OPINION

Duuliye Axmed dheere (duqayntii Hargaysa 1988) abaalkiisu waa……….!

Duuliye Axmed dheere (duqayntii Hargaysa 1988) abaalkiisu waa……….!  

 

Talaaabada uu ku dhaqaaqay bishii todobaad ee 1988-kii, ee ahayd inuu diido ka qayb qaadashada xasuuqii bahalnimo, ee maamulkii guracnaa ee Siyaad bare uu  boqolaal kun oo hooyooyin, ubad, culimo, waayeel iyo wax-garadba lahaa oon waxba galabsan, lagu dabar gooynayay ee waxa lagu dilayay ay ahayd oo kaliya inay yihiin ISAAQ, waxay bildhaaminaysaa siin dheeri ah oo eebaheen ku galaday Axmed dheere,  taasoo inoo cadaynaysa dadnimadiisa iyo duntiisa wanaagiisan ee xariirta ah, garashadiisa fog iyo go’ aan qaadashadiisa geesinimo, maalin rag iskuma jiree, ninkii nin ahaa dibada isa soo taagayay oo sida ragii raga ahaa ( snm) uga horimanayay, maamulkii umulo dooxa ahaa, waa maalintaa maalinta Axmed dheere rag dabada iskugu dhuftay ee uu sidii Bacaluul banaanka isa soo taagay ” ma ka mudhay ”.
 
Axmed dheere waa nin Garashadiisa fogi ka garbaduubtay ooy tidhi, Maya oo maya inuu uus-aaso dad walaaladii ah, oo uu ifka inta uu ku nool yahay godob iyo dabo-ka warwar ku noolaado, aakhirana Alla ogyahay waxa uu mudan doono,waxa go’ aan kii uu naftiisa halista ku galiyay ee uu ku diiday amarkii la faray, ee dhagarta qabay, uu ku badbaadiyay kumaan kun oo qof oo maanta ugu abaal haya, waataa Ubaxa qoorta loo sudhay, waataa qalbi iyo gacmo furan oo dhab ah lagu galbinayo. waakaa Caawa kula naaloonaya dadkii walaaladii ahaa ee uu 1988-kii Hargaysa uga tudhay bambooyinkii inuu la dhaco oo ku xasuuqo.
 
Abaalka way galaan waanay gudaan dadka reer Somaliland, waxa jiray qiso dhab ah oo qarnigii 19-aad dabayaaqadiisii ka dhacday dhulka hada la yidhaa Qadawga ( degaanka Gobolka Gabiiley). Waxa gaade habeenaad isaga oo geel qaadaya la dhaawacay nin la odhan jiray Buux Cigaal Geele (margato) oo ahaa nin aad loo yaqaanay oo geesi ah, beeshisana ka mid ahaa raga haldoorka ah, dhaawacii ku fakay oo carar, baxsigii waxa uu qolqolkiisa ku dhacay isaga oo dhiig baxay reer aan ka fogayn kuu geela ka qaadayay ee lagu soo dhaawacay, isaga oo miyir beelay ayaa nin ka mid ahaa kuwii geela lahaa uu helay, reerkii buu geeyay waana uu baantay, markuu soo nafiifsatay Buux ee waagii baryay ayaa ninkii reerka lahaa kor u soo toosiyay Buux oo wajigiisa eegay, mise waaba Buux Cigaal oo lagu yaqaanay Il uu ku beelay gaade hore, ninkii damac inuu dilo oonu cidba la sugin markuu u gartay Buux, Buux ayaase u caqli celiyay ninkii oo ku yidhi, hadaad i disho magac baad tolkaa ka heli, oo waxa lagu odhan doonaa waa ninkii Buux Margato dilay, hadaad i badbaadisona magacna ilaahay baad ka heli laba nin magtoodna Tolkay iyo aniga ayaad ka heli! kala dooro hadaba.
 
Wuu badbaadiyay ninkii  Buux Margato, oo kuma dhagaroobin oo dhiigiisii muu daadin, labadii magoodna waa la siiyay, oo Maxamed Wacays Kooshin nin la odhan jiray oo halyay ahaa ayaa markii Buux reerkii la keenayba, si wanaagsan ninkii u sooray, isla todobaadkii xigayna labadii magood ( 200 oo halaad) iyo weliba Faras gudoonsiiyay ninkii Buux badbaadiyay. oo ragna ku daray xoolaha la geeya beeshiisii!! sidaasay iskugu gali jireen abaalka reerka Somaliland iskuguna gudi jireen, waxan hadaba uga socdaa sheekadaa,-
 
Duuliye Axmed dheere abaalka uu galay waa mid aad u wayn, ilaahay wuu u gudi inshallah, Axmedoow dadka reer Somaliland ee abaalka gala gudaana, waa kuu hayaan kuuna ogyihiin wanaagaad samaysay, iyo saymahaad dartood u galisay naftaada iyo ta reerkaagaba. Ugama jeedo sheekada dusha ee Buux iyo ninkii Badbaadiyay inuu duuliye Axmed isagu taasoo kale la mid yahay, ee waa iga hoga-tusaalayn, sida abaalka reer Somaliland iskugu naqaan, balse Axmed oo hadaba Kumaan kun qof oo lagu amray inuu moora-duugo badbaadiyay, maxaa uu ku mudan yahay guud ahaan inta dadnimada iyo dareenjan hufan leh ee aduunkan ku dhaqan, iyo gaar ahaana dadka reer Somaliland?.
 
Allah abaalkaaga wanaagsan ha kuu gudo.
 
 
Somaliland ha jirto oo ha joogto.
 
 
Cali Cumar Xasan.
 
 
 


TOP

179 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE