Xidhiidhka Somaliland Iyo jabuuti ee Iminka Iyo Heerarkiisii kala duwanaa ee uu soo maray .
|
Xidhiidhka Somaliland Iyo jabuuti ee Iminka Iyo Heerarkiisii kala duwanaa ee uu soo maray . |
|
|
|
Adan Yuusuf Cilmi 26/06/08
Labada Wadan ee Somaliland iyo Jabuuti, ayaa dhul ahaan daris ah,ahna dad isku mid ah ayaa hadana muddooyinkii u dambeeyey uu ahaa xidhiidhka diblamaasiyadeed ee u dhexeeya mid aad u liita , Hase ahaatee, waxa uu isa sii kaba-raacay, ka dib markii ay dawlada Jabuuti ay soo eriday Wakiilkii Somaliland u joogay, isla markaana ay albaabada u xidhay Xafiiskii Somaliland wadankaa ku lahayd sannadkii hore (2007). Hadaba iyada oo ay heerkaa ay taagan tahay, isla markaana aanay meeshaba oolin wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya labada dawladood , ayaa Wafti uu Hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Safar degdega oo aan hore loo sii shaacin ku tagay dalka Jabuuti, Mudane Riyaale oo aan wax war ah oo socdaalkiisa ku saabsani ka soo bixin, kadibna waxay Saxaafadu heshay oo keliya inuu ka helay marti qaad Madaxweynaha jabuuti, isagoo u soo diray Diyaarad khaas ah, safarka weftigan ayaa qaatay Mudo sadex casho ah . Heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray Xidhiidhka labada wadan.
Mudadii xilka Madaxweyne Rayaale ka hor, ayaa mudo farabadan oo sanado ahayd aanu xidhiidhka Somaliland iyo jamhuuriyada Jabuuti sidaasi u fiicnayn, iyada oo xiisadda labada dal ay mar ku keentay in ciidamo la soo dhoobo xuduuda labada wadan .
Sanadkii 1997 ayaa wefdi uu hogaaminaayo Madaxweynihii Geeriyooday ee Somaliland alla ha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal waxaa uu socdaal ku tegay wadanka Jabuuti halkaasi oo uu ka socday shir ay lahayeen wadamada Igad ayna ka soo qayb galeen madaxda ururka Igad ku jirta, Shirkaasi oo ay gudoominaysay doorkaa Jabuuti, Madaxweyne Cigaal iyo wefdigiisi waxaa loo diiday inay shirka ka hadlaan, waana laga xayiray dhaqdhaqaaqyo iyo kulamo ay la yeelan lahayeenba wufuudi shirkaa ka soo qayb galay, balse Wefdigii Madaxweyne Cigaal Markiiba wuu ka soo baxay Jabuuti , markii uu Madaxweyne Cigaal soo gaadhay Madaarka Hargeysa wuxuu dhaleecayn dusha uga tuuray Maamulka Jamhuriyada Jabuuti, waxaa halkaa ka bilawday shaki badan iyo weliba Colaad diblomasiyadeed oo labada wadan u bilaabantay. Sanad ka dib waxaa ka bilawday Jabuuti olole siyaasadeed, kaasi oo sababay ka dib markii madaxweynihii hore ee Jabuuti Xasan Guuleed Abtidoon uu hawlgab noqday, waxaa isa soo sharaxay inuu bedelo Mr. abtidoon, Mudane Ismaciil Cumar geele oo xukumaayey xisbiga talada dalka hayey ee RPP,iyadoo dhamaan dadka Somaliland u dhashay ee Jabuuti ay codkooda siiyeen Ismaciil Cumar geele, si u soo baxo iyadoo loo arkaayey fursad ay heleen, iyagoo u arkaayey inuu xidhiidh gaara kala dhexeeyey Somaliland taasoo runtii dhabawday, Ismaciil Cumar Geelle na wuxuu noqday Madaxweynihii Jamhuuriyada Jabuuti ee 3,aad. Madaxweyne Riyaale ayaa waxa ahayd talaabadii ugu horreysey in uu dib u soo celiyey xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti oo marayey meel aad u xun. Wuxuuna colaadii xumayd ee labada Wadan u bedelay Saaxiibtinimo xagjirnimo ah oo gaadhey in Madaxweyne Rayaale Saxaafadda Somaliland u soo jeediyo in aanay waxba ka sheegin dowladda Jabuuti. Lama garanayo waxa soo dhexgalay xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti Hadana markii danbe. Iyadoo aan faahfaahin sidaa dheer ka soo bixin safarkaa Madaxweynaha berigaa balse waxay keliya lagu macneeyey ayaa ahaa in la cusboonaysiiyey xidhiidhka labada wadan, dadka u dhuundaloola Siyaasadda Somaliland ayaa ku dhaliilay berigaa madaxweynaha sababta wakhtigaasi keliftay inuu tego jibouti iyada oo Ethiopia ka muhiimsanayd, si kastaba ha ahaate xidhiidhkii dib ayuu u xumaaday hadana. Dabayaaqadii Bishii June 2007, waxa uu Madaxweyne Geele diiday inuu qaabilo Wasiirkii hore ee khaarajiga Somaliland Marwo Edna Aden oo jabuuti ku joogtay socdaal diblomaasiyadeed oo la xidhiidhay sidii Mr. Geele uga taageeri lahaa Madaxweyne Rayaale ka qayb galo shirkii Madaxweynayaasha Afrika ee Gaambiya ee horaantii bishii July 2007 qabsoomay.
Sidoo kale Madaxweyne Geele ayaa la sheegay inuu hadana isla sanadkaa diiday inuu laba kulmaba Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. Cawil balse mudane Cawil, waxa uu saxaafadda u sheegay isagu in xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti uu wakhtigaa marayo halkii ugu fiicnayd .
Arinta Istiraatijiyadda Siyaasadda Dibadda Somaliland
Saaxiibada aan ku leenahay beesha Caalamka ayaa inagula taliya markasta in dedaalkeeda aqoonsi-raadiska aynu xooga saarno dowladaha Afrika, kana ololayno sidii Midowga Afrika loo hordhigi lahaa Qadiyada aqoonsiga Somaliland, iyada oo ay cadeeyeen khubarada shisheeyaha ee aad u dersa arrimaha Somaliland in aqoonsiga Somaliland lagu horjoogo Arin Siyaasiya, balse aanay ahayn mid Sharci ku dhisan, iyadoo Qadiyada Somaliland aanay ka hor imanayn xeerka Sharciga ee Midowga Afrika oo ah in aan la bedeli karin xuduudihii mustacmarku kaga tegey Afrika.
Badi saaxiibadda Somaliland ee reer Galbeedku waxay leeyihiin dariiqa ugu dhow ee loo mari karo aqoonsiga Somaliland waa in Midowga Afrika la hordhigo, kadibna ururka Midowga Afrika uu garawsado, si rasmi ahna u sheego in goonni-isu-taagga Somaliland aanu waxba u dhimayn xeerarka iyo qawaaniinta Ururka Midowga Afrika u yaala .
Xukuumadda somaliland iyadoo ay ka hawlgashay awoodeeda rajadan iyo taladan, ayaa waxay bilowday olole ay ku soo jiidanayso waddamo Afrikaan ah, si ay ugu suuragasho ujeedada uu hadafkani Xanbaarsanyahay, iyadoo wadamo badan oo african ahi si fiican u fahmeen qadiyada Somaliland iminka .
Wasiirkii Hore ee Arimaha Dibada Somaliland, marwo Edna oo ahayd haweenay aad u firfircoon, xilal badana ka soo qabatay hay’adaha Qaramada Midoobey oo ay mudo dheer ka soo shaqaynaysay, Waxaana la sheegaa inay xidhiidh fiican la lahayd Jabuuti, taas oo la filayo inay salka ku hayso muddo aad u farabadan oo ay deganayd Jabuuti, madaxna ay ka ahayd xafiiska hay’adda WHO ee Jabuuti.
inkasta oo aan si rasmi ah loo ogayn isa seegii hore ee labada hoggaamiye ee Somaliland iyo jabuuti iyo waxa uu salka ku hayey, haddana waxa cad inuu jiro weji gabax ay xukuumadda Somaliland uga maagtay in ay ergo u dirto jabuuti si ay kulamo ula yeeshaan Madaxda wadamada Afrikaanka ah ee halkaas isugu iman jirey waqtiyadii aan soo dhaafnay , iyada oo hore looga bartay in xukuumadda Somaliland wefti u dirto inta badan goobaha ay ku kulmaan Madaxda Qaarada Africa .
Ganacsiga labada dalna muu ahayn siduu ahaa mudooyinkii hore, iyadoo meesha ay ka maq-nayd aaminaad ay shacabka Somaliland si buuxda u aaminsanayn in ay dhabtahay iyo inkale hadaladii mar ka soo baxay Madaxweyne Geele ee uu u hambalyeeyey sidii doorashadu ugu qabsoontay Somaliland,isagoo Madaxweyne Geele markasta si cad u tageera siyaasada Somali Weyn oo aanu la gaban oo isagoo fagaare kasta ka sheega in uu u yaqaano Somali mid keliya wax Somaliland la yidhaahdana aanu aaminsanayn.
Shacabku waxay ka doonayaan Madaxweyne Geele Faahfaahin dheeraad ah iyo weliba siyaasad cad oo jamhuuriyadda jabuuti ka qaadato Somaliland, inkasta oo aan faahfaahin hordhaca laga bixin karin safarka hadda uu Madaxweyne Riyaale ku tegay Jibouti hadana ‘Warjiraaba Cakaara waa iman doonaa.
Weftigii Madaxweyne Daahir Riyaale iyo Xukuumadda Jabuuti Iminka.
Weftiga ugu danbeeyey ee uu hogaaminayey Madaxweyne, Daahir Riyaale Kaahin ayaa booqashada ku tegay Jamhuuriyadda Jabuuti .Iyadoo ay xukuumadda Jabuuti Iyo Somaliland ay soo wada saareen war-murtiyeed,Communiqué-gii [warmurtiyeedkii ,kadib wada hadlo labada dhinac u socdey ilaa 2casho oo heerar kala duwan ahaa.
Iyadoo War-murtiyeedku ka koobanaa 5 qodob oo inta badana ka hadlayey colaadda u dhexaysa Jabuuti iyo Erateriya, taas la garankaro xiliga uu ku soo beegmay (Xiisada Dagaalka Jabuuti Iyo Eeritariya) iyo heerka xidhiidhka Laba dal sida uu ahaa, iyadoo ay kulamo ay yeesheen wasiirrada la socda mudane Riyaale ee Somaliland iyo wasiirrada dhinaca Jabuuti, kuwaas oo labada hogaamiye ay u saareen inay farsamo ahaan isla meel-dhigaan arimaha la iska kaashanayo iyo xidhiidhka ay wadaagayaan labada Wadan, taas oo ka dambeysey kulan ay labada hoggaamiye, mudane Riyaale iyo Madaxweyne Geele ay ku yeesheen Hoyga Madaxtooyada Jabuuti.
Iyadoo war saxafadeedka ay ku sheegtay Xukuumada Jabuuti in ujeedada Safarka weftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu ku yimid Caasimadda Dalka Djibouti, inuu la xidhiidho muujin ay Xukuumada iyo Shacbiga Dalka jabuuti in ay la garab taagan yihiin, hiil iyo hoo-ba.
Iyadoo Is xog warraysi iyo wada tashi dheer ka dib, ay labada dhinac isla qaateen qodobadan :
1. Waxaanu si wada jir ah u cambaaraynaynaa duulaanka qaawan ee gardarrada ah ee Xukuumadda Ereteriya ku soo qaaday Xuduudaha jabuuti.
2. Waxaanu si wada jir ah ugu baaqaynaa Labada dhinac ee Somaliland iyo jabuuti, in Xukuumadda Ereteriya si deg deg ah u joojiso colaada ay ka dhex hurinayso labada shacab ee deriska ah (jabuuti & Ereteriya) iyo Gobolka Geeska Afrika.
3. Iyadoo ay Gobolka soo daashadeen colaado iyo dagaalo sokeeye oo ilaa maanta aan damin, loomana baahna in dagaalo iyo colaado loo geysto jabuuti oo nasiib wanaag hore uga badbaaday Colaadaha la degay Gobolkan,Taas oo ay masuuliyadeedu gaar ku tahay Ereteriya.
4. waxay labada dhinac isla qaateen in dar dar hor leh la galiyo xidhiidhka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada wadan ee walaalaha ah dhinacyada: Dhaqan-dhaqaale iyo Ganacsi, Nabadgelyada iyo Difaaca (gaar ahaan la dagaalanka argagixisada, Arimaha Qaxoontiga iyo Isu-Socodka) iyo Siyaasada.
5. Si loo fuliyo Arimahaa kor ku xusan, waxa lagu Heshiiyey:
a). In dib loo hawlgeliyo gudigii Wadajirka ahayd ee heerka Wasiir ahaa. Kulanka ugu horreeyana uu ka dhaco jabuuti Bisha October 2008.
b) Xidhiidhinta Gudigaasi, waxa loo xilsaaray sidii ay horeba u aheyd labada Wasiir ee Arrimaha Gudaha ee labada dhinac.
c). In dib loo hawlgeliyo Xafiisyadii Xidhiidhinta labada dhinac sida ugu dhakhso badan.’’
Qodobada heshiiskan iskaashi ee lagu baahiyey war-murtiyeedka ayaan ku cusbayn dhegaha shacbiga Somaliland, marka laga reebo qodobada ku saabsan colaadda Jabuuti iyo Erateriya, iyadoo dhowr jeer hore la gaadhay heshiisyo noocan oo kale ah oo aan waarin lakiin waxaan u deynaynaa diiwaanka taariikhda iyo mustaqbalka soo socda haddii ilaahay yidhaahdo, , kuwaas oo qodobka keliya ee ka fuley uu ahaa in Somaliland xafiis diblomaasiyadeed ka furatay Jabuuti, kaas oo isagana dhowr sano ka hor ay dowladda Jabuuti xidhay, kadib xidhiidhkaa Daahir Riyaale iyo Jabuuti uu iskii meesha uga baxay.
Waxaana ku cusub heshiiskan iminka in Jabuuti dhinaceeda ogolaatay in Somaliland dib u furato xafiiskeedii Jabuuti, maadaama Jabuuti aanay hore xafiis uga furan Somaliland, iyada oo marar badan war-murtiyeedkan oo kale lagu soo saaray in Jabuuti xafiis ka furanayso Hargeysa lakiin aan dhicin.
Waxa kale oo war-murtiyeedyadaa hore ka mid ahaa guddiyo wasiirro ah oo lagu heshiiyey inay kulamo joogto ah ku yeeshaan dhawrkii biloodba mar caasimadaha Hargeysa iyo Jabuuti, taas oo aan iyaduna fulin. Waxayna dad badan oo reer Somaliland ahi isweydiinayeen waxa uu ku salaysnaa xidhiidhkii Daahir Riyaale sida degegga ah ula bilaabay Madaxweynaha Jabuuti isla markii uu talada Somaliland qabtayba iyo halka uu ku dambeeyey xidhiidhkaasi.
Warbaahinta Jabuuti waxay laba maalmood ka hor si weyn u baahiyeen Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo markii uu soo laabtay u waramay Saxaafada ayaa waxa uu sheegay in safarkoodaa ay Jabuuti ku tageen uu qaatay Sadex casho oo ay kulamo la yeesheen intii ay joogeen Madaxweynaha Jabuuti iyo Wasiiro xukuumadiisa ah kaas oo guul inoogu dhamaaday, isla markaana waxaanu tilmaamay xidhiidhka Jabuuti iyo Somaliland inuu meel fiican ku soo noqday, waxaanu xusay in labadooda dhinacba inay dar dar cusub galiyaan ay ku soo heshiiyeen. Mudane . Rayaale oo ka hadlayey u jeedada Safarkii uu ku tagay Wadanka Jabuuti waxa uu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa in uu safarkayagii guul ku soo dhamaaday, walaaltinimadiina halkii hore ee ay joogi jirtay, meel ka fiican aanu ku soo celinay, dadka reer Jabuuti in aanu tagno ay aad ugu faraxsanaayeen, sida halkanba looga dareemayay” “Dadka ku dhimanaya xuduudkooda Jabuutina qaar baa ugu damqada, halkana qaar baa uga damqada, markaa horta xidhiidhkaasi waxaan idiin sheegayaa oo aan idinku bushaaraynayaa inuu meel fiican ku soo noqday Xidhiidhka inoo dhexeeyana in aan dar dar cusub in aanu galin ayaanu ku soo heshiinay’’ ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale. Madaxweynaha mar la waydiiyay su’aal ku saabsanayd guddi laba dhinac ah oo labada dawladood ee Somaliland iyo jabuuti sameeyeen oo shaqayn wayday xilligii uu Madaxweynimada dalka qabtay Daahir Rayaale , ka dibna Jabuuti soo eriday safiirkii Somaliland sida ay suurto-gal u noqon karto guddidaasi inay shaqayso , waxa uu kaga jawaabay oo uu yidhi “Way shaqayn, caano daatay daba dood la qabay’’.
Socdaalkii wefdiga uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland , waxay taasi markhaati u tahay sida aragtida siyaasadeed Jabuuti ee ku wajahan Somaliland ay xilligan si weyn isu bedeshay , xaalada ka jirta jabuuti awadeed.
Madaxweynaha Booqashadiisa xilligan ee Jabuuti waxaynu u daynaynaa mid najaxday oo hogaamiyaha Jabuuti ay duruuftu bartay inuu wax la qabsado Somaliland, xaqiiqadana aanu ka tegin.
Iyadoo dhinaca weftiga Somaliland Saxaafada u sheegeen in kulamadaas la iskula soo qaaday arrimihii dhaliyey in xidhiidhka labada Wadan uu xumaado mudooyinkii u dambeeyey iyadoo ay shegeen in aan arimahaas la iska laabay, bog cusubna loo furay xidhiidhka labada Wadan . Ilaahay Kheyr ha ka dhigo.
By Adan Yuusuf Cilmi , Birmingham UK. |

TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde