Wefti Ganacsato Carbeed ah oo Booqasho Dalka ku Yimi iyo Dareennadii ku Xeernaa soo Dhoweyntooda
Hargeysa (Jam)- Wefti culus oo ah ganacsato Carbeed oo ka baayac-mushtaraysa dhoofka xoolaha nool, ayaa Isniintii maqribkii booqasho rasmi ah ku yimi Somaliland, iyadoo ganacsatada madaarka ku soo dhoweeyey ku kala aragti duwanaayeen in warbaahintu la kulanto xubnaha tujaarta Carabta ah.
Weftigan oo ka kooban 11 xubnood, waxa hoggaaminaya Sheekh Abu Yaasir Maxamed Tajir oo ah maalqabeen ka ganacsada xoolaha nool, kuwaas oo dalka joogi doona muddo saddex maalmood ah, sida uu saxaafadda u sheegay ganacsade Maxamed Musbaar oo ka mid ah ganacsatada xoolaha ee reer Somaliland oo weftiga la socday.
Ganacsatada Carbeed oo madaarka caalamiga ah ee Hargeysa kaga soo degay diyaarad khaas ah oo ay wateen, ayaan loo oggolaan in saxaafaddu wax su’aalo ah waydiisyo, iyada oo ganacsatada xoolaha Somaliland ee garoonka kaga hortagtay ku kala aragti duwanaayeen in warbaahintu la kulmaan xubnaha weftiga Carabta ah ee socdaalka ku yimi dalka.
Arrintaas ayaa sababtay in weftigu markii ay diyaarad ka soo degeen aan la fadhiisin qolka martida ee madaarka Hargeysa, balse isla markiiba lagu qaaday baabuur loo sii diyaariyey loona galbiyey dhinaca hudheelka Ambassador oo la dejiyey.
Haseyeeshee, ganacsade Maxamed Musbaar, ayaa sheegay in kooxdan Carbeed ku yimaaddeen dalka casuumad rasmi ah oo xukuumaddu u fidisay, isla markaana muddada saddexda maalmood ah ee ay joogaan wadahadallo la yeelan doonaan xukuumadda iyo ganacsatada xoolaha dhoofisa ee reer Somaliland, kadibna war rasmi ah laga soo saari doono ujeeddada socdaalkooda iyo midho-dhalka wadahadallada ay qaybaha kala duwan la yeelan doonaan.
Tujaarta Carbeed waxa madaarka si diirran ugu soo dhaweeyey ganacsatada xoolaha dhoofisa ee Somaliland ee sida weyn uga soo horjeeda heshiiska xukuumaddu kootada ugu xidhay dhoofka xoolaha ganacsadaha Sucuudiga ah ee Al-jaabiri oo maalmahan u dambeeyey sameeyey dhaqdhaqaaq xoog leh oo ay xukuumadda ku cadaadinayaan in laga qaado xayiraadda dhoofka xoolaha nool ee u xidhan ganacsadaha Sucuudiga ah ee Al-jaabiri, loona fasaxo inay xoolahooda si xor ah u iibsadaan, maadaama ay hayaan ganacsato Carbeed oo xoolaha Somaliland ku qaadanaya qiimo ka sarreeya ka xukuumadu kula heshiisay Al-jaabiri.
Xigasho: Jamhuuriya




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday