OPINION

Diredhabow. AF CAYTAMAY NIN LEH BUU KU YAAL

Diredhabow. AF CAYTAMAY NIN LEH BUU KU YAAL  

 

Waxaa beryahan dambe mareegaha ku batay Soomaalida Qurbaha iyo Qaaradaba jooga oo aflagaado iyo cay kula kaca shaqsiyaad, beelo iyo degaamo gaara, iyagoo weedhoodu ay ku salaysan tahay qabyaalad iyo isir nacayb. Cayda ayaa sideedaba ah wax casri ku ah dhaqanka Soomaalida kana dhalatay colaadaha sokeeye.
 
Haddaba Diredhabe ayaa wuxuu bilaabay qormooyin taxane ah oo uu ceeb la dul fadhiistay Jamhuuriyada Jabuuti iyo madaxwenaheeda Ismaaciil Cumar. Erayada Diredhabe ayaa waxaa ka muuqda nacayb qabyaaladeed iyo cadowtinimo uu uqabo madaxweynaha iyo waddankaba. Fikirkiisa ayaa ku abtirsada xasad iyo nolol u quudhi waa.Colaad beeleed ayuu u durbaan tuntay.
 
Nacaybka Diredhabe u hayo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo Jamhuuriyada Jabuuti ayaa ku salaysan reernimo, waxaana laga yaabaa inuu xoogaa qaada ku helo, oo raga qaarkii ku yidhaa nin fiican baad tahee halkaa ka wad. Waxaan ku leehay Nimaan ku furi doonin yaanuu ku rarin.
 
Gunta hadalkaagu wuxuu iskugu biyo shubtaa in Jabuuti uu cadow kuu joogo, cadowga ugu weyn ee Hargeysana ay tahay waa sida sawirka askariga usoo qaadatee. Waxayna midhaadii u dambaysay ku gobo tidhi in Jabuuti hortaagan tahay in qaran Soomaalilaana Dunida kusoo kordho. Intaba waad hilin halawdaye ogow.
Waase fikir dad fara badani kula qabaan. Waxaanse odhan sidan.
 
Adduunyada waxkasta dhacaya qadarka Allah ayey ku yimaadaan. Wax Illaahay qadareyna dadku awood uma laha inay joojiyaan, wixii aan xaga Eebbe ka qornayna dadka dunida ku nool oo dhami hadday iskugu tagaan ma hirgelin karaan.
Ta 2aad dhaqdhaqaaqa siyaasada ee maanta waxaa gacanta ku haysta waddamada dhaqaalaha leh, kuwa soo koraya dhawaqooga lama dhageysto. Seerbiya markay Islofeeniya ka go’aysay iyo ilaa maanta Kosofo ka xorowday intaba way diidanayd,dhegba jalaq looma siin.
Ta 3xaad waddamada dunida 3xaad weli waxay gacanta ugu jiraan kuwii guumaystay.Faransiiska,Ingiriiska iyo Isbayn midweliba daar weyn buu ku jiraa, intii uu guumaystayna daaraday ugu ciyaaraan.Sannadkiiba marbay gambiska weyn gudaha u galaan oo la yidhaa maanta waa maalintii kuwa Af Ingiriisiga ama Faransiiska amaba Isbaanishka ku hadla ayaa shiraya. Markaa Soomaalilaan meesha ay ka dhimatay waa Ingiriiska oo u diidan inay daaradadiisa kula ciyaaraan sida Kiiniya, Gaana, Bahamas,Hindiya iyo qaar kale oo badan.
Dudmada ah qaran baan doonayoo Jabuuti baa ii diidan iyo dooda hadalkaas,adigiyo iyo inta kula fikir ah dawlada Ingiriiska iyo dadka malaheeda gooya kula dul dhaca.
 
Haddii adiga cadow warmo haysti kaa xigo Jabuuti, horta waad iga nasiib badan tahoo inta aragtida guracan ayaa ummada Af Soomaaliga ku hadasha badan maanta. Aniga inta Hargeysa joogti ehelkay dhammaan weeyi ee ogow, Garoowe walaalkaan wada dhalanaa joogee ogow, Baydhabo ilaa Kismaayo bahdaybaa degtee ogow, kuwa Muqdishu lagu gumaadi iyo ka Goday lagu gawricina dubaa iigu yaaloo waan ka damqanayaaye ogow, Jabuuti ilaa Gaariso(Kiiniya) waa dhulkaygii hooyoo dhiilo uma ogaliye ogow,inta degtina dadkaygii dhammaan weeyoo dhawaqa xun waan ka dhawraa,Soomaali oo idil caqligaagaa wanaaga diidane ul iyo diirkeed baan nahee ogow. In Illaah dhergiyoo,barwaaqadu dhammaan isgaadho,dhexdeene wanaagu yimaad oo nabad ku
caano maalno Aamiin dhaha idaylkiin.
 
Nabad iyo caano
 
Rashiid
Barkhad
Rennes, France
barkhsoom@hotmail.fr
  
 
 


TOP

182 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE