana wax baa laga waydiiyay. Sidaa darteed, waa arrin cad”

Dhinaca kale, mar aanu Masuuliyiintan isku daynay inaanu wax ka waydiino eedayntan loo jeediyay, ayaanay noo suurtogelin.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.


TOP

182 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE