Odayaasha Bariga Sanaag oo dedaal ugu jira soo deynta Lammaane Jarmal ah oo Afduub loogu haysto deegaankooda
Ceerigaabo (Somaliland.org) – Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Bariga Sanaag ayaa dedaal ugu jira sidii ay u soo furan lahaayeen lammaane Jarmal ah oo koox budh-cad badeed ahi ku haysato buuraleyda Calmadow ee bariga Gobolka Sanaag.
Lamaanaha Jarmalka ah oo la sheegay in Budh-cad badeed ka soo afduubtay Yemen, iyaga oo ku jira safar dhinaca badda ah, waxay doontii ay wateen lammaanahaasi oo lagu soo afduubay ay ku xumaatay xeebta Laasqoray halkaas oo ay kaga tageen doontii, dadkii saarnaana ay u kaxaysteen buuraleyda. Waxaana la sheegay in budhcad-badeedda dadkaa afduubtay ay ku haystaan buurta Calmadow oo ka tirsan degmada Laasqoray, isla markaana ay dalbanayaan lacag madax-furasho ah oo dhan 1 Milyan oo Doollar.
Sida ay sheegayaan wararka ka imanayaa gobolkaas oo ku yaalla bariga fog ee Somaliland, duqayda iyo waxgaradka deegaankaas ayaa dedaal ugu jira sidii loo siideyn lahaa dadkaas afduuban, iyaga oo la shaqaynaya ciidamada Somaliland oo baadigoob ka wada deegaankaas buuraleyda ah, isla markaana waxay meesha ka saareen maamulka Puntland oo sheegta deegaankaasi.
Maamulka Puntland ayaa la sheegay inuu u fasaxay jarmalka inuu xoog ku soo furto muwaaddiniintiisa afduuban, sidii hore Faransiisku u sameeyey. Waxaana la sheegay in odayaasha deegaankaasi ay tuhunsan yihiin in maamulka Puntland oo deegaankiisa ay caan ka tahay budh-cad badeedu uu lug ku leeyahay afduubka lamaanaha Jarmalka ah ee lagu haysto bariga Somaliland, isla markaana ay doonayaan in budhcadnimada noocan ah lagu baahiyo dhulkaa Bariga Somaliland.
Dhinaca kale, Dowladda Somaliland ayaa dhowaan siideysey laba nin oo Ajnebi ah oo u kala dhashay China iyo Yemen oo ciidamada Somaliland ka soo qabteen deegaanka degmada Laasqoray ee Bariga Sanaag, iyaga oo ku jira safar dhulka ah.
Labada nin waxa lagu tuhmey inay sahan u yihiin shirkad dhinaca macdan baadhista ah oo maamulka Puntland soo dirtay. Hase yeeshee, wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay in labadaa nin oo la keenay Hargeysa baadhis lagu sameeyey, isla markaana la siidaayey kadib markii lagu waayey dembigii lagu tuhmey.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Mohamed Yonis Awale
Laanta Norway, Kulmiye
Maxamed Baashe X. Xasan
Guddida Fulinta UK
Cabdiraxman Maxamed
Axmed Xirsi Madar
Cabdale Farah Sigad
Ahmed Dahir Elmi
By Sagal Say Wallahi
Ahmedweli Goth
Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK
Ahmedweli Sh. Omer
Mohamed A. Awale
Jaamac Cabdillaahi Suleymaan
Muse Qodaal
Hamud Duale
Mohamed Farah
Abdulaziz M. Al-Somali
C/laahi axmed jama (dhiidhaa
MORE OPINIONS ›
TAHNIYAD »
Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE
HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur