Iska-horimaad ka dhacay Bariga Berbera oo hal qof ku dhintay

 

Berbera (Somaliland.org) – Hal wiil oo dhallinyaro ah ayaa ku dhintay iska horimaad maanta ka dhacay duleedka Bari ee magaalada Xeebta ku taalla ee Berbera, halkaas oo ay tacshiirad isku weydaarsadeen ciidanka Booliska iyo koox dabley ah.

Iska horimaadkaas ayaa la sheegay inuu salka ku hayo khilaaf dhul, waxana la sheegay in ciidan boolis ahi ay saaka galeen weerareen dhulkaas oo ku yaalla Batalalaale, bariga magaalada Berbera, si ay uga raraan nin sheeganaya dhulkaas oo dowladda Hoose ee Berbera ay siiso nin ganacsade ah. Hase yeeshee, waxa la sheegay in dabley hubaysan oo taageerayey ninka dhulka sheeganaya ay ka hortageen booliska.

Sida ay sheegeen dad goobjoog ah wiilka dhallinyarada ah ee iska horimaadkaas ku dhintay ayaa ka mid ahaa dad deris la ah dhulka iska horimaadku ka dhacay oo goobta ku soo xoomay. Lama oga wax khasaare ah oo kala gaadhey labada dhinac ee Booliska iyo kooxda dhulka ku dagaalmaysey, waxaase la sheegay in sarkaal ka tirsan Boolisku uu dhaawacmay.

Dhinaca kale, dadka ka gadoodey geerida wiilka dhallinyarada ah oo la sheegay in ay ku dhacday rasaas boolisku ridayey ayaa magaalada Berbera gudaheeda galabta ka afduubay gaadhi Landcruiser ah oo ay leedahay dekedda Berbera, kadib markii ay xoog kaga dejiyeen darawalkii wadey.

Ciidanka Booliska iyo odayaasha deegaanka ayaa ka daba tegey gaadhigaas, waxaana la sheegay in dhawr qof loo xidhay dhacdadaas.

Goobta iska horimaadku ka dhacay ayaa la sheegay inay gacanta ugu jirto kooxdii dableyda ahayd, waxaase la sheegay inay xiisad kululi ka taagan tahay khilaafka dhulkaas iyo geerida wiilka dhallinyarada ah ee ku dhintay iska horimaadka.

Dhulka Bariga Berbera, gaar ahaan dhulka u Batalaale ee u dhow magaalada ayaa khilaaf weyni ka taagan yahay, iyada oo dowladdu ay bilowday inay iibiso dhulkaas oo qaarkood dad degan yahay ama uu sheeganayo lahaanshihiisa.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

179 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE