Lafo-gurka Hadaladii Marwo Huda Ee Gobolka HAWD

Axadii toddobaadkan, waxa magaalada Baligubadle lagu qabtay munaasibad loogu dabaal degayay wanqasha gobolka HAWD oo ka mid ahaa 7 gobol oo uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin laba bilood ka hor magacaabay.

Munaasibadaas loo qabtay dabaal degga gobolka HAWD, ayaa waxa ay huwanayd laba arrimood oo taariikh iyo siyaasi ah. Sidaas darteed, ayaa xafladaasi waxa ay noqotay mid si weyn u soo jiidatay rayul caamka Somaliland, waxaana ka qayb galay dad aad u tiro badan oo ka kala yimid dhammaan gobolada Somaliland . Dadka munaasibadas ka qayb galay waxa ka mid ahaa Madaxda sare ee dawladda, xisbiyada qaranka, madaxdhaqameedyo, culimo, Abwaano, saxafiyiin, fanaaniin iyo dad kale oo tiro badan, kuwaas oo danaynayay muhiimadda siyaasadeed ee xilligan iyo taariikhdii halgankii SNM oo ay Baligubadle xarun u ahayd. Taas daraadeed ayay dhinacyada siyaasadda ee Somaliland waxay u ahayd fursad qaali ah, waxaanu dhinac kastaa [Mucaarad iyo Muxaafid] door bidayay inuu ka muuqdo oo uu ka hadlo wanqashaas, islamarkaana muujiyo dareenkiisa ku waajahan noqoshada Baligubadle ee xarunta gobolka HAWD.

Marka laga yimaado martidii xafladaas ka qayb gashay ee hadalada ka jeedisay, waxa kale oo jiray dad aan iyagu nasiib u helin inay madashaas goob joog ka ahaadaan, balse hawada u mariyay hambalyo iyo bogaadin. Dadkaas waxa ka mid ahayd Marwada Madaxweyne Rayaale, Marwo Huda Barkhad Aadan, waxaanay Telefiishanka qaranka gobolkaas u marisay hambalyo iyo bogaadin.

Marka dhinac la iska dhigo hambalyadeeda, hadalkaas Marwo Huda waxa ku jiray ereyo macnayaal badan keenay oo  la xidhiidha magacaabista gobolkaas. “Haddii ay SNM Baligubadle ka dhigtay degmo, annaguna waxaanu ugu darnay gobol.” Weedhaasi waxay ka mid ahay hadaladii marwo Huda hawada u marisay gobolka HAWD.

Weedhan oo u dhadhamaysa laba macne oo kala ah isku dhererin dhinaca SNM ah iyo mano sheegasho. ayaa waxa ay noqotay mid soo jiidata dareenka dad badan oo xiiseeya la socodka siyaasadda iyo waxyaabaha ku cusub, waxaana hadal haynteeda si weyn looga maqlayay goobaha ay bulshadu ku kulanto.

Dadka qaar ayaa waxa ay doodooda si weyn carrabka ugu xejinayeen erayga ku jira hadalada Marwo Huda ee ah ‘ANAGA.’ Dadkan oo doodooda su’aalo ka dhigayay waxay isweydiinayeen macnaha ay Marwada qaranku uga jeedo ‘ANAGA.’  Ma waxay ula jeedaa qoyska reer Daahir Rayaale Kaahin, mise waxay ula jeedaa Xukuumadda uu Rayaale Madaxweynaha ka yahay, mise waxay ka wadaa Reer Awdal ahaan.?

Waxa kale oo  jiray dad kale oo weedhan ka arkayay dhinac kale una yeelayay macnayaal ka duwan kuwa hore. Waxa ay ku doodayeen in hadalka Marwadu ahaa farriin ay u diraysay dadka reer Baligubadle, oo ay u sheegaysay in meeqaamkii SNM gaadhsiisay ee ahaa heer degmo, ay xukuumadda maanta ee ay u tahay marwada koowaadna ugu dartay gobol. Dad kale ayaa iyaguna waxay qabeen in hadalka Marwo Huda ahaa mid ay reer Baligubadle ugu tilmaamaysay muhiimadda ay magaaladaasi u leedahay Somaliland, si ay u soo jiidato aragtidooda siyaasadeed, maadaama oo ay doorasho soo dhawdahay.

Qaar kale ayaa waxa ay ku doodayeen in maadaama oo uu Madaxweyne ku xigeenku xafladaas kaga qayb galay afka xukuumadda, aanay marwo Huda meeli uga baanayn eraygii xukuumadda.  

Dhinac kale marka laga eego ee meel gaar ah la iskaga tiiriyo saddexda aragtiyood ee kor ku xusan, erayga ‘ANAGA’, waxa kale oo uu iftiimiyay doorka ay marwadu ku leedahay talada dalka. Bal u fiirso ‘Annaguna waxaanu ugu darnay gobol.” Sida laga warqabo marar badan ayaa waxa siyaasiyiin iyo wargeysyo  tilmaamay doorka marwadu ku leedahay talada dalka lagu eedeeyay inay aflagaadeeyeen marwo Huda Barkhad, waxaana mararka qaar la bixiyay wax lagu sheegay XAAL oo aan hanaanka dawliga ah iyo habdhaqanka siyaasiga ah meelna kaga jirin.

Si kastaba ha ahaate eraygan ‘ANAGA’ ee ay marwadu ku tiraabtay waxa uu u markhaati furay tilmaamaha warbaahinta iyo siyaasiyiinta qaar ee ku waajahnaa inay marwadu tahay xubin firfircoon oo ka qayb qaadata go’aamada hoggaaminta dalka. …La Soco qayb kale oo mawduucan ku saabsan cadadyada dambe, haddii Alle idmo.

 

Source: Wargeyska Geeska Afrika….


TOP

179 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE