Dood dhexmartay Prof. Ahmed I Samatar iyo Dr. Mohamed A Omar: Maxaa kale kaxeeyay Somaliland iyo Somaliya

 

(The Hague, Holland) Radhiyow ku yaala dalka Holland ayaa abaabulay dood ku saabsan madaxbanaanida Somaliland oo ay ka qaybgaleen Prof. Ahmed I Samatar iyo Dr. Mohamed A Omar.  Labadan aqoonyahan oo ka soo jeeda Somaliland waxay aad ugu kala duwan yihiin  fikirkooda  siyaasadeed ee la xidhiidha jiritaanka Somaliland.

 

Doodda oo uu daadihinayey suxufi ka tirsan Radio Dalmar  waxay taabanaysay arrimaha ay ka mid ahaayeed wixii  keenay inay Somaliland la noqoto xoriyadeedii,  arrinta aqoonsiga, waxtarka ama waxyeelada ay madaxbannanidu u keentay dadka Somaliand; aragtida siyaasiyiinta somaliuand iyo xidhiidh suuragalka ah ee mustaqbalka dhexmari karaa Somaliya iyo Somaliland.

 

Dr. Mohaamed A Omar ayaa ugu horayntii sharaxaad ka bixiyay arrimaha sababay inay Somaliland la noqoto madaxbanaanideeda, wuxuuna caddeeyay in ulajeedada uga wayn ee marka horeba ka dambaysay midowgii labada dal (Somaliland iyo Somaliya) ay ahyd in la helo qaran wayn oo Somaliyeed oo kulmiya 5 tii qaybood ee Soomalidu u kale qaybsanayd. Isku darka laban geesood waxay ahayd dariiqii loo marayay isku keenidda 5 ta qaybood oo ahayd yoolka la hiigsanayay ee dadka isku hayay. Nasiibdaro waa la waayay ulajeedadii arrinkaa laga lahaa. Jabuuti waxay goosatay inay dal gaar ah noqoto, NFD waxay raacday Kiiniya, Somali galbeedna xoog iyo xeeladba waynu ku heli weynay. Dantii aasaasiga ahayd ee isku keen keentay siyaaasiyan halkaasay ku fashilantay, wixii marka ka danbeeyay waxaa isku keen hayay waxay ahayd is cabudhin. Sidii xukunka loo qaybsaday markii la isku biiray, iyo sidii awoodda loo isticmalay intii lawada joogay way kala saraysiisay labadii qaybood ee isku yimid. Arrintan oo markii danbe isuba bedeshay in dawladii lagu midoobay ay si qeexan u isir tirto umadda woqooyiga.

 

Professor Ahmed I Samatar wuu ku raacay Dr. Mohamed doodan fikriyan, wuxuuna  qiray in arrimhani ay niyad jabka ku keentay shacbigii soomaliyeed ee doonayey inay dhisaan qawmiyad Soomaliyeed oo wayn. Wuxuuse sheegay in siyaasasiyiintii Somaliland ee 1960kii timid Somaliya ay iyagu khalad sameeyeen markii ay ogaalaadeen in awooda siyaasadeed oo dhan lagala wareego. Wuxuu kaloo sheegay inay jiraan dad fara badan oo u dhashay Soomaliya oo iyaguna naftoodii ku waayay dagaaladii siyaasadeed ee dhawaan Somaliya ka dhacay. Laakiin Dr. Mohamed wuxuu tilmaamay in labadu ay kale duwan yihiin oo midna ahayd dawlad si toos ah u  isir tiraysa dad gaar ah oo ka mid ah shicibkeeda, midna ahayd dad ku nafwaayay dagaalo sokeeye oo dhashay xilli aanay jirin dawalad dhexe oo mas’uul ka ah dalka.

 

Mar ay ka doodayeen arrinta aqoonsiga ee Soomaliland ku dheeratay iyo waxa laga yeelayo, waxuu Prof Samatar tilmaamay in adduunku aanu imika u soo jeedin in wadamadu kale go’aan, wadamada Afrikana aanay arrintaa jeclayn, wax dan ah oo ugu jira degmada woqooyigu inay gaar u baxaana aanay jirin. Dr. Maxamed oo ka hadlayay arrintani wuxuu yidhi ‘‘aqoonsigu inuu qaadanayo muddo dheer waa arrin la filayay, waxayna ku jirtay arrimihii laga hadlay shirkii Burco 1991, imikase waxaaba muuqda xiisi soo kordhaya oo dunida u hayso soo dhawaynta Soomaliland, su’aashuse waxay weeye shacbiga Somaliland 17 kii sanadood ee ina soo dhaafay may ku khasaareen mise way ku macaasheen. Jawaabtu waxa weeye Somaliland waxay samaysay hurumar siyaasadeed, mid bulsho, nabadgalyo iyo is dhexgalay bulsho oo bad qaba’’, taasaana imika mudnaan koobaad leh.

 

Waxay doodu sii kululaaltay markay ka doodayeen dariiqa loo maray dawladnimda Soomaliland. Wuxuu Dr.Maxamed Cabdillahi Cumar sheegay in Soomaliland ay ku guulaysatay inay is waafajiso afkaarihii hagayay halgankii xorraynta Somaliland ee SNM hormoodka ka ahayd iyo baahida dalku u qabay in la dhiso qaran ku salaysan dan iyo dareen lawada qabo ah suuragalinaya taariikh oo la wadaago. Talaabadani waxay keentay in Somaliland heshiisiinteeda iyo is dhexgalkeeda bulsho aanu noqon mid loo maro dhabo colaadeed, mid maxkamadeed iyo mid ciqaabeed toona, sida lagu arko bulshooyinka ay aafeeyeen colaadaha sokeeye. Xorriyad la soo noqodkana wuxuu shacbiga Soomaliland ku muujiyay afti xor oo dalka ka dhacday bulshada caalamkuna goob joog ka ahayd. Prof Axmed Ismaaciil Samater oo arrintan ka jawabay wuxuu yighi ‘‘ horta umadda woqooyigu waxay sameeyeen xilkasnimo iyo wax wadaqabsi aan cidina iska qarinkarin- nabadgalyo, maamul iyo doorashooyin. Laakiin dad fara badan oo ka soo jeeda degmooyinka bariga  ayaan ka qaybgalin dariiqan Somaliland ku heshiisay oo aan qabaa in la khasbay. Waxaa kaloo jira dad  kale oo ka tirsan degmada woqooyiga oo iyana qaba fikrado ka soo horjeeda gooni u istaaga Somaliland, waxaana soo jeedinayaa in la balaadhiyo wadahadalka oo laga qabygaliyo dadkaasi oo aan laga xidhin talada.

 

Wuxuu Prof Axmed dhaliilay hogaamiyaasha Soomaliland oo ku sheegay inay ahaayen qaar aan aragti dheer lahayn hadda iyo 1960 kiiba. Imikana dadkay kala goynayaan, barigii horena xukunkay qaybtoodii ka qaadan kari wayeen koonfurta. Dr. Maxamed oo arrinta ka jawaabaya ayaa sheegay in siyaasiyiinta Soomaliland  ee 60 kii ay rabitaankooda siyaasadeed u sadqeeyeen helitaanka qawmiyadda Somaliyeed oo xor ah, halka kuwa koonfurta ay ka door-bidayeen awood siyaasadeed oo ay acanta ku dhigaan. Wuxuuna sheegay in mawqifka hogaamiyayaasha Soomaliland ee barigaa iyo ka imikuba uu  ka turjumayo rabitaanka iyo dareenka shacabka reer Soomaliland.

 

Mar ay ka hadlayeen xidhiidhka Somaliya iyo Somaliland, wuxuu  Dr. Maxamed carabka ku dhiftay in umadda Soomaliyeed ee ku kala nool Soomaliya iyo Soomaliland ay yihiin dad wax badan wadaaga- dhaqan, diin, af,  xidhiidh fara badanina uu dhex mari karo mustaqbalka, hadday noqota mid ganacsi ama iskaashi nabadgalyaba ha noqotee. Laakiin arrimhaasi waxaa kawada tashan kara hogaamiyaasha labada dal iyagoo xor ah oo aan cidina cid khasbayn xiliga ay ku haboonaato. Professor Axmedna wuu ku raacay Dr. Maxamed aragtidan, haseyeshee wuxuu wuxuu caddeeyey in ayna marna kale maarmi karayn oo loo baahn doono in la midoobo, laakiin aani cidina cid kale xqadaro ku samayn oo si wadajir ah wax loo wagaago, siyaasiyiinta Somaliland looga baahan yahay inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ka taagan Somaliya. 

 

 

Diyaariye: Abdishakur Ainan

Wariye madaxbanaan


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Sabti 22 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra