OPINION

Musiibo qaran oo kusoo fool leh somaliland, hadii aan wax laga qaban.

 

 

 

 

 

 

Ilaahaybaa mahad oo dhan iska leh ina siiyay caqliga iyo garashada aynu dheernahay makhluuqa intiisa badan. Waxaan jeclaystay inaan halkan kaga hadlo dhibaatada ugu weyn ee kajirta maanta wadankeena Somaliland , iyo sida aanay cidi ugu diyaar garoobin.

Sida aynu dhamaanteen lawada socono, aduunyada oo dhan waxa kajira sixir barar xaga cuntada ah. Iyo cunta yaraan soo foodsaartay. Waxkasta oo uu sababa cunta yaraanta, wadankastaaba wuxuu isticmaalay xeeladishiisa iyo dedaalkiisa sidii uu u badbaadin lahaa dadkiisa. Iyo umadiisa. Dhibaatada ugu weyni waxay ku dhacday wadamada faqiirka ah ee aan lahayn dhaqaalaha buuran oo uu kamid yahay wadankeenuna.

Cuntada ugu badan ee aynu isticmaalnaa waa laba shey Bariis, iyo Daqiiq. Waxanay marayaan maanta sadex jibaar mid waliba intii markii hore lasiin jiray. Majirto cid kamudaharadaay, majirto cid dadaal ugashay sidii xal loo helilahaa, majirto, cid kuhawlan sidii looga hortegi lahaa. Waxaad moodaa dadkeena iyo xukuumadeenuba inay Hurdo kujiraan Waxa keliya oo aynu sugaynaa waa iyada oo lagu arko wadooyinka dad farabadan oo u dhinta nafaqo daro ama gaajo.

1)

 

Hadaba waa maxay siyaasada ay dowladu u dhigtay sidii loo xalin lahaa cunta yaraanta soo foodsaartay wadanka? 2) Inteebay leegtahay dhibaatada ka dhalankartaa cunta yaraanta? 3) Maxaa lagu xalin karaa?Su’aalahani waa su’aalaha ubaahan in ay kadoodaan oo ay is wediiyaan dadka maanta umadu xilalaka u dhiibtay iyo muwaadinkastaba sida.Madaxweynaha, Wasiirada, Baarlamaan, Guurtida, Siyaasiyiinta, Aqooyahanada.Ganacsatada. iyo cidkasta oo kale oo wax sookordhin karta.

Hadii aan isku dayo inaan kajawaabo su’alaahan sadexda ah kana bixiyo fekradayda

1).

Majirto maanta siyaasad cad oo lataabto oo ay xukuumadu ugu talagashay inay xal ugu hesho mushkiladan cunta yaraanta. Waana arin aad iyo aad loola yaabo lagana xishoodo. Waxaana sabab u noqon karta sadex arimood. Kow, Aqoondaro, Labo karti daro, sadex axmaqnimo. Sadexdaa arimood ta u sababta ah, iyo inay sadexdaba la isku raaciyo. waxaan u dhaafayaa akhristayaasha inay kajawaabaan.2).

 

Dhibaatada kadhalankarta cunta yaraanta iyo sixir bararka hadii uu sidaas kusiisocdo waxay noqon kartaa musiibo qaran. Waxaana darxumo u gaajo u dhiman doona boqolaalkun oo qof oo danyar ah, waxaana lookala horeynaya sida loosii kala liito. Xaga dhaqaalaha iyo xaga caafimaadka. Iyo awooda. Waxaanay noqondoonta arin taariikhda gasha cidii noolaata. Lagana sheekayn doono waayo danbe.3).

 

Hadaba arinta ugu muhiimsani waa in la helo qaabkii looga hortegi lahaa laguna xalin lahaa. La iskuna geeyo awooda iyo caqligaba meel. Waxaanay ila tahay aniga in lagaga bixi karo arintaas, inaynu dhulkeena wax kala soo baxno oo aynu samaysano, wixii aynu kaga maarmi lahayn cuntooyinka dibeda. Arintaasna ay Bilaabaan ganacsatada bariiska debada kasoowaridaa iyo maceeshadaha kale, Dowladuna ay garato waajibaadka dadkeeda kasaaran oo ay samayso wax kasta wax lagu soo saari karo. Lana sameeyo mashaariic waaweyn sida kii togwajaale oo kale ee xukuumidii hore ee somaliya. Iyo in dadka labaro inay isticmaalaan waxa dhulkooda kasoobaxa wax kasta oo ay ahaadaanba. Arinta ugu muhiimsanina waa ficil oo lasameeyo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


TOP

145 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Kulmiye Waa Aqoontiii iyo Aqoonyahan kii Somaliland,Geesigii Iyo Geesiyiiintii Somaliland,Mustaqbalkii Shacabka somaliland

Cali Kayse Kabadhe

Lib Murkucatay!

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

God Walaal Ha Qodin Haddaad Qoddana Haku Dheeraan Ku Dhicidoontid Ma Ogide!

Shueib A.Yousuf

Election in Mogadishu will be neither fair nor free

Abdi Mohamed Ali

Lafagurka Shirkii Golaha Dhexe Kulmiye 3aad

Abdiaziz A Musa

Lafagurka Shirweynahii Golaha Dhexe ee Kulmiye

Abdiaziz A Musa

Dimuqraadiyada Ayaa Ku Jirta

Musa Adan (Muse Qodaal)

Sooyaalkii iyo Geeddi-socodka Xisbiga Kulmiye iyo xaaladda maanta taagan

Sayid Maxamed Yuusuf

Hambalyo Silaanyo & Saylic

Mohamed Yonis Awale

Xisbiga Kulmiye laanta NORWAY: Hambalyo!

Laanta Norway, Kulmiye

Dildillaaca Kulmiye!

Maxamed Baashe X. Xasan

Hambalyo Shirka Kulmiye

Guddida Fulinta UK

Kulmiyoo Doorta Axmed xaaji cali Cadami

Axmed Xirsi Madar

Kulmiyoow Snmta hore iyo Snmta dambe midkeed dooran?

Cabdale Farah Sigad

Sifooyinka laga rabo qofka madaxdaa

Ahmed Dahir Elmi

Badha Badha Faisal Ali Warabe and the SNM

By Sagal Say Wallahi

Prof. Ismail Are waxa diyaar u ah siddeed boqol oo kun ( 800,000) oo cod.

Ahmedweli Goth

Xubinimada (ACCA) iyo Musharaxa Maxamed Cali Xirsi

Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK

Farriin deg deg ah oo ku socota xildhibaannada ka qayb gelaya shirka KULMIYE ee Burco.

Ahmedweli Sh. Omer

Richard Burton’s Outdated Bigotry Views and the Public Sphere

Mohamed A. Awale

Dildilaaca UDUB Iyo Dayaca Talaabo

Jaamac Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher: Aways Adam Cisman & Muna Muxumed Ismaaciil

Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE

HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur