Xaflad loo sameeyey xuska 26 June oo caawa lagu qabtay Madaxtooyada

Hargeysa (Somaliland.org) – Munaasibado loo sameeyey xuska sannad-guuradii 48aad ee ka soo wareegtey markii Somaliland gobanimadeedii luntay ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska, 26 June 1960 ayaa maanta iyo caawa lagu qabtay meelo kala duwan oo Somaliland ah.

Munaasibadaha xuska 26ka June waxa maanta lagu qabtay gobolada dalka qaarkood, iyada oo magaalada caasimadda ah ee Hargeysa oo aan maanta laga xusinna caawa lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada xaflad loogu talagalay xuska munaasibadda 26ka June. Waxaana ka qaybgalay masuuliyiin iyo martisharaf door ah oo ay ka mid yihiin Shirguddoonada labada aqal ee Baarlamaanka iyo xisbiyada mucaaridka ah iyo masuuliyiin ka socda hay’adaha Samafalka Caalamiga ah ee dalka jooga.

Xafladdan oo ammaankeeda aad loo adkeeyey, waxa ay ka kooban tahay casho iyo masraxiyad ka hadlaysa munaasibadda oo ay soo bandhigayaan fannaaniinta Qaranku. Dhinaca kale, magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa munaasibad ballaadhan maanta loo sameeyey xuska 26ka June, waxaana fagaaraha Khayriyada Burco isugu soo baxay dadweyne aad u farabadan oo reer Burco ah, halkaas oo ay dadka hadal uga jeediyeen Badhasaabka gobolkaas, Mr. Jaamac Cabdillaahi Biin iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiyada Mucaaridka ah.

Munaasibadda 26ka June oo ku suntan markii u horreysey ee calan Soomaaliyi leedahay oo xor ah la taago, waxay ahayd maalin Soomaalidu aad u qiimayso oo xuskeedana aad loo weyneeyo, hase yeeshee, waxay u muuqataa in la shiiqiyey maalintan oo ay shiiqisay ama meesha ka saartay 18ka May oo ah markii Somaliland dib ula soo noqotay madax bannaanideeda, kadib halgan adag oo nafo badan iyo hanti badan gallaaftay oo qaybo ka mid ah dadka Somaliland ay la galeen dowladdii ka talinaysey Soomaaliyadii ay Somaliland sida shuruud la’aanta ah ula midowdey, 4 maalmood kadib 26 June 1960 markii ay xorriyadda qaadatay.

 

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

179 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE