Daahir Riyaale iyo weftigiisii oo ka soo laabtay Jabuuti, xogwarran koobanna ka bixiyey natiijada Booqashadiisa

Hargeysa (Somaliland.org) – Weftigii Somaliland ee uu hoggaaminayey Daahir Riyaale Kaahin ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu soo dhammaystay booqasho saddex maalmood ah oo uu ku tegey Jamhuuriyadda Jabuuti.

Mudane Riyaale oo weriyayaasha kula hadlay madaarka Hargeysa, waxa uu si kooban u sheegay in socdaalkiisu guul ku soo dhammaaday, isaga oo xaqiijiyey in ujeeddada ugu weyn ee booqashadiisu ay ahayd inuu taageero ku wajahan colaadda Erateriya uu u muujiyo dowladda Jabuuti, dibna loo soo celiyo xidhiidhkii labada dal ee go’ay sannado ka hor.

Mudane Riyaale, waxa uu yidhi, “Taasi war uma baahna baan u malaynayaa. Waxaan idiin sheegayaa inuu socdaalkayagii guul ku soo dhammaaday, walaaltinimadiina halkii hore ee ay joogi jirtey meel ka fiican aanu ku soo celiney. Dadka reer Jabuutina inaan tagno aad ugu faraxsanaayeen oo sida halkanba looga dareemaayey dadka ku dhimanaya Jabuuti xuduudkeeda Jabuutina qaar baa uga damqada, halkana qaar baa uga damqada.

Markaa horta waxaan idiin sheegayaa oo aan idiinku bushaaraynayaa inuu meel fiican ku soo noqday, dowladda Jabuutina xidhiidhkeeda … Communiqué-gii [warmurtiyeedkii] shalay soo baxayna waad ogtihiin, wixii faahfaahin ah waxaan rajeynayaa in wasiiradu mar dambe idin siin doonaan haddii alle yidhaahdo. Waxaan idiin sheegayaa inay guul ku soo dhammaatay, xidhiidhkeenana dardar cusub inaanu gelino inaan ku soo heshiiney”.

Daahir Riyaale iyo weftiga uu hoggaaminayo waxa ay socdaalkan Jabuuti oo ahaa mid lama filaan ah u ambabaxay Axaddii aynu soo dhaafnay, kadib markii muddo saddex sanadood ah uu go’naa xidhiidhka labada dal, waxana uu kulamo la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyada oo shalayna ay kulmeen Guddiyo heer wasiir ah oo labada dhinac ka tirsan, kuwaas oo soo saaray warmurtiyeed wadajir ah oo nuxurkiisu yahay cambaarayn wadajir ah oo ay u jeediyeen dowladda Erateriya oo ay ku eedeeyeen inay weerar gardarro ah ku soo qaadday Jabuuti iyo qodobo kale oo ku saabsan soo noolaynta xidhiidhkii hore ee labada dal, kaas oo inta badan ka fuli waayey dhinaca Jabuuti.

 

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.  


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra