Shirguddoonka Golaha Wakiillada oo Shahaado Sharaf siiyey Col. Axmed Maxamed Xasan

Hargaysa (Somaliland.org)- Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shahaado-sharaftii ugu mudnayd ee uu Golahaasi bixiyo guddoonsiiyay G/Dhexe Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere), oo ahaa Duuliye ka tirsanaa ciidankii Cirka ee dowladdii Siyaad Barre, isla markaana ka damqaday duqayntii iyo xasuuqii ciidamadii uu ka tirsanaa kula kaceen dadka reer Somaliland qaybo ka mid ah sanadkii 1988.

Shirguddoonka Golaha Wakiilladu waxa uu shahaadadaas ku guddoonsiiyey Axmed Maxamed Xasan, xaflad kooban oo maanta lagu qabtay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ka hor martiqaad qado ah oo Shirguddoonku ku sameeyey Muj. Axmed Dheere.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo shahaadada Guddoonsiiyey Col. Axmed, ayaa sheegay in uu shahaadadan ku mutaystay go’aankii waddaniyada lahaa ee uu ku diiday in uu ka qayb qaato xasuuqii lagu gumaadayay dadka shacbiga ah ee reer Somaliland, kadib markii taliskii Siyaad Barre ku amray in uu diyaarada dagaalka M17 ka kiciyo garoonka Hargaysa, isla markaana ku garaaco dadwaynaha Hargaysa sannadkii 1988-kii.

“Haddaanu nahay  Shirguddoonkii Golaha Wakiillada, Shirguddoonka oo ka wakiil ah Golaha Wakiillada dhamaan, waxa uu go’aansaday inuu xuso oo uu marti-geliyo walaalkeen Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) oo ka mid ahaa ciidamadii cirka ee Soomaaliya, oo aynu ku maamuusayno go’aankii wadaniyadda lahaa, taariikhiga ahaa, geesinimada ahaa, oo uu ku diiday in uu ka 1988-kii, in uu ka qayb qaato burburkii iyo xasuuqii magaalada Hargaysa lagu samaynayay, isaga oo markaa watey Diyaaradihii wax garaacayay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cirro.

“Runtii, Axmed laftiisana farxad weyn bay u tahay in uu maanta arko magaalada Hargaysa oo berigaa la duqaynayey oo la burburinayay, in ay maanta tahay caasimadda Somaliland, in ay tahay magaalo jirta oo ka soo kabatay burburkii iyo xasuuqii, Axmed iyo anagaba waxay noo tahay farxad wayn,” ayuu raaciyey.

Mudane Cirro, waxa uu intaas ku daray oo uu sheegay in dhulkan oo wakhtigaas la odhan jirey Waqooyiga Soomaaliya uu hadda yahay Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana shacbiga Somaliland oo dhan, xukuumadda iyo gobolayaashuba ay ku soo dhoweynayaan gacmo-furan.

Hase yeeshee, Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu si kaftan ah ugu sheegay Axmed Dheere in aanay haynin wax weyn ugu abaalgudi karaan wakhtigan, waxana uu yidhi, “Weli dowlad weyn oo dhaqaale leh maanaan noqon, abaal gudka ugu weyn ee aanu maanta ku siinaynaa waxa weeye, waad mahadsantahay. Insha Allaahu marka nala ictiraafo abaalgud intaa ka badan waad nagu leedahay, waxaanan munaasibadan doonayaa in aanu ku guddoonsiino Gaashaanle Dhexe Axmed shahaado-sharaf.”

Col. Axmed Maxamed Xasan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa Shirguddoonka Golaha Wakiilladda uga mahad celiyey Shahaadadan. Waxaanu yidhi, “Waxaan aaminsanahay in aanan samayn wax laygaga mahadceliyo Axmed ahaan, laakiin ay tahay go’aan aan qaatay anigu, ama amar khaldanaa oo laysiiyey oo aanan fulin, laakiin waajibkaygu ahaa in aan difaaco dadka dhibaatada ku jiray. Markaa waxaan leeyahay sida aad ii sharafteen waad ku mahadsan tihiin.”

Col. Axmed Maxamed Xasan oo Diyaaraddii uu wadey markii ay ka duushay Madaarka Hargeysa iyada oo ku raran bambooyin khatar ah toos ugu duulay Jabuuti, halkaas oo diyaaraddii uu watey fadhiisiyey xeebta Jabuuti, waxa uu magangelyo ku joogey tan iyo wakhtigaa Yurub. Waxana uu magaalada Hargeysa yimi toddobaadkii hore,  20 sannadood kadib maalintii uu diidey inuu diyaaraddiisa ku duqeeyo magaalada oo ay ku jireen dad shacab ahi, iyada oo aan loo kala aabbayeelin.

Col. Axmed waxa uu kala kulmay magaalada Hargeysa soo dhoweyn iyo qiimayn sare.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra