Faysalow Af Caytamay Ninkiisu Ku Yaal
Gudoomiyaha Xisbi Siyaasadeedka Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa Dhawaan Isagoo La Hadlaya Taageerayaashiisa Wuxuu Weedho Aflagaado Qaawan Ah Ku Qaaday Xawaalada Dahabshiil Isagoo Ku Hanjabay Inuu Talaabo Ka Qaadi Doono, Weedhahaas Ka Soo Yeedhay Gudoomiye Faysal Waxay Ku Noqdeen Liqi Waa Iyo U Qaadan Waa Shacab Badan Oo Reer Somaliland Ah Kuwaas Oo Ka Biyo Diiday Sida Masuuliyad Darida Ah Ee Gudoomiyaha Xisbiga Ucid U Weeraray Shirikad Ka Mida Kuwa Ugu Sumcada Iyo Magaca Wanaagsan Somaliland Isla Markaana Had Iyo Jeer Qayb Libaax Ka Qaadata Horumarka Iyo Taakulaynta Mashaariicda Laga Hir Gelinayo Dalka
Hadaad Akhrido Khudbada Faysal Cali Waraabe Waxaa Markiiba Kuu Muuqanaysa Sida Uu Quus Uga Istaagay Inuu Mar Uun Ku Guulaysto Hogaaminta Dalka Waxaana Hadaladiisa Oo Iska Hor Imanayey Aad Ka Dhex Arki Karaysaa Sida Ay Talo Uga Dhabaqday Ee Uu Uga Niyad Jabay Damaciisii Kursi Doonka Ahaa, Soomaalidu Waxay Ku Maahmaahda Nin Qoyani Biyo Iskama Dhawro Faysal Cali Waraabe Mar Keliya Ayuu Wixii Afkiisa Ka Soo Baxay Ku Hadlay Isagoo Aan Xeerin Sharafta Iyo Magaca Jagada Gudoomiyaha Xisbiga Ee Uu Ku Magcaaban Yahay, Ilayn Nimaan Xishoonayn Dagaal Xeeli Kama Hayso Kol Hadaad Nin Masuula Ka Waydo Inuu U Meel Dayo Weedhaha Afkiisa Ka Soo Baxaya Hadalkiisuna Kala Lahaan Waayo Ujeedo Iyo Ka Jeedo Midna Kolkaas Saw Meel Madhan Maaha.
Eng Faysal Cali Waraabe Oo Fadhi Barad Ku Ah Siyaasada Wuxuu Nasiib U Yeeshay In Xisbigiisu Ka Mid Noqdo 3 Xisbi Ee Ku Soo Baxay Doorashooyinkii Degaanka Ee Dalka Ka Dhacay Sanadkii 2002 Iyadoo Weli Fari Ku Godan Tahay Sidii Xisbigiisu Ku Soo Baxay Hadana Waxaynu Odhan Karaa Nasiibkiisu Waa Fiicnaa Marka Loo Eego Ragii Miisaanka Cuslaa Ee Uu La Tarmayey Ee Uu Ka Guulaystay Kuwaas Oo Ay Ka Mid Ahaayeen Mudane Cumar Carte Qaalib, Mudane Suleymaan Maxamuud Aadan Iyo Mudane Maxamed Cabdi Gaboose 3daa Siyaasi Oo Ah Ruug Cadaa Magac Iyo Sharaf Iyo Karaamaba Ku Dhex Lahaa Bulshada Dhexdeeda Ayaa Looga Hiishay Iyadoo Aanay Jirin Haba Yaraatee Wax La Taaban Karo Oo Isaga Lagu Doortay Sida Aynu Ognahayna Faysal Ma Lahayn Waayo Aragnimo Siyaasadeed Kamana Mid Ahayn Ragii Qaybta Libaax Ka Qaatay Halkii Dheeraa Ee Dalkan Lagu Xoreeyey Markaa Kolay Anigu Weli Maan Fahmin Sababta Dhabta Ah Ee Isagana Lagu Xushay Ragaas Aynu Kor U Soo Sheegnay Magacyadoodana Lagu Reebay Kolayse Waqtiga Ayaa Sheegi Doona
Ninkii Hiilka Caynkaas Ah Loo Galay Ee Nasiibka U Yeeshay In Xisbigiisu Ka Midno 3 Xisbi Qaran Ee Dalka Laga Aqoonsan Yahay Halkuu La Iman Lahaa Siyaasad Uu Ku Hanan Karo Taageerada Shacabka Reer Somaliland Una Suura Gelisa Inuu Ku Guulaysto Hogaaminta Dalka Wuxuu Bilaabay Inuu Heeryadiisii Dib U Cuno Isagoo Ilowsan In Shacabkani Yahay Kii Shalay U Hiishay Ee Taageerada Buuxda Siiyey Ayuu Kula Soo Guryo Noqday Dhuumasho Dhabarku Muuqdo Iyo Kala Qaybin Dhexdooda Ah Wuxuuna Yidhi Reer Hargeysoow Doorkan Inaga Ayaa Xaq U Leh Hogaaminta Dalka Waayo Reer Togdheer Hore Ayey Xilka Madaxweynimo U Soo Qabteen Reer Awdalna Iminka Ayey Hayaan Waxaaba Aad Moodaa Inuu Dib U Soo Noolay Figradii Uu Aaminsanaa Jaamac Maxamed Qaalib Waagii Shir Beeleedkii Boorame Ee 1993 Ee Ahayd Inay Dalka Ka Jiraan 5 Madaxweyne Oo Mid Waliba Markiisa Hogaaminta Qabto, Malaha Faysal Wuxuu Ka Aaminka Baxay Tartanka Asxaabta Xorta Ah Wuxuuna Jeclaan Lahaa In Gobolaysi Iyo Beelaysi Lagu Qaybsado Kursiga Hogaaminta Dalka Oo Marba Beeli Tidhaahdo Anagana Waa Na Kan
Hadaan U Soo Noqdo Aflagaadan Faysal Kula Kufay Xawaalada Dahabshiil Horta Faysalow Magaca Iyo Maalkaba Ilaahay Ayaa Bixiya Adiguba Waxaad Tahay Hogaamiyaha Xisbiga Ucid Waxaana Aan Odhan Karaa Ilaahay Ayaa Ku Gartay, Xawaalada Dahabshiilna Waa Xawaalad Waqtiga Iyo Waayuhu Soo Shaac Saareen Waxay Soo Martay Waayo Kala Duwan Waxayna Ka Dhalatay Duruufo Qalafsan Oo La Soo Dersay Shacabkan Waxaana Adeegeedu Ku Soo Beegmay Xili La Kala Dhaqdhaqaaqay Oo Aabe Iyo Caruurtiisii Is Waayeen, Hooyo Iyo Ubadkeedii Kala Lumeen, Wiil Iyo Labadiisii Waalid Xidhiidhkoodii Kala Go,Ay Dadkuna Kala Daadsan Yahay Oo Nin Waliba Degal Cidla Ah Oon Wax La Dugsado Lahayn Ku Darxumaysan Yahay Waxay Ahayd Nasri Ilaahay Dadkan Xagiisa Uga Soo Diray Adeega Shirikada Xawaaalada Dahabshiilna Wuxuu Saamaxay In Ay Fure U Noqoto Iskuna Xidho Dadka Qurbo Joogo Ah Iyo Ehelkoodii Ku Tabaalaysnaa Tuulooyinka Fogfog Iyo Dhulka Durugsan Ee Miyiga Ee Kala Xidhiidh Furmaday Xiligii Dagaaladii U Dhaxeeyey Siyaad Barre Iyo Xoogagii Snm Hawshaas Oo Ahayd Mid Dhibteeda Iyo Baaxeeda Leh Ayey Shirikada Dahabshiil Dhabarka U Ridatay Illaahayna Waa Ku Guuleeyey Waxayna Seeska U Dhigtay Hanaan Xawaaladeed Oo Ku Caan Baxay Aaminaad Iyo Degdegsiimo Waxaana La Odhan Karaa Magaca Iyo Sharafka Ugu Wayn Waxay Shirikadu Ka Heshay Sida Hufnaanta Iyo Daacadnimada Leh Ee Ay Ugu Adeegto Shacabkeeda Ku Kala Filiqsan Daafaha Aduunka, Dhanka Kale Hadaynu Ka Eegnana Dahabshiil Waxay Safka Hore Kaga Jirtaa Mashaariicda Adeega Bulshada Iyadoo Ka Qayb Qaadata Mashaariicda Horumarinta Arimaha Bulshada Sida Caafimaadka, Waxbarashada, Nabad Gelyada, Biyaha Iyo Qaar Kale Oo Badan
Kolkaas Faysalow Wax Kaleba Waanu Kaa Sugaynay Laakiin Dahabshiil Ayaan Aflagaadaynayaa Waa War Loo Noqon Doono, Hadiise Lays Weydiiyo Maxaa Odayga Kelmadaa Ka Keenay Malahayga Kolay Meesha Kama Madhna Cudurkan Ugu Danbeeyey Ee Hargeysaysan Ee Engineerka Ku Dhacay Waxaa Kale Oo Jiri Karta Inuu Daaha Dabadiisa Uga Gacan Haadinayo Shirikad Kale Oo Xawaaladeed Isagoo Uga Faa,Iidaysanaya Mansabka Uu Hayo Waxaana Taas Danbe Taageeraysa Isagoo Aflagaadadiisa Bartilmaameed Ka Dhigtay Shirikada Xawaalada Dahabshiil Keliya Isku Soo Wada Duuboo Waxaa Xaqiiqo Ah In Faysal Cali Waraabe Gardaro Cad Oo Badheedh Ah Ku Qaaday Shirikada Dahabshiil Isagoo Weliba Labo Madalood Oo Kala Duwan Isku Si Ugu Weeraray Hadiise Aanu Garawshiiyo Degdeg Ah Ka Bixin Aflagaadadiisa Waxay Noqon Doontaa Dhirbaaxo Kaaga Taala Wejiga Oo Boog Madow Ku Noqota Sumcadiisa Iyo Ta Xisbiga Labadaba
Jaamac Cabdillaahi Suleymaan
Suxufi Madax Banaan

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
M. A. Duale
Cali Kayse Kabadhe
Ibrahim S. Yusuf-Bulay
Shueib A.Yousuf
Abdi Mohamed Ali
Abdiaziz A Musa
Abdiaziz A Musa
Musa Adan (Muse Qodaal)
Sayid Maxamed Yuusuf
Mohamed Yonis Awale
Laanta Norway, Kulmiye
Maxamed Baashe X. Xasan
Guddida Fulinta UK
Axmed Xirsi Madar
Cabdale Farah Sigad
Ahmed Dahir Elmi
By Sagal Say Wallahi
Ahmedweli Goth
Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK
MORE OPINIONS ›
TAHNIYAD »
Hambalyo Meher: Aways Adam Cisman & Muna Muxumed Ismaaciil
Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE
HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur