Ururka TAF Oo Ugu Deeqay Cusbitaalka Maandhaye ee Burco Lacag Dhan 14,000 Dollar

Shirwaynihii ururka Togdheer Abroad Foundation ee marka magciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano TAF ayaa ka dhacay magaalada Manchester 28/06/08 shirkaas oo ay soo qabanqaabiyeen laanta ururka ee magaaladaasi waxaa kasoo qayb galay dadweyne aad u fara badan oo isaga kala yimi dhamaan wadanka Ingriiska dadkaas oo ay ka mid ahaayeen Salaadiin, Cuqaal, aqoonyahano Xildhibaano,  Abwaanno iyo dadweyne kale oo aad u fara badan.

Shirkaas oo sidii loogu talo galay ubilaabmay ayaa waxaa sidii caadada ahayd lagu furay aayado quraanka kariimka ah kadibna waxaa dadweynihii shirkaas kasoo qaybgalay kusoo dhaweeyey shirka iyo magaalada Fahad Jaamac oo ku Hadlayay magaca Manchester.

Kadibna waxaa halkaa warbixin aad u dheer kasoo jeediyey Mawliid Axmed Maxamed oo si faahfaahsan uga warbixiyay marxaladihii ururku soo maray iyo waxii uu qabtay iyo ujeedooyinkii loo aasaasay iyo weliba qorshayaashiisa intaba.

Waxaa kaloo dadkii halkaas ka hadlay ka mid ahaa suldaan Maxamuud Xaaji  Xuseen oo dadkii halkaas joogey usoo jeediyey khudbad dareenkoodii soo jiidatay taas oo dhinacayo badan taabanaysay waxaana hadaladiisii ka mid ahaa sida ay lagama maarmaanka u tahay in aynu si hagar la’aan ah uga qayb qaadano mashaariicda iskaa wax u qabso sida mashruuca cisbitaalka maandhaye ee magaalada Burco iyo weliba in aanay lahayd dadkaasi ehel iyo qaraabo aan ka ahayn qurbojooga,

Waxaa kaloo suldaanku ka hadlay sida ay bulshadeenu ugu dayacantahay qurbaha iyo weliba inay u baahan yihiin in wax laga qabto, waxaa kaloo halkaas ka hadlay marti sharaf farobadan oo ay ka mid ahaayeen Dr. C/laahi Biikalo, C/Raxmaan jaamac Axmed, Qunsulka S/land u fadhiya Birmingham C/Raxmaan Cali Ubaxle, Xildhibaan farxaan Maxamed, G/Xigeenkii hore ee komishanka doorashooyinka S/land Xirsi X Cali, abwaan Ismaaciil aw Aadan iyo marti sharaf kaloo aad ufaro badan.

Ugu danbayn waxaa isaguna halkaas ka hadlay Gudoomiye kuxigeenka ururka TAF Faarax Xariir Yuusuf oo mahadnaq balaadhan usoo jeediyey dadkii sharafta lahaa ee shirka kasoo qayb galay uguna baaqay inay halkaas kasii wadaan hawshaas sadaqada ah ee ay ku taageerayaan dadkaa ilaahay xuskooda ka qaaday waxuuna ku ballan qaaday inay gaadhsiin doonaan waxkasta oo soo gaadha ururka ee loogu talogalay dadkaas.

 

Gudoomiye ku xigeenku waxa kaloo uu halkaas ku gudoomay Buugaag uu Jaamacada Burco  ugu deeqay  Qoraa Aadan Ibraahin Qaarcade unasoo mariyay ururka TAF waxaanuu balan qaaday inay gaadhsiin doonaan jaamacada sida ugu dhakhsaha badan waxaa kaloo isla halkaas uu G/xigeenku kaga guddoomay lacag dumarka Manchester ay ugu deeqeen cusbitaalka Maandhaye, waxaanuu isna halkaas garabka ururka Manchester uu ku gudoonsiiyay shahaadoo sharaf ay usoo direen gudida horumarinta G/Togdheer .

G/xigeenku waxa uu halkaas ka ga dhawaaqay lacag $14,000 oo doolar  ah oo ururku  ugu deeqay cisbtaalka waalida ee Mandhaye Isagoo ururku hore u gaadhsiiyay lacag dhan $23,000 sanadkii aynu soo dhaafnay.

Shirkaas ayaa waxa uu ku dhamaaday rayrayn iyo farxad ay aad usoo dhaweeyeen dadkii halkaas joogay dhalinyarada isku xilqaantay inay dadkoodii iyo dalkoodii hooyo wax uu qabtaan  yagoo jooga wadamo qurbe ah.

Yasin F Jees

 


TOP

179 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE