Weftigii Daahir Riyaale iyo Xukuumadda Jabuuti oo warmurtiyeed ka soo saaray arrimihii ay ka wadahadleen

Jabuuti (Somaliland.org) – Weftiga uu hoggaaminayo Daahir Riyaale Kaahin ee booqashada ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti iyo xukuumadda Jabuuti ayaa maanta soo wadasaaray war-murtiyeed, kadib wadahadlo labada dhinac u socdey ilaa shalay oo heerar kala duwan ah.

War-murtiyeeda oo ka kooban 5 qodob oo inta badan ka hadlaya colaadda u dhexaysa Jabuuti iyo Erateriya, waxa uu soo baxay kadib kulan ay yeesheen wasiirrada la socda mudane Riyaale ee Somaliland iyo wasiirrada dhinaca Jabuuti, kuwaas oo labada hoggaamiye ay u saareen inay farsamo ahaan isla meel-dhigaan arrimaha la iska kaashanayo iyo xidhiidhka ay wadaagayaan labada dal, taas oo ka dambeysey kulan ay labada hoggaamiye, mudane Riyaale iyo Madaxweyne Geelle shalay ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada Jabuuti.

War-murtiyeedka wadajirka ah oo uu saxaafadda u akhriyey Wasiirkuxigeenka Warfaafinta Somaliland, mudane Cali Cilmi Geelle, kadib kulanka Wasiirrada ee maanta, waxa uu u dhigan yahay sidan:

“Safarka weftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu ku yimid Caasimadda Dalka Djibouti, waxa ay la xidhiidhaa in ay u muujiyeen Xukuummadda iyo Shacbiga Dalka Djibouti in ay la garab taagan yihiin, hiil iyo hoo-ba.  

Is xog warraysi iyo wada tashi dheer ka dib, waxay labada dhinac isla qaateen qodobada hoos ku xusan:

1. Waxay si wada jir ah u cambaaraynayaan duulaanka qaawan ee gardarrada ah ee Xukuumadda Ereteriya ku soo qaaday Xuduudaha Djibouti. 

2. Waxa ay si wada jir ah ugu baaqayaan Labada dhinac  ee Somaliland iyo Djibouti, in Xukuumadda Ereteriya si deg deg ah u joojiso collaadda ay ka dhex hurinayso labada shacab ee derisk ah (Djibouti & Eretria) iyo Gobolka guud ahaan.

3. Iyadoo ay Gobolka soo daashadeen colaado iyo dagaalo sokeeye oo illaa manta aan damin, looma baahna in dagaalo iyo colaado loo geysto Djibouti oo nasiib wanaag hore uga badbaaday Colaadaha naafeeyay Gobolka. Taas oo ay masuuliyadeedu gaar ku tahay Ereteriya.

4. Labada dhinac waxay isla qaateen in dar dar hor leh la galiyo xidhiidhka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah dhinacyada: Dhaqan-dhaqaale iyo Ganacsi, Nabadgelyada iyo Difaaca (gaar ahaan la dagaalanka argagixisada, Arrimaha qaxoontiga iyo isu socodka) iyo siyaasadda

5. Si loo fuliyo arrimahaa kor ku xusan, waxa la isla qaatay:

a).           In dib loo hawlgeliyo guddigii wadajirka ahaa ee heerka Wasiir ahaa. Kullanka ugu horreeyana uu ka dhaco Djibouti bisha October 2008.

b) Xidhiidhinta Guddigaasi, waxa loo xilsaaray sidii ay horeba u aheyd labada Wasiir ee Arrimaha Gudaha ee labada dhinac.

c). In dib loo hawlgeliyo Xafiisyadii Xidhiidhinta labada dhinac sida ugu dhakhso badan.’’

 

Qodobada  heshiiskan iskaashi ee lagu baahiyey war-murtiyeedka ayaan ku cusbayn shacbiga Somaliland, marka laga reebo qodobada ku saabsan colaadda Jabuuti iyo Erateriya. Waxaana uu la mid yahay oo lagu xasuusan karaa warmutiyeedyo noocan oo kale oo ah oo ay Daahir Riyaale iyo Wasiirradiisu kala soo noqon jireen Jabuuti marar badan, sannadihii 2002 ilaa horraantii 2005, kuwaas oo qodobka keliya ee ka fuley uu ahaa in Somaliland xafiis diblomaasiyadeed ka furatay,Jabuuti, kaas oo isagana dabayaaqadii 2006 ay dowladda Jabuuti xidhay, kadib markii xidhiidhkaa Daahir Riyaale iyo Jabuuti uu iskii meesha uga baxay.

Waxaana ku cusub heshiiskan in Jabuuti ogolaatay in Somaliland dib u furato xafiiskeedii Jabuuti, maadaama Jabuuti aanay hore xafiis uga furan Somaliland, iyada oo marar badan war-murtiyeedkan oo kale lagu soo saaray in Jabuuti xafiis ka furanayso Hargeysa.

Waxa kale oo war-murtiyeedyadaa hore ka mid ahaa guddiyo wasiirro ah oo lagu heshiiyey inay kulamo joogto ah ku yeeshaan dhawrkii biloodba mar caasimadaha Hargeysa iyo Jabuuti, taas oo aan iyaduna fulin.  Waxayna dad badan oo reer Somaliland ahi isweydiinayeen waxa uu ku salaysnaa xidhiidhkii Daahir Riyaale sida degegga ah ula bilaabay Madaxweynaha Jabuuti isla markii uu talada Somaliland qabtayba iyo halka uu ku dambeeyey xidhiidhkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo BBC-du weydiisey in kulamadaas la iskula soo qaaday arrimihii sababay in xidhiidhka labada dal uu xumaado sannadihii u dambeeyey ayaa sheegay in aan arrimahaas la iska laabay, bog cusubna loo furay xidhiidhka labada dal.

Kulankaas maanta waxa dhinaca Jabuuti ka qaybgalay: Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka, Cali Cabdi Faarax, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Yaasiin Cilmi Buux, Wasiirka Maaliyadda Cali Faarax Casoowe, Madaxa Ammaanka Qaranka, Xasan Siciid Shire iyo La taliyaha Wasiirka Warfaafinta, Axmed Jaamac Geeddi. Dhinaca Somalilandna waxa ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Wasiirkuxigeenka Warfaafinta, Cali Cilmi Geelle iyo Taliyaha Sirdoonka Qaranka, Maxamed Nuur.

Weftiga Daahir Riyaale oo booqashadooda maanta soo gebagebeeyey waxa la filayaa burrito inay dalka ku soo laabtaan.

 

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra