OPINION

Faysalow, Maxaad Ka Weydey Dahabshiil?

Toddoba qodob ayaa mudnaa inaad xusuusnaato intaan hadalku dibedda ka wada iman. Inaad xeerisay ahayd: (1) Inay dadweynaha ku dhegeysanaya ama ku daawanaya ama ku akhriyaya yihiin kuwaad codka ka dooneyso; (2) Inaad dadka kale uga baahi badan tahay inaad muuqato nin isu dheellitiraya xumaantiisa iyo samaantiisa; aflagaadadiisa iyo ammaantiisa, si uu uga badbaado in dadweynuhu u arkaan sidii ‘weedh’; (3) Inaad tahay siyaasi aan aqoon hore oo badan ama xilkasnimo dheeraad ah bulshadu ku aqoon oo ay tahay inuu ka dhex samaysto magac imminka, si uu ula tartamo; (4)In aan laguu arag nin wax ku goosanaya mikirifoonka oo u dhex ah dadka;  (5) Nin colaad guud iyo mid gaar ahi toonna ku jirin; (6) Inaanad u muuqan nin xawaalad kale afkeeda ku hadlaya oo kas iyo maag u summcad dilayaa Dahabshiil oo aan sina kaaga mutaysan iyo (7) Inaad tahay nin wax u qorshaysan yihiin  oo aan ku dul allifin madasha halka uu weedhiisa ku toosinayo.

 

Sida aannu ka aragnay Jamhuuriya, Saxansaxo iyo Oodweynenews.com (iyo kuwa kaleba), khudbaddii aad 26 Juun xisbigaaga ka jeedisey,  si cad oo badheedh ah ayaad u weerartay Dahabshiil. Ma aad odhan xawaaladaha ayaan xidhayaa, ama ‘xawaaladaha ayaan dadka ka ‘xoraynaya’ – waa sidaad hadalka u dhigtaye; ee waxad tidhi Dahabshii ayaan idinka xoreynayaa. Waa mar e Dahabshiil shaqadiisa kowaad ayaa ah inuu ugu adeego dadweynaha isu-gudbinta lacagaha la isu baahi-dirayo. Waa mar labaadka e afka ayaad saartay oo ku celcelisey ‘Dahabshiil’ iyo sida aad u maaggan tahay inaad soo afjarto hawlihiisa iyo meheraddiisa haddii aad xukunka talo ku yeelato.

 

Waxad illowdey Faysalow in Dahabshiil adeeggisa dadku u baahan yahay; oo dalalka hore u marayba ka maarmi waayeen adeegyada xawaaladuhu qabtaan. Waxad illowdey in Dahabshiil yahay kan kowaad ee maanta magic iyo miisaanba adduunka kula tartama xawaaladaha ajinebiga ah adeegga uu u qabto diraha iyo loo-diraha, iyo magaca uu ka kasbadsay Soomaali iyo ajaanibba. Waxad illowdey inaad adiga iyo qayrkaa toonna weli u qaban dadweynaha inta uu sannad u qabto Dahabshiil si loo kobciyo adeegyada bulshada. Waxad illowdey inaad la hadleysey dhallinyaro u baahan inaan laga duwin dhabbaha saxda ah ee lagu dhawri karo aayahooda; majara-habaabin joogto ah oo marba midab lehna aan lagu soo jiidan Karin. Waxad illowdey inaanad masayn Karin xoogagga aan Alleba simin ee aad ku soo qaadatay  Waxad illowdey, oo ay ahayd iaanad illaawin, in dadweynuhu ururiyo taariikhda, waxtarka iyo milgada loo galo; xusuustooduna tan maroodiga ka dheer tahay.

 

Waxa marag madoon ah inaanad intaa ku hakan ee aad Maansoor khudbaddii aad ka jeedisey habeennimadii 28 Juun, aad iyadana si aan cidna shaki kaga jirin u sii wadatey u-colaad-gelinta Dahabshiil ee dadweynaha’ adiga oo ku tilmaamaya in shirkadaha la wada leeyahay sida TELESOM (hehe!) ka tayo iyo tanaad badan yihiin kuwa GOONNIDA loo leeyahay!! Ma labada shirkadood isu bahala geli ayay kula noqotay, halkanna? Bal adba!

 

Ugu dambayn, waxan kugula talin lahaa inaad xaal ka bixiso gefafka noocan oo kale ah oo ah kuwo aan waxba ka ood sokayn kuwii dhowaan dad wax-ma-garata ahi kaga tiraabiyeen warbaahinta dawladda eek u wajahnaa Dahabshiil iyo gobolka ama beesha uu ka soo jeedo.

 

 

Allaa Mahad Badan Leh

D. N. Jire, Berbera


TOP

182 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE