Daahir Riyaale oo qorshaynaya in loogu dhawaaqo Musharraxnimada Madaxweynaha ee xisbiga UDUB

Hargeysa (Somaliland.org) – Hoggaamiyaha xisbiga Talada haya ee UDUB, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa qorshaynaya in loogu dhawaaqo mar kale in isaga iyo kuxigeenkiisa, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ay yihiin musharraxiinta xisbiga UDUB, iyada oo aanay cidi kula tartamin.

Xisbiga UDUB oo aan Shirweynihiisii 2aad weli qabsan, isla markaana ku jira sannadkii saddexaad ee uu dib u dhaco Shirweynaha xisbiga ayaa warar xog ogaal ah oo u dhuundaloola Madaxtooyadu waxay sheegayaan in Daahir Riyaale uu si sanqadh-tirasho ah ugu hawlan yahay qabanqaabada shir si kedis ah loo abaabulo oo ay ka qaybgalayaan Golaha Wasiirrada, hawlwadeennada xarunta Dhexe ee xisbiga UDUB, wakiillo gobolada ay ka keenayaan Badhasaabada iyo Wasiiradu, haween iyo dhallinyarro fara badan, kaas oo laga dhigayo Shirweynaha 2aad ee Xisbiga, isla markaana lagaga dhawaaqayo in Daahir Riyaale iyo kuxigeenkiisa, Axmed Yuusuf Yaasiin, mar kale loo doortay Guddoomiyaha iyo Guddoomiyekuxigeenka xisbiga UDUB, isla markaana noqonaya musharraxiinta xisbiga ee Doorashada Madaxtooyada ee soo socota.

Xisbiga UDUB oo burbur weyni ku dhacay dhawrkii sannadood ee u dambeeyey, isla markaana uu ku milmay xukuumadda ayaa dadka arrimaha shirkiisa naawilayaa waxay sheegayaan in hawsha u taalla xisbigaasi ay ka bilaabmayso “Yaa ah UDUB, yaanse ahayn?”, iyada oo la ogyahay inay dibadda ka joogaan xukuumadda iyo arrimaha xisbigaba siyaasiyiin badan oo ka mid ah aasaasayaashii xisbigaas iyo xubno badan oo ka tirsan Golihiisii dhexe oo markii u dambeysey kor u dhaafayey 200 boqol oo xubnood, kuwaas oo danaynaya qabashada shirweynaha 2aad ee xisbigaas oo ay ka eegayaan in dib loogu dhiso xisbiga. Waxaana la sheegay in Daahir Riyaale uu kala cararayo shirka xisbiga siyaasiyiintaas oo uu tuhunsan yahay qaarkood inuu ku jiro damac inay kula tartamaan musharraxnimada ama Guddoomiyenimada xisbiga ay kula loollamaan inta aan la isla gaadhin doorashada musharraxiintaba.

Sida ay sheegayaan wararka u dhuundaloola Madaxtooyadu, mudane Riyaale waxa la wada qorshihiisa shirka Xoghayaha Guud ee UDUB iyo xubno wasiirroo ah oo uu hormuud u yahay Wasiirka Maaliyadda, iyada oo uu socdo qorshe lagu bara-bixinayo xubnihii hore ee UDUB, dad cusubna lagu Udubaynayo gudaha iyo dibaddaba.

Siyaasiyiinta xisbiga UDUB ee danaynaya in xisbiga UDUB uu shirweynihiisa u qabsado si dhab ah oo ku dhisan dimuqraaddiyad, sharciyad iyo tala-wadaag ayaa ka werwersan sida uu ku socdo xisbigooda UDUB, sida aanay u jirin cid danaynaysa ama isweydiinaysa Shirweynaha xisbiga ee Saddexda sannadood mudda-dhaafka ah iyo weliba qorshayaasha qarsoodiga ah ee Daahir Riyaale kula jeesay talada xisbiga, dibna isugu caleema-saarayo.

Siyaasiyiintaasi waxay qabaan in shacbiga Somaliland looga digo, laguna baraarujiyo in aanay ogolaan inuu isu soo sharraxo hoggaaminta dalkooda qof aan xisbigiisa gudihiisa uga soo bixin si sharci ah oo dimuqraadiyad iyo doorasho ah. Waxayna xusayaan in Daahir Riyaale uu sharci darro ku sheeganayo Guddoomiyenimada xisbiga UDUB, maadaama ay ka dhammaatay muddadii 5ta sannadood ahayd ee xilka hoggaaminta xisbiga loo doortay, taas oo ku ekayd markii uu dhammaaday muddada Shirweynihii Koowaad, June 2005, haatanna uu doonayo inuu si sharci darro ah isugu soo taago musharrax madaxweynenimo.

 

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.   


TOP

135 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008