“Ma garan goorta ay madaxtooyadu isku bedeshay rug caafimaad oo lagu baadho maskaxda hogaamiyayaasha xisbiyada,” Xisbiga UCID

Hargeysa (Somaliland.org) – Xisbiga UCID ayaa jawaab ka bixiyey warsaxaafadeed Madaxtooyadu ka soo saartay dhalliilo uu Guddoomiyaha xisbigaasi u jeediyey Daahir Riyaale iyo booqashadii uu ku tegey Jabuuti. Waxana uu xisbigu faahfaahin ka bixiyey siyaalaha uu u dhalliilsan yahay booqashadii Jabuuti iyo hoggaamiyaheeda.

Warsaxaafadeedkaas oo uu soo saaray Afhayeenka Xisbiga UCID, Xasan Xuseen (Codyare), waxa uu u dhignaa sidan:

“Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ee ucid wuxuu maanta soo saaray warsaxaafadeedkan hoos ku qoran.

  1. Waxaa Xisbiga Cadalada iyo Daryeelka fajiciso ku noqotay warsaxaafadeedkii ka soo baxay madaxtooyada ee ka aradnaa milgaha iyo xishmada xafiis madaxtooyo oo ummadda looga taliyo taas oo ku tusaysa liidashada maqaamka siyaasadeed ee hogaanka dalka .
  1. Labada shicib ee Soomaalilnad iyo Jabuuti waa dad walaalo ah oo ay ka dhaxayso Ab iyo isirnimo oo wax dhibaato ah dhex oolin

Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelkuna hore u sheegay balse hogaanka sare ee maamulka Jabuuti aanu marnaba rabitaanka dadweynaha soomaaliland aanu tixgalin,aanay kana helin hiilkii walaltininimo ee aqoonsiga Jamhuuriyada Soomaliland.

 Waxa layaab leh muddo lix sanno ah oo xukumadda Riyaale talada haysay aqoonsiga ay ka keeni wayday muddadaas hore, in sanadkan oo xaaladiisa ilaahay ogyahay ku keeni doono aqoonsi Xisbiga Ucidna ma qabo. Socdaalkiisan haddana uu la mid yahay kuwii hore ee madhalayska ahaa.

  1. Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelku ma garan goorta ay madax-tooyadu isku bedeshay rug caafimaad oo lagu baadho maskaxda hogaamiyayaasha xisbiyada ee u tartamaya hogaaminta dalka, qiimaynta iyo xulashada hogaamiyayaasha xisbiyada waxay u taalaa dadweynaha reer Soomaaliland inay ka garsooraan xilliga doorashada.
  1. Waxaan Shacbi-weynaha  reer Soomaliland xusuusinaynaa in heshiiskii sadexda xisbi iyo xukumadu ay dhawaanta gaadheen uu sidiisii u taagan yahay, oo aanay mawqifka xisbiga waxba iska badelin.

Hase ahaatee Xisbiga Ucid wuxuu aaminsan yahay in muddo kordhiska la gaadhay ay ku timi heshiiskaasi balse aanay distoori ahayn muddadaasi sida ay ku andacoonayaan madaxtooyadu. 

  1. Xaalada maanta dalku uu maraayo hadii aynu soo uruurino waxa ka taagan baylahyo waaweyn oo ku wajahan bulshada noloshooda iyo horumarkooda oo laga rabay xukumadan taladda haysa inay wax ka bedel ku samayso siyaasadahooda sida arimaha dhaqaalaha daryeelka bulshada ee dalkan ka saari kara caqabadaha ku gedaaman ganacsiga dhoofka xoolaha nool,sicir barraka saameeyay miyi iyo magaalaba intii ay ku rafanayso aflagaado iyo calibaa geel laayay iyo wax kaqabasho la,aanta hoosaysa kaabayaasha dhaqaale sida biyaha,nalka,jidadka iyo xal u helid la,aanta dhacdooyinka la xidhiidha arimaha dhulka oo halis galin kara nabadgalyada iyo xasiloonida dalka.

Gebo Gebo    

Cid kastaa haka cadhootee xisbigu wuxuu ku adagyahay difaacayaana siyaasadaas mugdiga la galiyay iyo qaabka loo wajahayba,waxaanu Xisbigu mar labaad tilmaam cad ka bixibnayaa kuna dhaliilayaa istiraatiijiyad(strategy) la,aanta qaawan ee ayna wax qorshe ah ugu talo galin da,yarta shaqo la,aanta ku habsatay ee baday inay dalka ka tahriibaan.”

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra