SIXID FARSAMO: Qaybtii 2aad: Somali Qaldaan Waxay Dhashay Somaliweyn-Waa!
Soomaali Qaldaan Waxay Dhashay Soomaaliweyn-Waa! Snm-na Waxay Dhashay Somaliland-ta Cusub!/
Wali waxaynu ku jirnaa arrimihii Soomaaliland oo qaybtii hore aan ku soo qaadanay in markii la gaaray israacii labadii gobol ee Soomaalida oo calankooda qaatay 1960-kii ayaa waxaa isla markiiba soo if-baxday caddaalad-darradii ka dhalatay awood qaybsigii hoggaaminta dalka tiyoo reer koonfureedku isku kali-yeeleen awoodii dalkoo dhan oon waxba loo qoondayn gobolladii Soomaali-Qaldaan sababna u ahaa in la doono Soomaali-weyn. Waxay ahayd meel ninna si daacada u doonayay in wax la wadaago ninna sadbursi xaaraana doonayay iyo deegaanno uusan u dhalan inuu boob ku xukumo isagoo isku soo qaranaya bacadka iskuna maaweelinaya waxaa inoo dhalatay Jamhuuriyaddii Soomaaliya oo dadku waa isku mid gobollana lama kala lahan.
Iyadoo hoos ka guux weyni ka jiray caddaalad-darradii ka abuurantay israacii Soomaaliya (North & South) ayaa dalka waxaa ku soo noqday koox dhallinyaraa oo ku maqnaa dalka Ingiriiska oo soo dhammaystay tababar sarkaalnimo waxaana ka mid ahaa Allaha u naxariistee Xasan-Kayd cabdulle walanwal. Wax yar hadday dalkii hooyo joogeen ayay ogaadeen in dalkii dhacmay oo uu u gacangalay koox maafiyaa oo ka soo jeedda Majeerteenya oo markaa ka qabqablaynaysay dawladdii Soomaaliya ee Koonfurta ka dhalatay kooxdaana waxaa ka go’naa in aan dib loo arag nin reer waqooyi ah oo magac iyo maamuus kuleh dawladdii ITIXAADKA ahayd oo ka koobnayd goblladii waqooyiga iyo gobolladdii koonfurta. Haddaba maxay yeeleen dhallinyaradii saraakiisha ahayd ee dalka ku soo noqday ka dib markay u caddaatay inaan waxba lala wadaagi karin reer Koofureedka oo xataa iyaga dhexdooda aysan ka jirin is-aaminid oo ah koox hoosta iska wada qaniinsan oo dabar isla wada beegsanaya.
Waxay go’aansadeen inay waddankoodii kula soo noqdaan inqilaab millatari oo uu hoggaaminayay md. Xasan-Kayd Cabdulle Walanwal sannadkii 1961-kii. Ku sii dheeraanmayee inqilaabkaa waxaa fashiliyey rag maanta Somaliland Wasiiro ka ah oo bacadka isku soo qariyey Soomaaliduna waxay tidhaahdaa allow ha cadaabin nimaan wax ogayn oo nasiib-darro qaarbaa isaga dhigay md. Daahir Riyaale inay yihiin libaaxyadii ka qaybgalay inqilaabkii 1961-kii iyagoo caruurtuna ogtahay inay sababta keentay dib u dhaca dawladeed ee ku yimid Somaliland ay aabe iyo hooyaba u yihiin.
Akhristow waxaa la yidhi Alifkii bilowga kaa xumaada Albaqruu ku dhibaa ee israacii labadii Soomaaliya wuxuu ku bilowday sife qaldan wuxuuna ku dhammaaday sife kaloo ka sii qaldan kii hore iyo dagaal sokeeye oo burbur baaxad weynleh ku keenay guud ahaanba Soomaalidii oo dhan wiiqayna sharaftii iyo walaaltinimadii ka dhaxaysay Soomaalida oo maanta cadawgeedii uga dhawyahay cid kastoo doonaysa wanaagga Soomaalida. Waxaa xaqiiqa in sababta keentay inay sidaa foosha xun oo lama filaankaa wax u dhacaan waxay ahayd awood qaybsigii ku dhisnaa caddaalad-darrada iyo quursigii kooxdii ka soo jeeday gobollada dhexe ay kula dhex jireen Soomaalidii waxaana dhaba inay ahaayeen koox aan doonayn in la helo Soomaali-weyn oo dantooda u arkayay inay marooqsadaan awoodii ummaddoo dhan. Hase ahaatee fursaddaa ay ku hammiyeen inay la wareegaan guud ahaanba awoodii dalkoo dhan waxaa sababteeda lahaa qoladii iska timid ee keentay dawladdoodii oo si qaldan oon ka fiirsi lahayn madax-madax ugu soo tuuray Muqdisha oo kooxo maafiyadii Talyaaniga ka soo haray ku loolamaysay.
Markaad sii dhehato sida qaldan ee markiiba lagu tillaabsaday siiba hab-siyaasadeedkii dalku cagta saaray waxay ku tusaysaa inay fashilantay himiladii iyo siyaasaddii lagu doonayay Soomali-weyn waxaana la oran karaa sababta koowaad waxaa iska lahaa Soomaali-Qaldaan oo waxaa la yidhi miro faraq ku jira looma daadiyo kuwo geed saaran ee reer waqooyigu waxay daadiyeen mirihii faraqa ugu jiray iyagoon haysan sallaantii ay ku fuuli lahaayeen geedka dheer ee miraha badani saarnaayeen taasina waxay dhashay in la waayo guud ahaaba Soomaali-weyn ee maanta imaarat imaarat yar ay Soomaaliya kala noqotay!!!
Aakhirkii 1967-kii ayay kooxdii ka soo jeeday Majeerteenya istustay inaysan xukumka baadil ku haysan karayn oo waxaa jiray loolan siyaasadeed iyo isbahaysi dhexmaray Soomaali-qaldaantii iyo Hawiyihii oo goor danbe soo baraarugay is arkayna inuu fuusto daloosha biyo ku dhaaminayey. Halkaa markuu xaalku marayay ayay kooxdii gobollada dhexe ka soo jeeday oo uu hoggaaminayay Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo markaa loo doortay madaxweynihii baddalay md. Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) ayaa istusaaleeyay khatarka ka iman karta isbahaysiga Hawiye iyo Soomaali-qaldaan waxayna go’aansadeen inay helaan ciddii gaashaanka u daruurilahayd oo lafo maroodi iyagaa la isku jabiyaaye waa in la helo nin ka soo jeeda Soomaali-qaldaan oo mar kale qaladii hore oo kale loo adeegsado nasiib-darrana waxaa lagu sixir goostay md. Maxamed Ibraahim Cigaal. Cigaal waxaa laga dhigay Prime Minister inuu ka noqdo dawladdii Cabdirashiid Cali Sharmaake sababtuna waxay ahayd in la curyaamiyo waxgaradka, siyaasiyiinta, tujaarta iyo qof alla iyo qofkii leh himilo siyaasadeed sida ta maanta ka taagan Somaliland oo Urur Siyaasadeedkii Qaran oo lahaa aragti dheer oo ay ku dheehantahay waddaninimo loo curyaamiyey oo kale baa loo isticmaalay Mr. Cigaal inuu curyaamiyo mudantii iyo hal-doorkii reer waqooyigu lahaa.
Waxaad la socotaan Cigaal wuxuu urursan jiray dadka aan aqoonta lahayn oo iska masaakiinta ah oon lahayn aragti siyaasadeed oo cilimyeysan oo ay kaga horiman karaan siyaasaddiisa waanad ogtihiin doorashadii 1969-kii wixii ka dhacay Soomaaliya iyo wixii uu ku kacay Cigaal oo ahaa inuu hoos dhigay ama uu ku salliday nin kasta oo karti leh midaan ba’ iyo ta’ midna ahayn deetana waxaa dhacday reerkii soo saari lahaa nin siyaasiya oo waxgarada in ay isbarbar yaaceen laba musharrax oo midi yahay sida Faysal Cali Waraabe oo kale iyo ku curyaami hebel. Halkaana waxaa lagu curyaamiyey siyaasiyiin badan oo ka soo jeeday Somaliland sida marxuum Maxamuud Cabdi Carraale, Cumar Catre Qaalib, Ismaaciil Naxar, Cabdilaahi Oomaar oo isagu dalkiiba uga tagay Cigaal awgiis. In kastoo la yidhaahdo Cigaal wuxuu ahaa siyaasi weyn oo ruug caddaaya misna god-daloolo badan buu lahaa oo qabyaaladaysan taasina waxay ka mid ahayd arrimihii markii horeba ka fiirsasho la’aanta Xamar loo geeyey dawladnimadii uu reer waqooyigu lahaa hase yeeshee waa iska xaal adduunoo qaar buu Cigaal u ahaa libaaxii ay dunida ku lahaayeen oon la soo marin karin qaladaadkiisii siyaasadeed oo doorka ka ciyaaray curyaamintii dawladnimadii Somaliland lahayd oo hibada loo siiyay maafiyadii ka soo jeeday gobollada dhexe oo maantana dalkii Soomaaliya la oran jiray ku soo hoggaamisay cadawgii soojireenka ahaa ee Axmaarada taasoo ku tusaysa inay yihiin musiibo ku dhex jirta Soomaaliya oon lahayn damiir islaamnimo , mid Soomaalinimo iyo mid waddaninimo-toona!!!
Waxaa layidhi karis xun iyana ku wax la’ ee dawladdii ka soo baxday doorashadii 1969-kii oo boob iyo musuqmaasuq ku timid may calfan himiladoodii siyaasadeed oo waqti yar ka dib waxaa la dilay madaxweynihii dalka waa Cabdirashiid cali Sharmaakee markaa nasiib-darro waxaa xukumkii inqilaab millatari kula wareegay ciidankii dalka oo uu hoggaaminayay General Maxamed Siyaad Barre waxaana jeelka loo taxaabay dhammaan wasiiradii, xildhibaanadii iyo waxgarad kale oo millatarigu u arkayay khatar inay ku yihiin xukumka ay sida qayr dastuurigaa ula wareegeen. Waxaa la yidhi maa’ibo qoomin cinda qoomin fawaa’ido ee raggii Cigaal curyaamiyey waxaa markiiba meeleeyay kacaankii ka curtay Soomaaliya waxaana Cumar Carte qaalib loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda runtiina door weyn iyo horumar baaxad weyn leh buu Cumar ka keenay caalamka oo wuxuu dalalka Carabta ku qanciyey inay Soomaaliya tahay ummad Caraba sidaas baana lagu oggolaaday in aynu ka mid noqono caalamka Carabta ugana faa’idaysanno xag shaqaale, xag diblomaasiyadeed iyo xag dhaqaalaba.
Aan intaa ku joojino maqaalka oo qaybtiisa 3-aad aan ku soo afjari-doono qaybaha kalee cinwaanka sare ku xusan oo iyagana mid mid aan wax ka soo qaadan-doono waa haddii Alle idmo…
Wa Billaahi Tawfiiq
Qalinkii: Shueib A. Gaboose
Toron/Canada




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday