OPINION

Somalilandeey, Jabuuti laabteedu xodxodashada gacanta shisheeyahay u furan tahay!!!

Somalilandeey, Jabuuti laabteedu xodxodashada gacanta shisheeyahay u furan tahay!!!

 

 

Mar kasta oo jabuuti wax muskeeda ka sanqadhaanba, waxa meel halkeer ah ” Huduu iyo Yur ” uu ku didinayo, bahalka ooda fananayo kor ugu dhawaaqa, ninka, waa Somaliland-e u gaadhan kor-joogtada iyo ilaalinta beesha, ee isku xilqaama xasilanaanta iyo nabad ku daaqa degalka iyo degmadaba. Waxase qawadkeeda iyo qaadan waageedaba leh inaan cida qaarkeed, sida Jabuuti oo kale ahi taasi u qabin, taasi oo xasuusteena dib ugu godlaysa hal-muceedkeedii uu reebay gabayaagii waynaa, Salaan Carabay, ee ay ka mid ahaayeen, -

 

Waxba yaanu xaalkay i marin. Xoolo-na i siin-ne

 

Xaasha-e nin libin kaa xasdiyay, xumihii waa yaab.

 

Hebelkaa (Somaliland) u foogan hadh iyo habaeen inuu Laan-sare-ku-joogo oo sheeda cadawga ka dhawro, ilna-bilig hurdo u diido ee weliba suulasha ugu taagan inay maryo dhiigle kala furtaan hadii arintu adinka jamato, ayaa is-waydiintu waxay tahay maxaa luraya ee isaga uun u gaar yeelay damqashada iyo laxawga wado-dhalasho, hadaan cida uu u xaydan yahayba, wax-isku-ahaanta hoodh ku qoysanayn?

 

Anigu Somaliland kalgacalka soo afaaf dhaafay ee ay u hayso Jabuuti oo laabteedu u furan tahay salaaxa gacaanta shisheeyaha, waan u waayay qiil aan ugu garaabee, bal adigu akhristoow hadaad u hayso keen! Horta-se ila day kala-maankan hoose.

 

- Somaliland waxay dagaal naf iyo maalba leh u gashay halgankii iyo xoriyadii jamhuuriyada Jabuuti, halka Jabuuti ay kuwii reer Somaliland ee u soo qaxay 80-dii, haba kuu joogo halgan ay caawisaaye, dib ugu celisay una gacan gelisay maamulkii Siyaad Bare.

 

_ Somaliland waxay tiroba sedex jeer iyo ka badan oo Jabuuti colaado soo hoomaayiyeen, cadaysatay inay garab joogto jamhuuriyada Jabuuti hadii naf-huris iyo xinjiro dhiiga xaajadu gasho, waxa u danbeeyay dagaalka hada dhex maray Eretariya iyo Jabuuti. Halka Jabuuti ay mar kastaba qabanqaabinaso carqaladaynta nabada iyo isku tashiga ka jira Somaliland, haba kuu joogto aqoonsi iyo gargaar kale oo siyaasadeed ooy u fidisaa Somaliland-e.

 

- Somaliland godob-siyaasadeed ayay jabuuti u gashay oo taageerida hadadani ay ugu danbayso, Jabuuti-se waxba abaal yaan laga heline hadii laga nabadgalo uun ceebi may jirteen, cawo-darose waxa aynu ognahay in Jabuuti dhufays iyo gabaad u noqotay bahalahii laga hiray beesha, ooy isku urursadaan, oo weliba ay badhyo iyo awlalo iskugu shiilayso ooy ku buulaynayso si ay u xogaystaan.

 

Sedexdii madaxweyne ee Somaliland yeelatayba uma yaraysan inay jabuuti, godlaan qalbigeeda iyaga oo ka unkaya jaarnimada, isirnimada, iyo abaal la isku galay beri-hore oo hadana la isku gali doono, oo mudan in la isku gudo, ha yeeshee intaan ka war hayo, Jabuuti caloosheeda marnaba uma dabcin Somaliland, waa halkii ninkii geel jiraha ahaaye, mar kastana Jabuuti ” haraga xaga xun bay ka ursatanaysay”!!! waxana ay mudanayaasheenii markay furdaamis u waayeen, arintaa Jabuuti midba markiisii yidhi, hadaladan hoose,- u fiirso.

 

1- Madaxweyne C/raxmaan Axmed Cali ( Jabuuti inay wax nala garato waan jeclayan ha yeeshee nasiib daro, wali kama hayno taasi) !!!

 

2- Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ( hadii ay mar kaliya Jabuuti qiimayso wada dhalashadayada, u talaabsan maynee Orod baanu ugu tagi, ha yeeshee ninkaa sii jeeda, oon ku rabin anagu ma garanayno si loola hadlo ama loola xaalo, waabu kaa sii jeedaaye !! ).

 

3- Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ( jaarkaaga ma dooran kartid, anagu inti itaalkayaga ah walaaltinimada aan u hayno Jabuuti, waanu sii wanaajinaynaa….).

 

Dhamaan hadaladaasi dhaxal galka ah ee Madaxda Somaliland waxay ku tusayaan, in Jabuuti aanay Somaliland danaynayn, si ay ka tahayba, sidaa darteed, imika iyo haatan malaha waxa fiican in Somaliland kashada iyo qorigay isku qaarayso, marka Jabuuti wax yara gilgilaanba iska furto, oo miyirsato, oo aduunku dano ayuu isku raacayaaye, ay Isirnimada aan loo ogayn hoosta yara dhigto, oo bog kale oo cusub furto ooy cosobsi tagto, dhulku waa fara-badan yahaye.

 

 

F.G,- Waan ku amaanayaa jabuuti isku xilqaamka ay u ololaynaso nabadaynta walaalaha Somaaliyeed ee dhibtu dhex taalo, ha yeeshee maxaa ka dhab ah inaan qabar kale oo hadimo talis ahi hoosayn?? !!!

 

Somaliland ha jirto oo ha joogto.

 

 

 

Cali Cumar Xasan.

 


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra